WAR DEG DEG AH-Ciidamo beeleed is urursanaya iyo xiisad dagaal oo ka taagan duleedka degmada…

PUNTLANDTIMES (BOOSAASO)-Xiisad ka dhalatay malayshiyaad hubaysan oo wata qoryaha AK47 oo xalay nin shacab ah ku diley deegaamo katirsan gobolka Hiiraan ayaa ka aloosan duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dilka ay ka dhalatay xiisaddaani ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Qabno oo hoostega degmada Matabaan ee Hiiraan, iyadoona ay goobta ka baxsadeen raggii ka dambeeyey dilka ninkaasi rayidka ah, sida ay sheegeen dad goob joog u ahaa dhacdadaasi.

Wararka Maanta aan ka heleyno deegaano hoostega Matabaan gaar ahaan deegaanka dilka uu ka dhacay ee qabno ayaa sheegay inay halkaas ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed, isla markaana laga cabsi qabo inuu dhaco dagaal.

Dhowaan ayey aheyd maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ay xaliyeen maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo dagaalkooda markii horey ka bilowday dil la xiriiray aano qabiil iyo dhul-daaqsimeedyo, waxaana weli Galmudug ka jira xiisado kale oo aano qabiil la xiriira.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*