Madaxweynaha Puntland oo maamul cusub u magacaabay magaalada Galkacyo.

Puntlandtimes (Garoowe)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr – 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo .

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka  Puntland qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo

Markuu tixgeliyey: talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland

Wuxuu xeeriyey :-

  1. Waxaa Maxamuud Cabdinuur Aadan loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo
  2. Waxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo
  3. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay, waxaana uu ka dambeeyay markii Madaxweyne Deni uu kala diray golihii degaanka degmada Gaalkacyo.

1 Comment

  1. That sucks. Eliminating people with a strong work ethic is a long culture of puntland leaders present and the past. No matter why puntland is always docile and dump since its inception.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*