Musharixiin olole ka bilaabay deegaamo Somaliland ku sugan tahay hanjabaadna u diray horgallada.

PUNTLANDTIMES (Laascaanood)-Maamulka Somaliland ee gobolka Sool ayaa dhowaan mamnoocay in musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ay ku xafladaystaan gobolkaasi.

Iyadoo ay middaasi jirto ayaa waxaa magaalooyin katirsan gobolka Sool ka bilowday ololaha mushariixinta kuraasta labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ee doorashadoodu ka qabsoomi doonto deegaamada Puntland.

Degmada Taleex ee gobolka Sool waxaa lagu soo dhoweeyey wasiir ku-xigeenkii hore ee caafimaadka Puntland Faarax Maxamed Warsame, oo u taagan xil dhibaan barlamaanka Soomaaliya.

Boqolaal shacab ah ayaa halkaasi ku soo dhoweeyey wasiirka oo sheegay inuu waxbadan ka qaban doono baahiyaha deegaanka matalaad dhab ahna u samayn doono sida uu hadalka u dhigay.

DAAWO

3 Comments

    • Reer Taleex ma oga halka ay dantoodu ku jirto, Sidaa darteed, magaaladoodu waxay u ekaatay tuulo, maxay ula mid noqon la’yihiin Somaliland inteeda kale? Maxay markasta u soo dhaweynayaan wasiir ka socda Puntland oo aan waxba u qaban doonin?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*