VIDEO: Madaxweyne Deni oo aan tegin qabuuraha lagu aasay Gen Khaliif Ciise Mudan & afhayeenkiisa oo ka hadlay.

Puntlandtimes (Garoowe)-Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey Allaha u naxariistee, wasiirkii hore ee amniga Puntland Gen Khaliif Ciise Mudan oo dhowaan ku geeriyoodey dalka.

Meydka marxuumka oo diyaar gaar ah ka soo qaaday dalka Turkiga waxaa salaadda Jinaasada garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Garoowe kaga qaybgalay madaxweynaha Puntland, ku-xigeenkiisa, guddoonka barlamaanka, golayaasha dowladda, isimo, waxgarad iyo marti sharaf kale.

Qaar kamid ah waxgaradkii ka qaybgalay aaska qaran iyo ehelada marxuumka ayaa ka sheekeeyey taariikhda marxuumka iyo halgankii uu u soo galay difaaca Soomaaliya iyo dhismihii dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland oo ka qaybgalay salaadda Jinaasad ayaan tegin qabuuraha marxuumka lagu aasayey, waxaana ducada kadib uu dib ugu laabtay qasriga madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynuhu sigaar ah dhambaal tacsi ah ula wadaagey ehelada marxuumka oo ahaa la taliyihii dhanka ammaanka ee madaweyne Deni.

10 Comments

  1. FARAHA GAYLAN QORAALKANI MEEL XUN BUU KAAGA DHACAY WAANA KAA HOOS BAXDAY,MEEL AAN WAX LAGA DAYIN AYAA JIDHA LAGANA XISHOODO. MADAXWAYNE DANI IYO MARXUUMKU WAA XIGTO DHOW SIDOO KALE MARXUUMKU WUXUU AHAA LATALIYAHA AMNIGA EE MADAXWAYNE DANI EE XASUUSNOW.WAXAAD KALOO XASUUSNAATAA IN MADAXWAYNE DANI AASKA MARXUUMKA DARTIIS USOO DEG DEGAY DALKANA UGUSOO LAABTAY LACAG BADANA KU BIXIYAY DRICT FLIGHT FROM ISTANBUL TO GAROWE. MARKAA WAXAAN KUGULA TALINLAHAA INAADAN ISKU CIRIIRIN MEEL AAN BOOS KAAGA BANAANAYN.

  2. Jaahilnimada Zoomalida waxaa kooow ka ah qof ayaa dilaya 100 kun oo qof waxaa oranayaa hada meyd naga daaya… Yaaaab

    • Mubarak hooyadaa ayaa af qarmuunayd dhilonimana kugu dhashay. SNM ta kaniisadaha ka tuugsada weye danbiilayaasha xasuuqa gaystay. Iidoor inangumeedo weye itaalkooduna wuxuu noqday qofku markuu dhinto inay kadaba yuusan. Gun guni dhashay daanyeero ah Iidoor daba naarruf naarta Allah haku fogeeyo.

  3. MUBAARIK YUSUF INTA IIDOOR EE UU DILAY MAXAMED IBRAHIM CIGAAL AYAA KA BADAN INTA AY DISHAY DOWLADDII KACAANKA. TA KALE SHACABKII KU DHINTAY MAGAALOOYINKA WAXAA KA MASUUL AHAA JABHADI SNM WAAYO IYAGAA SOO DHEX GALAY XAAFADAHA OO KA DHEX DAGAALAMAY.
    TA KALE IMISA IIDOOR AH AYAA U SHAQEYNAYA DOWLADDII KACAANKA????
    CUQDADLAND MEYTIDA DHAAFAY.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*