Muuse Biixi oo loogu baaqay inuu xiro qofkii u tacsiyeeya Khaliif Ciise Mudan & madaxweyne Deni oo jawaab waafi ah ka bixiyey.

Puntlandtimes (Garoowe)-Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa ka socda diyaar garawgii ugu dambeeyey ee loogu jiro aas qaran oo loo samayn doono Allaha u naxariistee wasiirkii amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo dhowaan Turkiga ku geeriyoodey.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyey in aaska marxuumka loo maamuuse hanaan meeqaamkiisu sareeyo xilli ay dad caan ka ah deegaamada Somaliland baraha bulshada ka caynayeen AUN Marxuum Khaliif Ciise Mudan.

Abwaanka Caanka ah ee Dhuxul Laabsaalax ayaa ka saaray muuqaal tacsi ah oo uu soo dhigay isagoona taas bedelkeeda soo geliyey muuqaal lagu caynayo dowladdii kacaanka ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu tacsida raali gelin ka bixinayo.

Adna Aadan oo caanka ah Somaliland dhowaana lagu arkay kaniisad ku taal magaalada Hargaysa ayaa dhankeeda ugu baaqday Muuse Biixi inuu xabsiga dhigo maxkamadna la tiigsado qof kasta oo u tacsiyeeya marxuumka Khaliif Ciise Mudan.

Aaska marxuumka waxaa ka qaybgeli doona madaxda ugu sarraysa Puntland, golayaasha dowladda, waxgarad, qurba joog, dad ka imaanaya gobolada Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kunool deegaamada Puntland.

Marxuum Khaliif Ciise Muddan oo shalay geeriyooday wuxuu ahaa halyeey mug iyo miisaan weyn ku leh dhismaha dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan tan PUNTLAND,waxaana aasqaran loogu samayn doonaa magaalada GAROWE oo xarun u ah dowladda PUNTLAND.

18 Comments

  1. Una tacsiyayn mayno habaarina mayno oo waa mawti,ilaahaybuuna la hor tegi camalkiisa oo ka xisaabin,waxase jirta inaan dhigaalka taariikhda Ku suntanay qof kasta oo dhib u geystay shacbigayaga sida marxuumkan oo ahaa taliyaha ciidankii cirka ee dumiyay magaalooyinkayaga,kuna xasuuqay shacab iyo maati oo diyaaradaha Ku rusheeyay,intuu noolaana Ku faanay waliba…

    Abeeso ayaa laga sheegay markaan aadamaha arkona aarsaan idhaa markaan xaga ilaahay eegona samir baan idhaa…

    Taariikhdu waa dhigaal jiilba jiilka kale u gudbiyo…..

    Waxaan jeclaa inaan ka aamuso,warbixintan aayaase igu kaliftay.

    Laab saalax xagay taariikhdu ka dhaaftay???

    Tacsi reer Somaliland cidda mudan iyo cidda kale waa kala yaqaanaan….

  2. Xigmad uu reebay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Mandela ayaa ahayd

    ” Forgive, but never forget their names”, oo nuxur ahaan noqonaysa, in cadowgii dhibta kuu geystay aad saamixi karto, hasayeeshee aanad magacyadood iloobin”.

    Fake news

  3. Dabo cayun dhawr magacood iskugu jawaabaya war marxuumka wuxuu ahaa geesi geesi dhalay oo shaqadiisa gudanaayey. idoor futo xume adinkaa jamhad noqdey kadib dawlad baa dagaal la gasheen wixii ciidanka ahaa oo dagaalka kula jirteen shaqadoodey gudanaayeen marka cabaadka naga daaya gun yahay guntu dhashay. Moorgan iyo Khaliif Ciise waa halyey soomaaliyeed oo dalkooda difaacayey waxayna soomalida ku haystaan magac iyo sharaf. idoor dabo cayun af huuraleh yaa wax ka qoraya kkkkk.

  4. Alle ha u naxariisto Khalifa ciise mudan oo kitaabkiisa gacanta Midigta ah ha uga dhiibo.

    Lama hayo cadayn dambi uu galay marxuumku aanse ahayn in uu ka tirsanaa cidamadii cirka ee somalia. Meel uu joogay iyo meel uu wakhtigaas ku sugnaa cid cadayn kadha lama hayo.

    Saraakiishii isaaq ee gobolka mudug xasuuqa iyo kufsiga ka geysatay anaguba waanu xasuusanaa.

    Laakiin xaashaa lilaah wax Cabaad ah oo naga yeeraya ma jiraan.

  5. MEELAHA SOMALIDU KU KALA TAGTAY, OO WELIGOOD QALBIGOODU ISUGU IMAN KARAYN, WALAALO DHAB AH KU NOQON KARAYN OO QARAN DHISTA OO DIFAACDA, WAA SABABTA QOFKA QOF U HAYTO DAMBIILE KAN KALENA U HAYSTO HALYEEY, ARRINKAASI DHINAC WALBA WAA KA JIRAA, MARKAA WAXAY KU SOO DHAMMAANAYSAA OO QUDHA IN SOMALI SIDAA KU KALA AAMIN BAXDAY OO KU KALA TAGTAY, OO GOD MUUMINKA LAGU QANIININ MAR LABAAD, LOONA DIYAAR GAROOBO DAGAAL LAGU RIIQDO OO KAN TIGREE IYO AMXAARO KA DARAN. WAXAAN ALLAHA WEYNI INNOO SHEEGAY IN QOF WALBA XISAABTIISA OO CAD FARTA LAGA SAARAYO, AMA HA YARAATO AMA WEYNAADEEN DEMBIGIISU, DHIBANE KASTA ILLAAHAY UUN BAA U HIILIN KARA, DAMIIRKIISU QOFKA UU SIIYEY MAGAALADAADII DUQEE OO SHACABKA KU DHEX DUMI, ISAGAY U TAALAA, WELIBA SOMALIDU WAA KU INDH-ADAG TAHAY OO SORRY MA YIDHAAHDAAN, GODKA MARKA QOFKA LA DHIGO OO LAGA DAREERO BAY TAASI HOR IMAN DOONTAA, MAXAA DAMBIILE AMMAAN LAGA BADSHAY. THOSE WHO CANNOT LEARN FROM HISTORY ARE DOOMED TO REPEAT IT, ( GEORGE SANTAYANA). ONLY A GOOD-FOR NOTHING IS NOT INTERESTED IN HIS PAST ( SIGMUND FREUD)
    UMMADAHA GOBTA AHI EE XADAARADDA LIHI MA ILOOBAAN TAARIIKHDOODA , XUMAAN IYO SAMAAN

  6. Waxaan xasuustaa 2003 inan diyaaradii Mudan airways aan Dubai ka raacay anigoo usii jeeda Bosaso, Hargaysa ayaan sii marnay marxuum khaliif ciise waana weheliyay, Hargaysa markaan tagnay diyaarad kale oo islla shirkada mudan airways oo xamar ka imanaysay ayaa la sugay diyaaradii waa nagu daahday, dabadeed bus caasi ah ayaa naloo keenay oo Hargaysa ayaa nalagusoo wareejiyay marxuum ku bus ka qaybta hore ayuu fadhiyay hodhel ayaanu tegay kana cuntaynay, magaaladana meelwalba waa tagnay. Waxaa markaa iswaydiin mudan Iidoor ku haday dacwad u qabaan maxay maalintaas ugu qaan sheegan waayeen oo ay markuu noolaa u sheegi waayeen waxa ay hada sheegayaan. Waxaa dhaqan u noqday iidoor ka inay maydka kadaba yuusaan, xabaalaha korkooda naclad ka tuuraan marna soo qufaan dadkii somali gslbeed oo ay iyagu xasuuqeen. Waxaa kale oo cajiib ah dadkii ku dhintay duwayntii diyaaradaha iyo kuwii 1994 kii muse biixi xasuuqay yaa badnaa. Waxaa xaqiiq ah kun jeer inay badnaayeen kuwii muse biixi laayay 1994 ee uu lahaa anigoo wax dili kara duco qaadanmaayo. Iidoor waxaan idiin sheegayaa walahi bilahi dhibato aysan SNM idiin gaysan idinkumay dhicin ee mowtida reer aakhireedka ahi haydinka nabad galeen.

  7. AUN General Khalif Ciise Mudan lama hayo meel uu dad Soomaaliyeed ku xasuuqey.. Wuxuu in badan booqdey magaalada Hargeysa oo uu ku lahaa shirkado ganacsi.. Hadduu dembi galay oo uu dad ka laayey Somaliland maxay markaas u xiriwayeen?

    Qaylada iyo eedaha hadda ka soo eeraya siyaasiyiinta Somaliland wax kale ma ahan ee waa jahwareerka iyo beenta ay ku hayaan shacabkooda si ay u sii heysataan xukunka..

    AUN General Khalif Ciise Mudan sannadkii 2016 kii baan waxaan ku iri, Khalif waxaa Somaliland qabsan raba Colonel Muse Bixi wuuna soo weerarayaa Puntland ee maxaa talo ah.. Maa isu sharaxdid Puntland oo markaad ku guuleysatid golahaaga wasiirada ka wada dhigtid raggaad ciidanka wada aheedeen gaar ahaan dhulbahante iyo Warsangeli si aad nooga difaacdaan Muuse..

    Ilaah baa iga sarreeya wuxuu iigu jawaabey Colonel Muse waa saaxiibkey, waa asxaabteydii waan ku farxilahaa in uu madaxweyne ka noqdo Somaliland. AUN Khalif intaa markuu iigu jawaabey baan yaabey oo niyadda iska iri waa nin mundiyo loo qalanayo oo daacad ah.

  8. Khaliif Ciise Allaha u naxariisto, aamiin. Marxuumka muusan ahayn Taliyaha ciidanka cirka ee Soomaaliya ee wuxuu ahaa, Taliyihii Saldhigga Ciidanka Cirka ee Beled-Doogle. Haddiise loo haaysto Hargeeysa ayuu duqeeyey taasi oo been ah, xitaa haddii uu sameeyey wuxuu gutay waajib qaran, wuuna ku mahadsan yahay!

    Ilaah baanan Iidoor Furaha jannada inoogu dhiibin, saa qof Daarood ahba ma soo ag mareene! Kkk

    Iidoor waxaay Xukumeen hay’addii Asluubta Soomaaluya ee gacanta ku haaysey wixii maxaabiis ahaa ee uu Kacaankii xiray, ee aay ku jireen, dadkii siyaasadda u xirnaa. Cid Iidoor ah oo taliyihii Asluubta hadal haaysa ma aragteen?!

    Sidoo kale waxaay mar ahaayeen, Taliyaha Booliska Soomaaliya, Cid isna Hadal haaysa ma aragteen?!
    Raggoodii kamidka ahaa, 5tii nin ee Golaha dhexe ee dalka ugu sarreeysey cid xuseeysa ma aragteen?

    Ugu dambeyn, haddii aay jirto dowlad dunidan ka jirta ama soo martay oo aqbaleeysa, in dacal dalkeeda kamid ahi aay Jabhad qabsato oo aay ka taliso, maxaay maanta indhihiina oo shanta ah, Itoobiya u Duqeeyneeysaa Makhalle?
    Maxaay Russia dhulka ula sintay Chechniya?
    Maxaay Azerbaijan ugu duushay Karabakh?!

    War Iidoor runta ha loo sheego oo ha lagu yiraahdo. Weligiinba Meytida Daarood ka daba yuusa oo lafaha dadkii aad laayseen soo faaga, inta uu Daarood joogo Soomaaliya ka Go’i meysaan, haddii loo baahdana mar kale ayaa la idin karbaashayaa!

  9. @@@ Hargeisa boy/ Ina EDNA

    Haddiiba aad ogtahay in uusan Ilaah waxbo kaa weeydiineyn cadaab iyo Janno midda uu gelinayo, maxaad waqti isaga dhumineeysaa oo aad Ilaah uga baryeeysaa Cadaab geynta qof Muslim ah oo dhintay?!!!!

    ============================

    Sumalladi idleeysiyo ninyahow Soofyadii Ariye!
    War Saacado khatara baad gacmuhu Sare u taagtaane!
    Mar horuu na Saameyn lahaa nalama Seegteene!
    Sidiisuba Ilaah kama aqbalo Gaal Su’aaluhuye!!!!!!!!!!

  10. Taliyayaashii bixiyay amarka duqaynta magaalooyinka Somaliland ee Hargaysa u soo wareegay waxa ay kala ahaayeen:

    1-Khaliif Ciise Yuusuf (MUDAN)(Majeerteen)ahaana taliyihii ciidanka cirka Ballidoogle.

    2-Faarax Siciid (Majeerteen) taliyihii ciidanka cirka Hargaysa.

    3- Maxamed Aadan Dirir (Mareexaan) taliyihii ciidankii cirka Berbera.

    Magacyada Duuliyeyaashii Hargaysa Duqeeyey=

    1- Yuusuf Maxamuud Maxamed (Majeerteen)..Duuliye Miig 17=
    2-Mursal Xaaji Axmed ‘Muufo’( Abgaal)…Duuliye Miig 19=

    Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)….Duuliye Miig 19=

    Xuseen Aadan Ibraahin (Gadabuursi)…Duuliye Miig 19= Axmed Gurxan Hoore ( Ogaadeen)…….Duuliye Miig 19=
    Maxamed Axmed Xaayow (Abgaal)……Duuliye Miig 19=

    Xirsi Maxamed Faarax (Mareexaan)……Duuliye Miig 19=

    Axmed Maxamed Maxamuud ( Mareexaan)….Duuliye CESNA=

    Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani)…..Duuliye CESNA= Faarax Xaaji Salaad (Majeerteen)….Duuliye CESNA=

    Yuusuf Juseeb ( Majeerteen)….Duuliye CESNA=

    Xasan Yare (Ogaadeen)….Duuliye CESNA=

    Maxamuud Xaaji Warsame (Dhulbahante)….Duuliye Hunter= Maxamed Khaliif Isaaq (Raxanweyn)……….Duuliye Hunter

    Intii ku dhimatay intii ay duqeynta wadeen ee lasoo today ama cillad farsamo darteed u dhacday waxa ay kala ahaayeen:=

    Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)…….Duuliye Miig 19.

    Xuseen Aadan Ibraahin (Gadabuursi)…Duuliye Miig 19.

    Axmed Gurxan Hoori (Ogaadeen)…Duuliye Miig 19.

    Maxamed Axmed Xaayow (Abgaal)….Duuliye Miig 19.

    Maxamed Khaliif Isaaq (Raxanweyn)…Duuliye Miig 19.

    TAARIIKHDU BEEN MA SHEEGTO….

  11. May Allah reward Jannah whose of them who passed away give good life whose who are still alive!

    Real heroes who defend their Motherland from the Mingistu hired Hyenas with Somali faces!

  12. Real heroes waa SNM oo xaawaly ka dhigay ciidankii dawladii milateriga,kana furtay hubkii culusaa sida taangiyadii,beebeeyadii,Bm-ka,soon riday diyaaradihii garaacayay Hargeysa iyo Berbera….

    Libaax labo maaha,hadii loo baahdona wali waa nool yahay,wuuna awoodaa hadda inuu dhulka dhigo magaalooyinka ay Ku abtirsadaan saraakiishii Daarood ee difaacayay dawlada reerka.

    Wallee dacar baa lays leefsiiyay 1988-1991 waxana loo kala baxay rag iyo rag la’aan
    Kkkk

    Diyaarad nin raga ayay anfacdaa,laakiin xaawalay waxba uma kordhiso,xiniinyona uma noqoto

    Kkkkkkkkk

    • It does not match when I’m crying day and night and digging graves every day and celebrating nest day and claiming to be a real winner of the war!!!

      So please matched what you’re claiming with reality and stop crying and digging graves one day and celebrating with victory next day!!?

    • Gixgixgix kkkkkk

      Qof markuu been sheego— marka hore wuu ogyahay in uu been sheegayo.
      Mar labaad hadii uu ku celiyo isla been-tii—- shaki ayaa ka gala in waxa uu sheegayo run iyo been yihiin.
      Mar sadexaad markuu ku celiyo — waxuu aaminaa in waxa uu sheegayo run tahay.

      Bal eega ninka ku andacoonaya oo aaminsan in CESNA hargaysa duqeysey. What a lunacy.

  13. It seems he doesn’t know the difference between a Mig-19 and Cesna. Kkkk claiming that a Cesna bomb the shit out of hargaysa and flattened it. When you wanna lie say a lie you can get away with. Furthermore it was a hired white south Africans who bombed the SNM rebels. Since Siad Barre is no longer here you guys should accuse the south african government. They might give you some kick backs to stop your winnings.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*