VIDEO: Barlamaanka Puntland oo u yeertay xukuumadda M/weyne Deni & wasiiro lagu dhegan yahay.

Puntlandtimes (Garoowe)-Barlamaanka Puntland ayaa maalinimadii shalay go’aamiyey inay soo hormariyaan qodobka la xiriira la xisaabtanka xukuumadda Puntland, xilli uu waqti kooban ka dhiman yahay kal-fadhigooda 47aad oo soo bilowday 25-kii bishii October ee sanadkaan.

Golaha wakiilada Puntland oo aqbalay codsigii madaxweynaha Puntland ee ku aadanaa in xukuumadda loo daayo xalka gaarista xaalada dekedda Boosaaso aaya waxa ay go’aamiyeen in maalinimada Isniinta ah ee soo socta ay la xisaabtamaan xukuumadda Puntland.

Barlamaanka ayaa sheegay inay u yeeri doona golaha xukuumadda ayna su’aalo ka waydiin doonaan xaaladda guud ee Puntland, waxyaabaha ay guddiyada barlamaanku ku soo arkeen deegaamada qaar, dhaqaalaha iyo guud ahaan adeegyada bulshada.

Wasiirada caafimaadka, maaliyadda, arrimaha gudaha, kalluumaysiga iyo amniga ayaa kamid ah ma’suuliyiinta su’aalaha adagi ka horyaalaan golaha wakiilada Puntland.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*