DAAWO-Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil oo Garoowe gaarey iyo qaabka loo soo dhoweeyey.

Puntlandtimes (Garoowe)-Garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe waxaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo kamid ah culimada ugu waaweyn Soomaaliya.

Sheekh Mustafe oo ka soo kicitimay dalka dibaddiisa waxaa Garoowe ku soo dhoweeyey xubno katirsan golaha wakiilada, xukuumadda, culimaa’udiin, arday iyo boqolaal kamid ah bulshada kunool magaala madaxda Puntland ee Garoowe.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf oo hadlay ayaa si isku mid ah Garoowe ugu soo dhoweeyey Sheekh waxaana ay sheegeen in mudada uu ku sugan yahay magaalada Garoowe uu jeedin doono muxaadarooyin ahmiyad weyn u leh bulshada.

DAAWO

 

11 Comments

  1. مرحبا والف مرحبا ياشيخ مصطفي في بونتلاند وخاصة العاصمة غروي. ليستعلم اجمل وافضل شيءٍ لترحيبكم لان تحمل رسالة يشع منها الخير … وهذه الرسالة هي تعريف وتذكير الناس علي دينهم الحنيف التي تقرب قلوب ♥️ الناس مع بعضها وتقرب الي الله سبحانه وتعالي .وهذا مايحتاجه المواطن الصومالي في الوقت الحاضر بسبب العواصف التي تعصف من كل جوانب كثيرة منها السياسية والاجتماعية والصحية.
    مرحبا ومرحبا ايها الشيخ الكريم

  2. Sheekh Mustafe Xaaji, cisi iyo sharaf ku noolaaw inta aad ifka joogto, aakhirana waa astaan muuqato in aad Ahlul Jannaha kamid tahay inshaa Allah!

    Iidoor marka aay Edna iyo Feysal Cali Dhurwaa u sacabbo tumayaan, Caalimkan weyn ee Ilaah ka dhaliyey maay ku daba saftaan!!!!

  3. Haa heey marna Iidoor hala caayo marna Iidoor Amaana labadaba Afkiina laga hayaa Yaa Ciyaal Al dhabayac.
    Sheekh mustafe waa nin Duriyada Sare Reer sheekh Isxaaq.
    Isaaq the powerfull People in the Horn Of Africa.

  4. Aniga waa markii iigu horreeysay aan maqlo 30 sano sh Mustafa oo booqday Puntland.

    Haddii aanan khaldanayn, waxaan maqlay in muddo aan sidaa usii fogayn Sh. Mustafe qurbaha ku guursaday gabar yar oo cumru zuhuur ku jirta oo reer Puntland ah. Ma ogi inay weli wada joogaan iyo in kale. Calaa kulli xaal, Sh Mustafe u baahna ammaan amase aflagaaddo qabiil iyo siyaasad ku salaysan;taas Allaa ka koriyey. Booqashada sheekha ee dacwada diinta yaan la siyaasadayn.

    “Ban dabayl uma baahna
    Duudi geed u baahna
    Dayax nuur uma baahna
    Caarshe (Archer) dood iyo deeq
    Iyo dad ayaad xukuntaa
    Iyo dallacaad u baahna.”

    (Qamaan Bulxan: markii lagu dirqiyey inuu ammaano sarkiilkii Archer ee Daraawiish jabiyey).

    Waxaan ka xafiday sheekooyinkii Idaajaa ee Radio Muqdisho — berisamaadkii.

  5. Mufti diin leh iyo Sheekh murtida Eebbe ku manneustey!
    Mustafow adaan kugu ogaa Magan Ilaaheeye!
    Ku Maqsuud aduunyada Jannaad Mudan insha Allaahe!

    Malaa’igaha way wada Maqleen Mahadhadaadiiye!
    Raqiib iyo Catiid kuma Murmaan Meeris aad tiriye!
    Ku Maqsuud adduunyada Jannaad Mudan insha Allaahe!

    Cullimada adduunyada Mulkiday ee Marada duubtey!
    Mustafow aduu Maaligeen Meel fog kaa Mariye!
    Ku Masuud adduunyada Jannaad Mudan insha Allaahe!

    Maseladu Markay oodantoo Maaro laga waayo!
    Adigaan Maldihin Maalintay Marinka seegtaaye!
    Ku Maqsuud adduunyada Jannaad Mudan insha Allaahe!…..

  6. Iidoor ma ogola wadaad Majeerteyn, fanaan Majeerteenka iyo cid kasta oo Majeerteen ah.
    Aniga haddaan Puntland madax ka ahay Sheekh Mustafa diyaaraddiisa baan ku celinlahaa..
    Puntland waxaa la haray fakhfakhda iyo jiljileeca Majeerteyn.

  7. U sheega Reer garowow fidnadii ka soo bilaabatay BURCO ee ay u soo dhiibeen HASSAN DAAHIR AWEYS wali waa nagu socotaa haduu sheikh wax fahmaya yahay shaatigaa shaydaanka ha xakameeyo ee dhiiga badan ay ku daadsheen, mar AKHWAAN la baxaan, mar ictisaam labaxaam, mar ay ALSHABAAB la baxaan intaas oo dhan oo shaati shaydaan ah magaalada BURCO baa laga soo buufiyey kumaan kun oo Somali Muslim ah baa ku nafweyday. Anigu koley ma fahmin ma sixirkii buu xajinayaa waayo waxaad arkeysaa mid sheikh sheeganaya oo Allahu akbar ku haya oo hadana dadkiisa lagu soo sixray BISINKA KA QABSADA haduu nin wax fahmaya yahay dadkiisa ha ka bilaabo inuu xakameeyo dhiiga Islam ka ay daadinayaan taasoo sababtay mid dad iyo mid Deegaan intaas u dhaafi maayo waa marti waliba waa nin sheikh ah oo sida ii muuqata la jecel yahay.

  8. Dadkinan halkan wax ku qoraa qaarkin waxa tihin xagjir qabyaalad dilootay, xita culuma u diinka ba idinka baxsan la,san qeyr laawayal qabyaaladi la buka ba idinku jiraaye isku xishooda o cadiifada joojiya tan kale iidor iyo majeerten wa dad walalo ah waxbana xuman ma dhaxtaalo siyaasadana faiido maleh hadeynan la isku ixtiraamin ona laga heshiinin. taasa umada somaliyeed dan u ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*