Dagaal khasaare geystey oo ka dhacay magaalada Dhahar iyo ciidanka Puntland oo gaadiid qabtay.

Puntlandtimes (Dhahar)-Ciidanka ammaanka magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ayaa howlgallo ay habeenimadii xalay sameeyeen ku guulaystay inay ku soo qabtaan gaari laga soo dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Kadib iska hor-imaad kooban oo dhexmaray nin hubaysan oo g Gaariga soo dhacay iyo Ciidanka Booliiska waxaa ciidanka ammaanku ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan gaariga iyo ninkii darawalka ahaa oo dhaawac ka soo gaarey rasaastii lays waydaarsadey.

Taliska ciidanka ammaanka ayaa xaqiijiyey in howlgalkaasi uu ku dhaawacmay hal askari oo katorsan ciidanka ammaanka, isla markaana ay hadda gacanta ku hayaan gaarigii la soo dhacay oo ay ku dhacday rasaas badan mudadii dagaalka koobani socdey.

Gudaha iyo hareeraha magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ayaa waxaa laga maqlayey rasaas xoogan oo ay fureen dhinacyadii goobta ku dagaalamay, inkastoo aysan wax saamayn ah ku yeelan isku socodka iyo xaaladda magaalada.

3 Comments

  1. War waxaan Allah ka cabsanayn umadana ixtiramyn ayaad tahay ee dadka beenta iyo khalkhal gelinta ka dhaaf ciwaanka iyo waxa aad gudaha ku qoreeysana is waafaji waxaad leeadaha dagaal baa dhacayn waana beetaa

  2. Ciidamadaan maalin walba tababarka loo soo xirayo ee aan isla hayn guud ahaan Gobolada Sool iyo Sanaag bay soo celinayaan ama ugu yarkaan doorashada Somaliland ka hor istaagayaan, ma waxay ka badinwaayeen Gaari Wiil soo dhacay iyo wax la mida oo shaqadii Booliska xaafadaha ahayd? Allaw noo Ceeb astur

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*