Puntlandtimes (Garoowe)-Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa lafilayaa in maanta aas qaran loogu sameeyo Allaha u Naxariistee Gen Khaliif Ciise Mudan oo dhowaan ku geeriyoodey magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga.
Aaska marxuumka waxaa ka qaybgeli doona madaxda ugu sarraysa Puntland, golayaasha dowladda, waxgarad, qurba joog, dad ka imaanaya gobolada Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kunool deegaamada Puntland.
Marxuum Khaliif Ciise Muddan oo shalay geeriyooday wuxuu ahaa halyeey mug iyo miisaan weyn ku leh dhismaha dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan tan PUNTLAND,waxaana aasqaran loogu samayn doonaa magaalada GAROWE oo xarun u ah dowladda PUNTLAND.
DAAWO
Be the first to comment