Saraakiishii Somaliland ee Sanaag oo lagu canaantay in gobolku u gacan galay Puntland & dhaqaaqyo ka socda Yubbe.

PTIMES (Boosaasso)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabay inta u dhexaysa degmooyinka Yubbe iyo Hadaaftimo ee gobolkaasi.

Ciidanka Somaliland oo fariisimo ku leh duleedka degmada Yubbe ayaa lagu soo waramaaya inay u soo ruuqaan sadeen fariisimo horleh, xilli ay ciidamada Puntland ku sugan yihiin agagaarka buuraleeyda u dhexeeya Hadaaftimo iyo Yubbe.

Somaliland oo diyaar garaw ugu jirta diiwaangelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka maamulkaasi ayaa sidoo kale tallaabadaan kaga jawaabaysa ciidamo ay Puntland maalmo kahor ku soo bandhigtay degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Saraakiisha Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa la sheegay in lagu canaantay inay mushahar kaliya ka qaataan Hargaysa aysanna wax shaqo ah ka hayn deegaamadaasi maadaama ay Puntland si buuxda ula wareegtey maamulka gobolka Sanaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*