FAAHFAAHIN: Bambaanooyin caawa lagu weeraray xaruntii diiwaangelinta Somaliland ee Laascaanood.

Puntlandtimes (Laascaanood)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar bambaanooyin loo adeegsaday oo caawa lagu qaaday xarunta diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland ee magaalada Laascaanood oo xarun u ah gobolka Sool.

Weerarkaan qaraxa ah oo dhawaqiisa laag maqlay xaafadahaa kala duwan ee Laascaanood, ayaa la sheegay in uu waxyeelo u geystay xaruntii diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland, waxaana ku dhaawacmay askar ka tirsan ciidamada Maamulka.

Waxaa durbadiiba goobta qaraxu ka dhacay isku wareejiyay ciidamo ka tirsan Somaliland. Goob-joogayaal ayaa sheegaya in qaraxaas uu ahaa mid gacanta laga tuuray oo Bambaano, iyagoona goobta ka sameeyey howlgallo dad lagu qaqabtay.

Arrintaan oo cabsi ku abuurtay shacabka magaalada Laascanaood ayeysan jirin cid ilaa hadda ka hadashay, waxaana ay ku soo beegmaysaa xilli uuguddoomiyaha golaha  wakiilada Somaliland muddooyinkii ugu dambeeyey olole xoogan ka wadey gobolka Sool.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*