VIDEO: Barlamaanka Puntland oo sabtida ka doodaya heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso.

Barlamaanka Puntland ayaa maanta yeeshay kulankii 17aad ee kal-fadhigooda 47aad, kaasi oo uu shir guddoominayey Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 42 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ku soo gudbiyeen Talo-soo jeedinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee soo hor-marinta Qodobka 13-aad Ee Ajandaha oo ka hadlaya heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 4 Mudane.

Sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaannada ayaa dood ka yeelanaya maalinta Sabti oo Taariikhdu tahay November 28, 2020, xilligaasi oo lafilayo in kulanka ay horyimaadaan mas’uuliyiin xukuumadda katirsan.

DAAWO

4 Comments

  1. Hadii heshiiskii DP world ha la horgeenaya baarlamaanka Puntland micnaheeda waxa wax loo fashiri karaa in safarkii Deni uu ku tagay UAE oo wax baxba ka soo naaso caddaan.
    Allow dabarka uu Gaas ku xiray reer Puntland ka fur.

  2. Shacab walba waxa uu helaa madaxdooda.
    Puntland waa maamul tan iyo markii la dhisay,aan helin hanaan ku shaqeeya hab dowli ah o awooda sidii la rabay u fuliya,taa bedelkredii,waxaa nidaamkii maamul ee Puntland iso bedelay mid hadba shaqsiga noqda madax maamulka Pubtland uu awoodii oo dhan kaligii la warego.
    Maantay Puntland Baarlamaan shaqeeya ma laha ee waxa ay fuliyaan waxa maamulka Deni u yeeriyo.
    Musumaasuqa,eexda boobka hantida dadwaynaha reer Puntland cudna kama hadasho marka war yaan umadda been loo sheegin.

  3. @ Qaw.

    Gaas reer Puntland ma dabrin ee wuxuu gaarsiiyey horumar aaysan gaarsiin raggii ka horreeyey, Denina aanan laga sugeyn in uu gaarsiiyo.

    Wuxuu dhisay labo Airport oo Puntland ka dhigay meel ku xiran Dunida. Wuxuu u qoday wax ka badan 200 oo Ceelal Riig ah. Wuxuu ugu yaraan jid Jaay ah ka dhigay, 90km oo u dhaxeeysa, Ceeldaahir iyo Baran.
    Wuxuu Puntland ka difaacay, ugu yaraan sadex duullaan oo waaweynaa oo la rabay in lagu qabsado oo si dadban isu xirnaa.
    Kuwaa ooy soo qaadeen, Culusoow iyo beeshiisa Hawiye, Gaalkacyo. Al-shabaab aay is ogaayeen, xeebaha Garacad iyo Eyl. Beesha Iidoor, Aricaddeeye iyo Buuraha Calmadow.

    Marka, Majeerteen baanan abaal lahayne, Gaas ayuu ahaa Ninka isagoo gacana kaga shaqeeynaya horumarka Puntland, gacanta kalena kaga difaacayey cadowgii isu bahaystay burburinteeda.

    Tan heshiiska Dekedda Boosaaso dabcan Gaas waa lagu eedeyn karaa, laakiin waxaa laga yaabaa in aay dadaal ka ahayd, balse aay ka hortimid culeys ka fuulay dhanka Muqdisho oo aanan dooneyn horumarkii uu waday iyo Emaaaradka oo tan Berbera oo aay Muqdishana raali ka tahay ku qancay.
    Gaas haddii uu codkeeyga ku noqonayo Madaxwene Soomaaliyeed waan siin lahaa. Good luck.

  4. Dp world horta malala xisaabtama? Yaase la xisaabtama ? Jawabtu hadday tahay cid la xisaabtanta haddayna jidhin.maxa ummada reer puntland been iyo khiyaano logu sheega.deni waxan leyahy danaha siyaadadda somaliya emiratka ka wadato ka hadh oo ujeeso horumarka puntland waqti unba kaga dhacaya wlhi waxaad arki doorashadi puntland kugu imato.sababta aan sidaas ku leyahay waxa weye .howshii lagu idmaday puntand waad gabtay marba mar ka sii dambeysa howlkale puntland ka baxsan ayad iska wadata. Baarlamanka waxan idin leyahay waad is ogtihiin beenta iyo khiyaanada ad wadaan aad ledihin sabtida ka doodeyna waxan idinleyahay illaah ka cabsada kutubka quraanka la idinku dhaariyay runta ka dooda halala xisaabtamo dp wolrd.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*