Puntlandtimes (Baydhabo)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maalmihii la soo dhaafay safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah u ah maamulkiisa.
Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalkii shalay dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa maamulkiisa iyo Al-shabaab ee ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Waxaa uu sheegay in Ciidanka dowladda ay khasaaro gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al-shabaab, kadib dagaalkii ka dhacay deegaanka Seydheelow oo fariisin ku lahaayeen, isla markaana ku boggaadiyay Ciidanka weerarkii ay qaadeen, waa sida uu hadalka u dhigay.
Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhan ah Al-shabaab, waxaana dagaalkii shalay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.
Be the first to comment