Beesha caalamka oo ku dhawaaqday war uusan ku farxin M/weyne Farmajo amartayna in doorashada laga heshiiyo

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa walaac xoog leh ka muujiyay is-mari-waaga ka taagan hirgelinta hanaanka doorasho ee 17-kii Sebtember ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

War kasoo baxay beesha Caalamka ayaa siddaan u qornaa

Beesha Caalamka ayaa saamilayda siyaasadeed ee sare inay muujiyaan hogaan iyadoo la tixgelinayo danta umadda iyo inay si dhakhso leh u xalliyaan arrimaha ka taagan hirgelinta iyadoo loo marayo isu-tanaasul, si loosii guda galo geedi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo u dhaca  sida ugu dhakhsiyaha badan.

Saaxiibadu waxay ka mahad celinayaan dadaalladii lagu dhaqaaqay dhowaan. Gaar ahaan, waxay soo dhoweynayaan booqashadii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku tegay Galmudug iyo Puntland; wada hadalladii dhex maray madax sare oo badan oo Soomaaliyeed oo uu Garowe ku martigaliyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni; iyo xiriiradii uu sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor,” oo soo gudbiyay talooyinkii ka yimid Garowe unasoo gudbiyay madaxda DFS iyo xubnaha kale ee siyaasadda.

Saaxiibadu waxay garwaaqsanyihiin in Heshiiska 17kii Sebtember ay ansixiyeen Dowladda Federaalka ah, dhammaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo labada gole ee Baarlamaanka, waxaana sidoo kale soo dhoweeyay musharaxiin badan oo u taagan xilka madaxweyne. In kasta oo saaxiibada iyo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka niyad jabeen in hanaankan uu aad uga hooseeyo doorashooyinka “qof-iyo-cod” ah, ayaa haddana heshiiska 17kii Sebtember wuxuu yahay aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021. Ma jiri karo dib-u-furid lagu sameeyo Heshiiska 17-kii Sebtember ama abuuritaanka hanaan kale ama mid barbar-socda.  Waxaa loo baahan yahay in is-faham ballaaran oo loo wada dhanyahay laga gaaro hirgelinta [heshiiskaas] si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo geeddi-socodkan. Tani waa in ay la jaan-qaaddo ballan-qaadyadii lagu heshiiyay ee shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya. Saaxiibadu waxay soo dhaweynayaan dadaallo dardar-gelin leh oo sida ugu dhakhsiyaha badan loogu xalliyo arrimaha taagan, looguna soo gabagabeeyo is-faham la gaaro maalmaha soo socda, si ay doorashadu u bilaabato dabayaaqada bishan.

Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan madaxda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan oo ay si buuxda u hirgeliyaan qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ku yeelanayaan baarlamaanka, sidii ay ugu ballanqaadeen heshiiska 17kii Sebtember.

Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku celinayaan in hanjabaad kasta ama adeegsiga rabshado aan la aqbali karin. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeynayaan ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed xor ah oo furan kaas oo musharaxiinta ay awoodaan inay si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyadooda isla markaana ay warbaahintu awood u leedahay inay ku shaqeyso xayiraad la’aan.

Waa in la joogteeyo jawigii wadahadalka iyo isu-tanaasulka ku salaysnaa ee hor-seeday in la gaaro Heshiiska 17kii Sebtember si geedi-socodka doorashada horay loogu sii amba qaado.

7 Comments

  1. Doorashada waxaa sal u ah heshiiskii 17 September iyo kii Muqdisho.Halkaa marka ay marayso,YAA LA CANAANAYAA?
    Aniga waxay ila tahay QASWADAYAADHA in lala hadlaayo waa lasoo heshiiyay joojiya fowdada.
    HAWIYE dagaal iska ilooba.
    Waa cabirkayga anigoon dhinac la safan.
    Si fiican u fahma waxa ay soo saareen.

  2. Sawaxankan “doorashada” kataagaan wuxuu lamid noqday qisadii ahayd reer dhexdiisa ciddayaha isugudiriray ilmo weli uurka kujira aawadii, iyadoo lagu diriray ilmahaas aan dhalanin waxa lagu arradbixin doono. Hadda waa ilmo aan lab iyo dheddig waxa uu ahaan doono iyo inta miisaankiisu dhanyahay waxba laga ogayn!

    Waxaa ilbaxnimada iyo xadaaradda waafaqsan in arrin walba qummaati loo miizaamo oo habka iyo qaabka dunida inteeda kale loogu maamuusay oo looguna maareeyay lagu qiimeeyo. Aan kabillaabo baabkan “doorashada” lagu tilmaamo. Horta, doorasho sideedaba caadyaal qaab iyo muuq leh ma aha ee waa iska cillan. Cillanaadda waxaa kasaara falka kadhasha ee “codbixinta” loo yaqaanno, kaasoo ah dad lugahooda kutagay goobta laga codeynayo oo ama xaanshi wax lagu sawiray xardhin saaray amase gacanta kor utaagay.

    Sidaas awgeed, doorashadu waxay ufurantahay fasiraadyo iyo macneyn kala duwan oo kuxiran sida ay hadba dadka qabanaya mise hannaanka ay kadhex qabsoomayso uhaystaan oo ka aaminsanyihiin, iyo natiijada lagafilayo inay kadhalato. Haddaba, dalkeenna iyo dadkiisaba baabkan doorashada siyaabo kala geddisan oo weliba islisaya ayaa loo kala fahamsanyahay oo laguna kala mintidsanyahay. Maxaa sababay?

    Siday aniga wax iigu muuqdaan, waxaa ismaandhaafkan curiyay nadaamka dowliga ee dalka oo aan toos ucaddayn oo weli mudutuulan, walow lagu heshiiyay inuu kakoobnaado 18kii geyi ee uu dalku awalba usiikalaqaybsanaa. Siyaasiyiinta iyo shacabweynaha dalka daafihiisa kukalanool nadaamka dowliga ee dalka iskumaraacsana oo faham mideysan kamaqabaan. Nadaamyada federaaliga ee dunida ka caanka ah dalkeenna kamamuuqdaan oo taasaa jahawareerkan dhalisay, waayo kuwaasu habka ay udhaqangalaan waa mid jaa qeexan oo degsan.

    (Qaybta 1aad).

  3. Jahawareerkan waxaa laga dhex arkaa doodda kulul ee kusaabsan in doorasho “qof-iyo-cod” ah laga yeelo iyo in mid “dadban” laga yeelo. Doorashadu sida qaalibka ah waxay udhacdaa min “qof-iyo-cod”, waxaase cayima nadaamka ay kadhex qabsoomayso. Doorashada noocan ahi waxay kaqabsoontaa:

    (i) nadaamka axzaabta badan ee ama xizbi ama shakhsiyaad matalaya loogu codeynayo.

    (ii) nadaamka shacab madani ahi shakshiyaad isasoo sharraxay kukala dooranayo.

    (iii) nadaamka kelitalisnimo ee musharraxiin isla xizbiga dalka kataliya katirsan oo degaannada loo magacaabay loogu codeynayo oo qaabkaas lagu dooranayo.

    Dadka ku andacoonaya Soomaaliyada haddeeran ee weli qabya-socodka ah ayay innaba kasuurowdaa inay doorasho “qof-iyo cod” ah kahirgasho dabcan baabkan ayay si ba’an uga arradanyihiin, sababtoo ah dalku weli qabaa’il iyo beelo ayuu ukala qoqobanyahay oo dareenka qabyaaladeed ayaa wax walba kalaweyn oo lagu saleeyaa oo laguna qiimeeyaa waqtigan xaadirka ah.

    Waa mustaxiil in musharrax xilka madaxweyne utartamaya dalka daafihiisa kala duwan iskusi looga codeeyo oo aqlabiyad lagu doorto. Waa shaki la’aan in reer hebel ahaan la isugucodeyn doono oo la isugu eexan doono, taasuna doorasho sax ah oo xalaal ah ma noqonayso. Doorashadu waa sida hadba loo maldahdo. Tusaale ahaan, dalal uu UK kakoow yahay, waxay uhabeysteen qaab loogu eexanayo oo looguna xaglinayo xizbiga dalka uugu weyn sida kan muxaafadka ah Conservative) ee UK. Waa doorashada loo yaqaanno FPTP (First-Past-The-Post) oo caddaaladda aad uga fog xaqiiqdii.

    Waxaase kasii caansan oo caddaaladda kagadhow doorashada nooca PR (proportional Representation) looyaqaanno ee dunida badankeeda lagaga dhaqmo. Noocan caanka ah Soomaaliya waqtigan xaadirka ah kamasuuroobayso wax kasta oo dhaca maadaama aanu shacabweynuhu ahayn mid iskudhafan oo dano guud oo heer qaran loogu wada daneynayo aanay kadhexeynin.

    Tan weeye waxa reer Puntland iyo Jubbaland qummaati ugumuuqda oo kulaazimay inay kutaliyaan oo kuna mintidaan mowqifkooda ah in, inta laga gaari doono xilli iyo heer ay waddaniyaddu Soomaalida kuwada dhantahay oo caadifada reer hebelnimada wax walba lagu saleeyo lagakoray oo lagaxoroobay, ay doorashadu udhacdo qaab dadban oo shacab kasta oo Dowlad Midaleed kusugani uu xildhibaannadiisa udooranayo amase uxulanayo.

    (Qaybta 2aad).

    • Waxaa reer Puntland iyo Jubbaland bayaan ugumuuqda in degaannada iyo maamullada kale ee dalka ay doorasho aan qeexnayn, xilli uu dalku weli cunfiga qabyaaladeed laxumadeysanyahay, kadhalin doonto buuq iyo fowdo casabiyadeed oo aad ubaahsan. Waxaa halis xun kusugan Koonfurta dalka ee ay kooxaha argaggixisadu awood lixaadleh kuleeyihiin oo hub farabadanina dhoobanyahay.

      Waxaanu shaki kujirin inay siyaasiyiinta Hawiye ee isbahaysiga mucaaradka lagu tilmaamo dhexdooda kuloollamaya iyo beelahoodu doorasho aan qeexnayn kadhex curin doonto colaadyo ay ubadantahay in la isugu gacanqaadi doono, sababtoo ah siyaasiyiintani mabda’ qaran iyo xataa mid qabiil ee ay kumideysanyihiin kumataagna oo kamanadhexeeyo sidoodaba. Waa nin iyo wuxuu kacalfado.

      Waxaa xisaabtaas kumudan dhagarta adag ee ay qowsaarrada jabhadda jeegaaneed kadhex maleegayaan doorashada ay iyaba ugumuuqato inay buuq iyo xasarad badan dhalin doonto, taasoo ujeeddadeedu tahay inay Koonfurtu qalalaase kudambeyso si markaasi qorshihii Farmaajo ee dibusooxeragalinta jeegaanta isna sidaas kubaabba’o marka isaga jagada lagaga tuuro amase uu iscasilo oo ay mucaaradka Hawiyood Villada kadhaxlaan.

      Ugu dambeynna, xaqiiqadu waxay weligeedba ahayd oo sii ahaan doontaa inuu dalku sidiisaba maamullo iyo degaamada ay matalayaan kakoobanyahay oo talamaamul-wanaaggu ka unkamo oo kuna saleysanyahay doorasho iyo ismaamul heer hoosaadkaas uhirgala oo ugana dhaqgala. Codeynta keli ah ee heerka qaran udhici lahayd waa tan jagada madaxweyne oo qura, doorashadu xooggeedu waxay kudhantahay heerka maamullada.

      Doorashada maamullada ayaa aslanba kaqaalibsan oo kana muhiimsan tan iskuxagxagashada Villa Somalia. Hadal intaas kabaxsani waa iska huuhaa iyo cantarabaqash. “Somaliland” iyana waa iska dhalanteed aan dhaboobi doonin.

      (Dhammaad).

  4. Hadday Somaliand ka dhacday qof iyo cod oo haba isaga badnaato in qabyaalad loogu codeeyo musharaxa ana goboleysi iyo degmo, qof walba isha laga sawirayo halka Iris ka loo yaqaan, maxaa Xamar impossible ka dhigaya, dadka Somalida Koonfurta ayaa u samaysan hab Dictatorship, danaysi shakhsi shisheeye faragelintii, musuq ku caan baxay, lafta ay kaga jirto, ma aha qabyaalad, afkana kaga hadla waayo Somalinimo wadani, qaran iwm oo been ka ah.

  5. Anigu waxaan qabaa burburkii wixii ka danbeeyay in dalka somalia kala tegay oo uu noqday gobolo horay umaray nidaam dowladeed iyo horumar ku hana qaaday caalamka la tartama arimihii bulshadu ay shaqaynayaan sida caafimaadka waxbarashada kana fiican dalalbadan oo African ah sidaasna 30 sano ku jiray caalamkana heshiisyo la gala international airports/ports leh dhul aad u wayan ka arimiya amnigoodana iyagu ilaashada oo aysan amison joogin goboladaasi waa Somaliland/Puntland haba kala hormarsanaadeen. sidoo kale waxa jiraa kuwo hada soo kabanaya oo raba kuwaas aan sheegay inay kadaba qaataan una baahan inay masaafo dheer ay socdaan balse wali aan socod baran kuwaasi waa goblada dhexe sida Galmudugoo kale, waxaa kaloo jira meelo aysan nololi ka suuroobin oo 1991 kii wali taagan colaad iyo amni xumo baahday iyo argagixiso gabaad ka dhigatay oo ka mid ah koonfurta somaliya.hadaba waxaa iswaydiin mudan sidee ayay isula jaanqaadi karaan dalkaas dadkiisu sidaa ukala qaybsanyahay duruufo kala durugsana ku kala nool, tusaale ahaan somaliland iyo Puntland waa labada meelood oo aysan amison ka howl gelin amnigoodana sugtay sidee markaa Muse Biixi iyo Siciid Dani ku aqbalayaan farmaajo oo villa somalia amison ku waardiyayso xaalkiisana aynu ognahay wax haydiin yeeriyo oo ka amar qaata waxaan qabaa inaysan suuragal ahayn taasi waana sababta marwalba muranka keenta dadka soomliyeedna aysan fahmin ilaa iyo hada waana isla jaanqaadka oo farqi wayni ka jiro. sida kaliya ee looga bixi karaa waxay ilatahay waxa weye in nidaamka ismaamul goblaeedka la xoojiyo dlkana hoos lagasoo dhiso xoogna la saaro meelaha aan horumarku ka jirin iyo meelaha gaabiska ah iyadoon aan kuwii horay umaray la curyaaminayn role model na looga dhigo kuwa kale, waa arin aqoon iyo caqli u bahan runtii. hadiise sidaas laysusii jiid jiito oo kuwii harayna aan wax loo qaban kuwii horeeyayna isbaaro loo dhigto barako beel iyo kala tag ayay ku danbayndoontaa marka ugu danbaysana waxaa imanaysa in caalamku meelwalba si gaara ula dhaqmo amba qaarkood looba aqoonsado dowlado iskood u madax banaan waa hadii dowlada dhexe ee somaliya aysan arag khatartaas kusoo fool leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*