DAAWO: 5 Qodob oo Farmaajo u sheegay Beesha Caalamka shalay!

MUQDISHO(P-TIMES) – Macluumaad madax banaan ayaa ka soo baxaya wada hadalo gaar ah oo ay Madaxtooyada Soomaaliya maanta ku yeesheen ergada caalamiga ah ee Arrimaha Soomaalida qeybtooda loo yaqaano C6+, oo ay ka maqnayd dawladda Mareyknka & Madaxweynaha DF, kaas oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Inkasta oo aysan dhinacyadu baahin dhammaan muuqaladii hadalada laga jeediyey shirka si daahfuran warbaahintana aan la siinin door dhameystiran, haddana Ilo kala duwan oo ka qeybgalay kulanka oo ay kamid yihiin danjirayasha ka qeybgalay qaarkood ayaan kaso xiganay waxyaabihii laga hadlay.

HALKAAN KA DAAWO XOGTA

Hadaljeedintii kulanka ee bilowgii waxaa bilaabay Ergada caalamiga ah, waxayna bogaadiyeen dadaaladii DFS ee kuwajahnaa xalraadinta, gaar ahaana Madaxweynaha & Raysalwasaaraha, waxayna sheegeen in ay talaabooyinkaas muujinayaan sida ay wali Hoggaaminta Soomaalidu u doonayso in la helo wada jir go`aan ah.

HALKAAN KA DAAWO XOGTA

Sidaas oo kale Ergayga garka ah ee QM u qaabilan Soomaaliya James Swan ayaa madasha ka bogaadiyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo uu sheegay in uu dadaal badan galiyey sidii loo heli lahaa is afgarad wanaagsan.

Wakiilada dalalka UK, Sweden & Midowga Yurub, waxay walaac ka muujiyeen arrimaha wali taagan oo ay kamid yihiin sida ay tahay in looga gudbo caqabadda la xariirta hirgalinta heshiiskii la gaaray 17kii September, waxayna sheegeen in ay dhammaan dhinacyada la wadaageen walaacooda ayna qabaan in la dhameystiro lana helo wadiiqo wanaagsan.

HALKAAN KA DAAWO XOGTA

 

6 Comments

  1. Madaxweynaha Somaliya Maxamed Abdullahi Farmajo malaha Go’aan Qadasho & Hogaan Madaxweyne,dhibta jirta wa intas waxa jira Dad sinaya Taloyin Guracan,wana mida kentay in khalad laga bixi waayo Taas oo aan ahan wax lo bahan yahay,Madaxweyne Maxamed Abdullahi marki ladoranayey shacabka somaliyed %100 waxay ku ahayen farxad mantase shacabka somaliyed %20 Mahaysto,somali laguma xukumi karo xoog & jajub waqtigedana lama jogo wadankuna isma haysto oo dhaman wadanku wa kala go’an yahay.

    • Anigu waxaan Aamminsanyahay in sida gurracan ee uu wax u maamulay farmaajo ay khayr u ahayd dalka iyo dadka somaliyeed waayo farmaajo markii la doortay aad ayaa loosoodhaweeyey dadkuna waa jeclaa laakiin farmaajo qiyaano iyo munaafaqad ayaa u duugnayd laakiin dadka soomaaliyed ma aysan ogayn qiyaanada u qarsaneed farmaajo ilaahay ayaa fashiliyey, maanta waxaan haysanna fursado badan oo dambiyo loogu soo oogi karo farmaajo waayo haddii sidaan lagu daayo madaxweyne kaste sidaan oo kale ayuu samayn ayaa isagoo aaminsan Inaan waxbo looraacanayn taasi ma dhacayso farmaajo waa dambiile waana in xabsiga lootaxaabaa marka waqtigiisu dhammaado.

  2. mohamed warxume, goorma wadan is hestey,somali 60 kii ayey is wedey,hadana,waa 5 qeybood oo soomaali a,markaa taada u tasho, ha ku wareerin somali is heysatee kkkkk

  3. Waxaa jira wakhti aaan Ashahaada la aqbalin, waa marka uu qufku sakaraadka yahay. Xaarmaajo maanta cid wax dhegaysanaysa Gaal & Muslim ma jidho.

  4. Innaa lillaah wa inaa lagu raajucuun.
    Waa hadda dhintay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo Allaha u naxariisto.
    Waxaan intii happy uga dhigaaya saaxiibaday Majeerteen ee halkaan ku waashay just in saacado bal nafisaan.
    WAR FARMAAJO DALKA MA LAHAN.DOORASHUU KU YIMID DOORASHUU KU BAXAYAA EE SUGA.

    Guul ayaan u arkaa baaddii,sadbursigii inuu diiday 4 sanno.
    Soo noqosho anaga gacanta uguma hayno.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*