Barakac ka bilowday Beled-xaawo & Cabsida laga qabo dagaal uu soo qaado wasiir Janan oo korortay.

Wararka naga soo gaaraya dagmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo aya waxaa ay sheegayaan in cabsi ay soo food saartay Shacabka halkaasi ku dhaqan ayna kabarakacayaan, iyaga oo ka cabsi qaba in marka kale uu halkaasi uu dagaal ka dhaco

Bishaan 25-keedii ayaa dagaal xoogan oo ka dhacay gudaha magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo waxaa kadhashay khasaaraha ugu badan  waxaa uu kasoo gaaray  qaar kamid ah Shacabka ku nool degmadaasi Beledxaawo.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee  dhinaca Dowladda  Axmed Buulle Gareed ayaa sheegay in barakaca Shacabka Beledxaawo at keentay hanjabaadii Wasiirka Amniga Jubbaland ay aheyd inay weerarayaan  Beledxaawo, isla markaana ay ciidankiisu marwalba soo weerari karaan.

In kastoo xaalada degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ay tahay mid degan ayaa hadana Bulshada Magaalada ayaa waxaa ay qabaan cabsi ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo.

2 Comments

  1. Hadii la’rabo iney baladxaawo nabad noqoto.
    1) waa in laga saaro farmaajo ciyaal faa-cali iyo mooryantisa haramcad iyo gorgor baladxaawo.
    2) Waa in laga saara baladxaawo maamulka gacan ku rimiska ah ee farmaajo ciyaal faa-cali soo dhisey. HADII INTAA LA SAMEYN WAAYO WAXAA XAQIIQO AH DAGAALKA GEDO INUU MUDO AAD U DHEER SOCON DOONO.
    3) WAA IN baladxaawo lagu soo cilayaa gacanta Jubbaland

  2. KKK Khayre mooryaanimo waa dhamaatay.
    Jubaland maamul kama jiro yaa lagu wareejinayaa?
    22.08.2019 is weydii maxaa maamul loo magacaabi waayay?
    Doorashada ka dib ama Farmaajo ha soo noqdo ama yuusan soo noqon markaas ayaan is maqlaynaa.
    MOORYAAN WAXAA AH DOQONKA GARAWE LOOGA TALIYO EE SHACABKIISA HOOBITAHA KU XASUUQSYA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*