Kenya oo ka jawaabtey eedayn kaga timid dowladda Somalia oo ku aadan dagaalada Gedo.

Puntlandtimes (Garoowe)-Xukuumadda Kenya ayaa jawaab ka bixisay eedayntii ay u soo jeedisey dowladda Soomaaliya ee ku aadan in Kenya ay qayb ka ahayd dagaalkii ciidanka Jubbaland iyo kuwa DFS ku dhexmaray magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Kenya Mudane Fred Matinagi ayaa sheegay in dagaalka dhacay uu dhex maray laba ciidan oo Soomaali ah isla markaana aysan wax shaqo ah ku laheyn dowladda Kenya iyo ciidankeeda ku sugan gobolka Gedo.

“Kenya wax lug ah kuma lahan dagaalka, mana jirin cid ka tirsaneyd ciidamadeena oo dagaalka qeyb ka ahaa kana tallaabay xadka Soomaaliya, ma garan karno waxey arintaas ula jeedaa, dagaalka waa mid Soomaali u dhaxeeya” ayuu yiri wasiirka.

Hadalka ka soo yeeray dowladda Kenya ayaa ku soo beegmaya xilli ay Villa Somalia ku eedaysay dowladda Kenya inay kaalin ku lahayd dagaalkii Beled-xaawo isla markaana ciidamada ka dagaalamay Beled-xaawo laga soo abaabuley gudaha dalka Kenya.

1 Comment

  1. Waa wax Kenya laga filayey in ay sidaa u hadasho, yaase eeddeeda iska leh?

    Muhiim ma aha in ciidamada Kenya ee KDF ay xadka Beledxaawo ka soo gudbaan, laakiin waxaa muhiim ah xuddunta weerarka laga soo abaabulay ee uu ka yimi kuna laabtay. Dhinaca Kenya ayaa Beledxaawo, oo Soomaaliya ah, lagaga soo duulay, iyada oo dooddaasu ay waliba taagnayd oo ay ka mid ahayd waxyaabihii ay Soomaaliya ku doodaysay in ay xiriirka ugu jartay Kenya. Sidaa daraadeed, Kenya duullaan QAAWAN oo aan geedna loogu soo gabban bay ku soo qaadday Soomaaliya.

    Su’aashuse waxa ay tahay yaa ASAL ahaan u fududeeyey in ay Kenya sidaa u dhaqanto? Waxa aan qabaa in DAWLAD SOOMAALIYEED oo fadhiggeedu yahay villada ay u fududaysay in ay Kenya sidaa u dhaqanto, oo ay kala adeegsato ciidamadii Soomaaliyeed, waayo dawlad Soomaaliyeed oo leh baarlamaan & xukuumad baa u oggolaatay in ciidamada SAFKA HORE ee kenya & Itoobiya, oo ah cadwga kaliya ee ay dawlad Soomaaliyeed leedahay, ay ka mid noqdaan AMISOM!!!!

    Haddaba, sidee bay ku dhici kadhaa in aad CADAW-gaaga koowaad aad u oggolaato in ay ciiddaada kuu waardiyeeyaan?! FADEEXAD WEYN baa halakan ka socota, miraheediina waatan aynu maanta guranayno ee aynu aragno waxa laga dhaxlay.

    Waxa aan haddaba soo jeedin lahaa in marka hore ay CUQAASHA, CULIMADA & WAXGARADka gobolka GEDO ay kulan degdeg ah isugu yimaaddaan, oo ayna villada waxba ka sugin, si xal waara arrinkan loogu helo. Dawladdana waxa aan ku oran lahaa in aydaan cidna ku eedin faragelinta iyo duullaanka qaawan ee ay Kenya soo qaadday, dawlad Soomaaliyeed baa u oggolaatay in ay AMISOM ka mid noqdaan iyaga iyo Itoobiya, oo ay waddanka sida ay doonaan ka yeelaan.

    Gunaandkii, wakhtiga AMISOM waxa uu ka dhacayaa dhammaadka Febraayo, ma haysaan QORSHE aan loo cusboonaysiin Kenya & Itoobiya in ay ka sii mid ahaadaan ciidamada AMISOM, mise Kenyana waa cadaw Itoobiyana waa saaxiib? Ciidamada Kenya & Itoobiya hallaga saaro waddanka haddii sharaf dawladnimo iyo ilaalinta qaranimada loo jeedo, haddii kalena yaan dadka la luggooyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*