ciidanka Somaliland oo dad u qaqabtay qaraxyo ka dhacay magaalada Laascaanood iyo faahfaahin ku saabsan.

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa howlgallo kala duwan xalay ka sameeyay Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kadib markii bam gacmeed lagu weeraray goob ay ka socotay diiwaangelinta cod-bixiyaasha soomaliland.

Weerarkaasi bambaano ayaa waxaa ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan Booliska Soomaliland iyo qof Shacab ah, sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray Xarunta qaraxa lagu weeraray.

Howlgallada ayaa Ciidamada Soomaliland wararka la helay waxaa ay sheegayan inay ka sameeyeen aaga ay ku taallo Xarunta qaraxa lagu weeraray, isla markaana ay Ciidamada gacanta ku dhigeen dhowr qof oo lagu tuhmaayo qaraxaas.

Ciidamada ayaa sidoo kale goobjoogayaal sheegeen inay baarayeen guryaha qaar & gaadiidka, isla markaana uu howlgalka saameyn ku yeeshay isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga.

6 Comments

  1. Dhulbahante dhulkiisii inta loogu yimid qaraxyo ay maleegeen iidoor dhallinyaroodii xabsiga ygu gurayo.. Waa ethnic cleansing….

    Waxaa Laascaanood ka socda waa hawshii Ceynaba oo kale in laga suuliyo Dhulbahante.. Waxaa la ii sheegey in reerka la yiraahdo Aadan Madoobe Habarjeclo ay Laascaanood ka dhisanayaan 350 guri waqtigaan xaadirka ah waana mashruuc laga soo abaabuley Hargeysa….

    Hadda baa waxaa ii soo jawaabaya Dhulbahante sixran oo oranayo haddii magaalada naloo dhisayo waxba kama qabno.

  2. ABTIYAALADAA iyo ku nece GAR-XEJIS idilkoode, hadii dawladnimo kaa dhabtahay kaamay carareene, ictiraaf beenloow maxaa aaxo kugu aasan!

    Waar yee Muuse-Shaaniyoow, magaalada ciyaarta iiga daa, abtiyaaladaa iyo Gar-xejisba kaa yaaca e. Reer Laascaanoodna waxa aan leeyahay dagaal nacaseedka joojiya. Waxuun baad malqaysaa bambaa meel birif lagu siiyey & nin baa xabbad lagu dhuftay. Waa suurtagal in KORNAYLADU waxan ka danbeeyaan, laakiin magaaladu waa Laaska; Gabilay & Taallo-Buurna toona maaha.

    Sidaa daraadee, ciddii rabtaa ha qaadato kaadhka SNM, ciddii aan rabina bannaankaa haka mareen. Wax dad loo halligaaba meesha mataalo; nimankan dadkoodiiba ka yaaceen wax ay diiwaangelini u soo kordhinaydo lamma arko. Waa uun mashruuc ay lacag kaga soo qaateen beesha lixaad. Isaaqiibaa khaati billaahi ka taagan macdalaa waa idinka. Waar shaahiina iska cabba tani meel gaari maysa e, nabad galyadiinana ilaashada, oo yaanan maqlin bambaa meel lagu tuuray iyo qof baa xabbad lagu dhuftay.

  3. Muhiimadu waxay tahay in la soo qab qabtay kuwii falkaa nacasnimada ah , fulaynimda ah ku kacay. diiwaan galinta iyo cod bixintu si caadi ah ayay u socotaa u dhacaysaa. maxay taraysaa bambo xun inta aad soo tuurto dadkaaga ku dhaawacdo dabeedna aad cararto. ka soo tuuray waa dhulbahante kuwa uu dhaawacayna waa dhulbahante..

  4. Raganimadu waxay tahay , in aad ciidamo soo kaxaysato oo aad magaalada qabsto. Goob diiwaangelin doorasho ka socoto ayaan dhagax ama bam ku tuuray. aduunku wuxuu arkayaa qof waalan oo mudan in xabsi la dhigo ama la toogto, argagixiso looma garaabo maanta aduunka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*