Wararkii u dambeeyey ee Xogta kulanka Midowga Musharaxiinta oo goor dhaw furmaya

MUQDISHO(P-TIMES) – Hoggaamiyayaasha mucaaradka ee Soomaaliya ahna Musharaxiinta Madaxweyne-nimada doorashada loo madlan yaahy ee 2021-ka ayuu maanta u furmaya kulan gaar ah oo ay yeelan doonan, kaas oo ay uga wada hadlayaan arrimaha doorashooyinka iyo Guddiyada ay dawladdu magacowday oo ay diidan yihiin.

Kulamadii ugu dambeeyey ee xalay ayaa dhexmaray Madaxweynayaashii hore & Raysalwasaarihii hore Xassan Cali Kheyre oo ay uga wada hadleen qorshaha la xariira doorashooyinka iyo Ajendaha kulankooda maanta oo ay xalay soo dajiyeen, waxaana xubnahan ay aad u soo qaadeen sidii looga dheeran lahaa wax kasta oo dhib u keenaya ummadda Soomaaliyeed.

Shirka mucaaradka ayaa socon doona 3 maalmood, waxayna ka dib soo saari doonaan warsaxaafadeed ay uga hadlayaan tabashooyinka ay dhawaan muujiyeen, iyo sida aysan ugu qanacsaneyn dhammaan xubnaha guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal & Dawlad gobaleed ee la magacaabay.

Kulan gaar ah oo ay xalay yeesheen Xassan Cali Kheyre & Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaas oo ay uga wada hadleen arrimaha gaarka ah ee kala tabinayeen ayaa Raysalwasaarihii hore uu Raaligalin ka siiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur weerarkii lagu qaaday gurigiisa xiligii uu ahaa wasiirka koowaad ee dalka.

Dhacdadii lagu weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay Xukuumadda Faderalka la xaqiijiyey in ay eheladii dadkii ku dhintay Mag ama diyada siisay ayaa kamid ah eeda ugu weyn ee siyaasigan ku dhaliila inta badan xubnihii xiligaas kamid ahaa Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa kulamadan kasocda gudaha Muqdisho u aragta duufaan siyaasadeed, waxayna horey u shaacisay xubnaha guddiga Doorashooyinka oo ay siyaasiinta badankoodu ka hor yimaadeen, taas oo ay hadda doonayaan in laga laabto, una arkaan Musharaxiintu kuwa aan lagu kalsoonan Karin.

Raysalwasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa dhawaan ku hanjabay in ay wareega koowaad, kusoo bixi doonaan Madaxweyne-nimada, isagoo ula jeeday in Farmaajo guuleysan doono warega koowaad, taas oo ay dad badan u fasirteen cabashada mucaaradka in ay tahay mid weyn oo taagan.

Beesha Caalamka ayaa habeen kahor ku baaqday in doorasho laysla ogol-yahay la wada qabto, taas oo ay dhammaan dhinacyadu u dhan yihiin ka qeyb noqoshadeda, guddiga Doorashooyinka ayaana la sheegay in ay noqdaan kuwa dhexdhexaad noqon kara, Iyadoo guddiga ay diidan yihiin Musharaxiintu uu yahay midka awooda u leh qabashada doorashada Xildhibaanada.

Musharax Xassan Cali Kheyre ayaa maanta ka digay in doorasho aan laysla ogoleyn laysku dayo in la qabto, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ubaahan yihiin dawladnimo, sidaas oo kale dhammaan loo baahan yahay doorasho 4tii sanaba mar la qabto, taas oo loo marayo hanaan sharci ah.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*