Wararkii ugu dambeeyey ee weerarkii Galkacyo & ciidanka Puntland oo dad u qabtay.

Puntlandtimes (Galkacyo)-Ciidanka ammanka dowladda Puntland ee gobolka Mudug ayaa xalay howlgal kala duwan ka sameeyay xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Gaalkacy.

Muddadii howlgalladu socdden waxaa lagu qabtay shabakad looga shakiyay inay ka dambeeyeen weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo xalay fiidnimadii hore lagu weeraray Ciidamo  ka tirsan kuwa amniga Magaalada, xili ay ku sugnaayeen Bar koontarool.

Saddex ruux oo lagu tuhamayo weerarkaas ayaa laamaha amniga gacanta ku dhigeen, sida sheegeen Saraakiisha amniga Puntland, kuwaasi oo ku xiran Saldhig Ciidan, isla markaana ay ku socdaan baaritaano.

Bam gacmeed xalay lagu tuuray goob ciidamo ku sugnaayeen ayaa waxaa ku gderiyoodey hal ruux oo goobta ku sugnaa iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kamid ah ciidanka ammaanka dowladda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*