XOG: Beesha Caalamka oo doonaysa in Jadwalka Doorashada aan laga leexan, cadaadisna ku saaraysa Doorashada Aqalka Sare.

MUQDISHO(P-TIMES) – Sida ay tabisay Idaacada Shabeelle ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, wakiilada caalamiga ah ee Soomaliya ayaa xooga saaraya sidii ay waqtigeeda ugu qabsoomi lahayd doorashada dalka, oo ay horey ugu heshiiyeen dhinacyada siyaasadda ee gudaha.

Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska siyaasada QM ee xaruntooda ku taalla Xalane ee Muqdisho ayaa  sheegay in lagu amray Wakiilada QM u qaabilsan Maamul-Goboleedyada in ay xiriir la sameeyaan Guddomiyayaasha Baarlamaanada Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Ujeedka xiriirka ayaa ah in QM ay dooneyso in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu gudagalo dadajinta hanaanka doorashada ee 2021, kas oo ah dhabihii ay horey ugu heshiiyeen darafyada siyaasadeed loona soo dhaweeyey.

Sidoo kale waxay sheegtay Idacaddan in lala wadaagay xogta ah in Xafiiska Siyaasada ee QM uu Guddoonada Baarlamaanada Maamul-goboleedyada diyaar ula yahay bixinta dhammaan lacagaha ku baxaya Doorashada Senatka.

Wararka la helayo waxaa ay intaa ku darayaa in toddobaadkan gudihiisa la filayo in Garowe iyo Kismaayo ay tagayaan Wafdi ka socda QM gaar ah arrimaha Siyaasada (UN political Office in Mogadishu), si xal loogu helo tabashada labadaasi Maamul.

1 Comment

  1. Nin baa laga sheegay ” War ma anigaa Waalan mase Cadan baa laga Heesayaa” Arrin kalena waxaay aheyd ” Hashu Maankeyga Gadaye, ma Masaar bay Liqday”
    Kuwa Xamar ka qaylinaya,iyadoo aysan jirin Nadaam lagu xaqiijiyey Musharaxnimadooda la baxay Magaca Midowga Musharaxiinta! Shalayna Magacoodu Isbahaysiga Xisbiyada Qaran!!
    Taas oo muujineysa iney u sahlan tahay la bixidda Magacyo aan munaasab aheyn,waqtigoodiina la joogin.
    Laakiin Su’aashu waxaay tahay Deni Iyo Axmed Kenyatta jidkee ku socdaan ma mid ay u jeexeen Kenya iyo Emirates?
    Mase qorshihii Doorashada laga gaaray Heshiishka,xattaa la dejiyey Jidwalkii Doorashada,islamarkaana aheyd in Si Toos ah loo abbaaro Doorashadii ninkii Ilaaheey ugu deeqo haddii ay noqon laheyd Xildhibaan Ama Madaxweyne ku soo baxo.
    Waan u jeednaa meesha ay mareyso Deni iyo Axmed Kenyatta Doorashadii ay calmadeen oo aheyd Doorasho Dadban waa diidan yihiin!! Cabsi baa alle ku beeray!
    Haddii la diido Doorasho Toos ah, haddii la diido Doorasho Dadban,xaggee ka raadinnaa nooc Doorasho oo kale??
    Waayo Doorashooyinku waa laba nooc>>> Doorasho Toos ah ( direct Election, Or Indirect Election or Select Election, ma qaab kale baa dhiman Ama jira??
    Waxaan u arkaa iney diidan yihiin Doorashada waayo maalinba Weji cusub, Xujo Cusub waa wax aan shaqeyn karin.
    Dowladda Soomaaliya Tanaasul dambe kuma dhimana,inta goor ay Tanaasul sameyseyna waa wax la wada og yahay, xattaa qaarkood aysanba aheyn iney Dowladdu sameyso Tanaasulada qaarkood Dastuur ahaan iyo Nadaamka Dowladnimada marka loo eego.
    Kooxda Xamar iyo Kooxda Deni +Axmed Kenyatta waa is og yihiin waayo Dhammaantood Hal baa laga wada hagaa waana (Kenya iyo Emirates).
    Soomaalidu waxaay tiraahdaa ” Nin Naagtaada Raba,Gabadhaada kama yeelo” waa Oraah Soomaali ah annigu ma sameyn, waxaan ula jeedaa waxaa muuqata in Qolooyinka sheegta Mucaaradka + Deni iyo Axmed the ay diideen Doorasho iney ka dhacdo Soomaaliya kuna dhacdo waqtigeeda.
    Arrintu wax kale ma ahan waa go’aan ay gadaal ka riixayaan Kenya iyo Emirates, waxaana ay ka cabsi qabaan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku soo baxo maadaama uu ka duwan yahay kuwo badan oo qaylinaya
    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa Musharax Madaxweyne, waxaana u oggolaanaya Dastuurka dalka hadda uu leeyahay, ma oran karaan Waxaan diidan nahay musharaxnimada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Arrintu waa Halkaas.
    Wax qarsoon ma jiraan, sababta aan Tusaalaha ugu ugu soo qaatay Nin raba xaaskaaga,kaama yeelo Gabadhaada,sababta Doorashada loo carqaladeynayo waa wax aan Afkooda soo dhaafi karin!!!
    Aragaanee, Doorasho la diidye,Dowladda Soomaaliya Tanaasul kuma HARIN.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*