James Swan oo madaxweyne Farmajo hordhigay dalab culus oo ku aadan doorashada Somalia

Puntlandtimes (Muqdisho)-Erggeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay khilaafka weli ka taagan qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya oo horey heshiis uga wada gaareen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada

Danjire James Swan ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in dadaal badan ku bixiyeen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ku hor gudban qabsoomida doorashada la iskuna soo dhaweyn lahaa Madaxda isku heysta doorashada.

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu Danjire James Swan ugu baaqay inuu qaato hoggaankii looga baahnaa oo uu isu keeno dhinacyada kala duwan ee isku mari la’ doorashada, si horay loogu socdo.

Dhanka kalena, James Swan ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in doorashada waqtigeedu ku dhacdo, isla markaana Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ay isku yimaadan, si xal looga gaaro khilaafka hareeyay doorashada.

“Marka la eego doorashada soo socota fursad ayaa jirta, waxaa dirradda saarnaa muranka caqabadaha taagan iyo kala qeybsanaanta jira in la isku soo dhowaado, xaqiiqdi waxaa jirta fursad haddii hoggaamiyeyaasha waa weyn ee Soomaaliyeed ay isku imaan karaan, haddii Madaxweyne Farmaajo uu awoodo inuu soo bandhigo hoggaankii loo baahnaa inuu cid walba uu isugu keeno, si horay loogu socdo, xisaabtana ku darsado in fikradaha kala duwan in la soo bandhigo” ayuu yiri James Swan.

7 Comments

  1. Islaam baynunahay fadaraal
    Uu gabre samaayay maxaa
    Macana ah uu layahay
    Wadankafarmaajaa kuxumo
    James swan waa nin
    Un u ah shaqaale tankale
    Masha waxaa kabaxay
    Isbarbar yaacii

    • Oo shilin Farmaajo ma hayaa uu ciidamadiisa siiyo, mushaharkiisa yaa bixiyo, yaa waardiyeeya, maxaad iska hadashay , haddii uu berri uu doono buu eryi, indho adagaa , lacagtaada wan rabaa, ciidamadaada waan rabaa, taladaada ma rabo , halkee laga dheelaa, aadeer cashuurta islaamaha reer Muqdishu iyo James Swan baa Villa lagu fadhiyaa,

  2. Mohamed Ali is bar bar yaac maaha ëe waa maamulkii oo la daadajiyay.
    MA rabno aabe siyaad kale iyo kaligii taliye yaase is aaminay.
    Bal FARMAAJO oo awood ciidan leh MAXUU sameyn lahaa hadda asagoon tagi Karin afgooye iyo balcad ayuu ciidamo i dirayaa jubbaland si uu reer diini gacantooda usoo galiyo KISMAAYO.
    Dalkaan meel fog ayaa laga keenay FARMAAJO siduu wax u qado ma qumana.

  3. Maxamed Ali Adder waxan umeleynaya in aad tahay qof Aqoontisu Hoseyso oo Gu & Garaad toona lahan,Tagerada indha la’anta ah ee aad uhayso Maxamed Abdullahi Farmajo khasaro moye wax fa’ido ah makenayso,sababto qof qaldan in Qalad lagu tagero mahabona,waqtiga inta ka hartay hadusan Tanasulin waxad ku Danben Donta khasaro & Halag Aduun,waxad tihin dad indhala oo camole ah oo Aqoonta ka Aradan.

  4. Dalkan waa federalism ini fargaajo villa wardhiigley ayuu xakumaa waana ku fashilmay somaliya burburaysaa ma jidho villa wardhiigley qofkale ayaa maamulada dalku usoo dooran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*