Duqa magaalada Garoowe oo beeniyey war lagu baahiyey baraha bulshada oo ku saabsan maamulkiisa.

Puntlandtimes (Garoowe)-Duqa Garoowe Axmed Saciid Muuse oo Qoraal soo saaray ayuu ku beeniyey warar lagu faafiyay baraha ee ku saabsanaa in Maamulka diiday Shillinka, isla markaana waxaa uu sheegay inay fuliyaan amarkii kasoo baxay Guddiga xalinta Sarifka Shillinka Soomaaliga.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Duqa Garoowe.

Sida ku cad go’aamadii Guddiga Xasilinta Sarifka Shillinka Soomaaliga waxaa Degmooyinka la faray inay Shillinka Soomaaliga ku Qaadaan qaybo ka mid ah Canshuuraha oo guddigu u arkay inay wax ka tari karaan wareegga (Circulation) lacag Soomaaliga. Dawladda Deegaanka Garoowe amarkaas u fulisey sida uu yahay. Eeg lifaaqa Guddiga.

Dawladda Deegaanka Garoowe canshuuraha ay Shillin Soomaaliga ku qaaddo waxaa ka mid ah:-

Cashuurta Ariga

Canshuurta Geela

Canshuurta Hilibka

Canshuurta Khudaarta

Canshuurta Qaadka kabarada

Canshuurta Dejinta

Khidmadda Horumarinta

Canshuurta kabarada

Canshuurta Maalinlaha

Iyo kuwo kale

Canshuurta Guryaha & Ganacsigu waa sannadle waxaana lagu bixiyaa systemka elekrooniga ah ee MMT (Mobile Money Transfer) iyo system ka casriga ah FMIS (Financial Management Information system).

Haddaba, wiilasha xogtaan qoraya ee aan arkay ma filayo inay canshuur bixiyayaal yihiin. Mana ogi inay furteen xafiis sharci ah oo cabashada Degmada Garoowe ay ku qaadaan (Formal Local Government Court) . Ciddii ka cabanaysa hay’ad Dawladeed waxaa jira habraac loo maro iyo xafiisyo loo dacwoodo oo sharci ah. Guul eebbe.

2 Comments

  1. Axmed Barre runtii waa halyeey u shaqeeya dalkiisa, waana ganacsade maalqabeen ah, wuxuuna waqtigiisa u huray inuu uga faa’iideeyo inuu umadiisa wax u qabto ee halala shaqeeyo.
    Maasha allah, guul Axmed Barre,
    Gudoomiye daacad ah.

  2. @@@ Haliye
    Sxb Deni baa hortaa kahadlay!!!!
    Tuulada garowe bal iska,daaye baadiyihii buu ku habsanayaa.kkkkk anaaaa leh waxaan ahayn waa laga waayey, Malaha reer ka wax garadkiisu waa duqa iyo faroole!!! Alaw ut,ubixi!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*