Musharixiinta mucaaradka,”Fahad Yaasiin waa inuu iscasilaa maadaama uu ololaha Farmaajo kujir”.

Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta warmurtiyeed soo saaray ayaa ugu baaqay  taliyaha Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir inuu xafiiska banneeyo uusanna dhex dhexaad noqon karin maadaama uu kujiro ololaha dib u doorashada Farmaajo.

Musharixiinta ayaa sheegay in iyada oo la cuskanaayo mabaadi’da ku xusan  dhamaan faqrooyinka qodobka 127aad ee Dastuurka KMG ah uu taliyaha Hay’adda Nabadsugida Fahad Yaasiin uu baneeyo xilka Hay’adda NISA maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada musharax Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo sugo dhex dhexaadnimada Hay’adda NISA.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga sugayaa go’aamo ku saabsan warka ay maanta soo saareen musharixiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya, xilli uu sii kordhiyo walaacca laga muujinayo doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

1 Comment

  1. Baalasha ka rifa
    Farmaajo waxuu ku duulaa labo baal.
    Baalka Al Shabaab/Qatar oo qaabilsan Fahad Yaasiin
    Baalka Ethiopia oo qaabilsan Mahdi Guled

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*