Maxaa ka soo baxay kulankii M/weyne Deni & odayaasha magaalada Qardho.

Puntlandtimes (Qardho)-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Karkaar.

War qoraal ah oo lagu daabacay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda ammaaan  ee gobolka Karkaar, dagaaladii ka dhacay dooxada Dharooreed, horumarka iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale, wararku sheegayaan inuu odayaasha gobolka Karkaar kala hadlay arrimo quseeya xaaladda Soomaaliya iyo sidii loola shaqayn lahaa xukuumadda uu majaraha u hayo ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugan Magaalada Qardho ayaa shalay tababar usoo xiray Ciidamo Boolis ah, waxaana la filayaa in uu kulamo kala duwan uu halkaasi ka siiwado.

1 Comment

  1. qof walba wuxuu qabo Qardho la imandoonee, Qardho waa taageersantahay madaxwayne Dani iyo dowladiisa barakaysanba. guul iyo gabanimo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*