Maxaa ka soo baxay kùlankii M/weyne Farmaajo iyo wakiilada beesha caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaaray hannaanka hirgelinta doorashada oo ay ugu horreysay heshiiskii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ansaxinta habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii Guddiyada Madaxa-bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta miisaaniyadda doorashooyinka.

“Tanaasul badan ayaan ka sameynay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan dhiirrigelin iyo xoojin, si looga miro dhaliyo hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumeysa hor –u-socodka dowladnimadeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukumadda ee ku aaddan xaqiijinta qabsoomidda doorashada, isaga oo adkeeyey in la sii amba-qaadayo qorsheyaasha lagu hirgelinayo doorashada.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday hergelinta hannaanka doorashada,waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dadaallada ay ku bixinayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

3 Comments

  1. Kkkkkkkkkk maxaa lagu heshiiyey, farmaajo warkiisa waa caddeeyey wuxuuna u sheegay beesha caalamka ineey faraha kala baxaan doorashada soomaaliya kkkk waji gabax ayeey kala soo tageen villa farmaajo, waana rajabeel in dib dambe la isugu soonoqdo. Haddab

  2. @@@ Ali
    Haye! Waa koow! Adigaaba goobjoog ahaa!

    Oo ninkii Farmaajo wuxuu noqday aar isku kalsoon oo isku filan?

    Guulwade! Adiga iyo isaguba ku jira riyadaas iyo dhalanteedkaas. Ballantu waa 9ka Februaray 2021 @ 12:01am Mugadishu time.

  3. Aar Farmaajaa. Aar Farmaajaa. Aar Farmaajaa.

    Aar Farmaajo ii geeyay maxaa ka danbeeyay?

    Dhakofaarkeedaay! Kkkkkkkkk

    Beesha Caalamka, waxa ka dhamaatay lacagtii, gucleyntii iyo samirkiiba. Maanta gacmaha ayay kor u taagayaa. Soomaaliyana dhan ay u saaraan Wey garan la yihiin. Soomalidiina wax kaloon la gareyn ayay shabahaadeeda yeelatay.

    Deni iyo Axmed Madoobe oo Gedo waxa ka socda ay ka dhaadhici la dahay. Kkkk Tollow maxay labo magaalo u aqbaleen iney dooshadu ka dhacdo? Gedo sowtii Farmaajo hore usii joogay. Wuxu doorasho maldahan weeyee may hal magaalo ku adkeystaan? Maanta Gedo dhuunta ugama ay taagnaateen.

    Sadexda ilma gareenoda ah ee iyaguna jahowareersan. Kuwaas lamaba fahmi karo. Runtana cidnaba uma sheegi karaan. Aabo Farmaajona kama soo horjeedsan karaan, Beesha Caalamka ma diidi karaan, Deni iyo Madoobena ma qancin karaan. Waa sadex sawir oo lagu buuxsado kuraastey iyagu lahaayeen.

    Musharixiinta Maxaxweyne doonka ah oo iyagu aanan laheyn itaal ama awood ay wada xaajoodyada ay qeyb kaga noqdaan, aanana aamusi karin ee maalina walba soo taagan. Marmarbaad ku dawakheysaa waxey rabaana aad dhan aad u jeediso garanwaayaysaa.

    Laba ‘Fa’ ee Villada xuurtada ku heysta. Waa Fahad iyo Farmaajo’e. Fahad isagu waa musdanbeedka taladu ka go’do. Cayayaanka ayaa qaar leeyihiin Boqorado loo shaqeeyo. Sida qudhaanjada oo kale. Boqaradu godka ayay Qasri ku dhex leedahay. Qudhaankooyinka kaloo dhamina iyada ayay u shaqeeyaan. Boqoradaas lama arko, laakiinse awoodeeda waxa laga dareemaa sida wacan ee loogu shaqeynayo. Doorkale waa laga warheli doonaa, laakiinse imikadan xaadirka ah Fahad ayaa ah Boqoradii xaga danbe ka maamuleysay Soomaaliya.

    Farmaajo isagu waxa uu isku darsadey dabeecado badan oo cajiib ah. Damaacinimo, qabweyni, mucagnimo, aqoondaro, jaahilnimo, garaadli’i, degdeg, xigmad yari, xaasidnimo, xeelad la’aan iyo doqoniimo. Malaha haduu qof caadi ah ahaan lahaa oo iska shaqeeysan lahaa, waxan oo dhan lagama arkeen. Laakiinse Damaacinimadiisa ayaa la doonatay kursiga ugu muhiimsan uguna sareeya Soomaaliya ee leydhka ama nalka ugu weynu ifinayo, doqoniimadiisuna fashilkiisa ayay dahaardhka ma qaadey.

    Kolkii wax lasoo yara dhadhaweeyoba, Fahad ayaa arin cusub Farmaajo usoo dhiibaya. Farmaajona wuusoo walwaalayaa oo badka ayuu kusoo tuurayaa. Doqonoow dabkaa b’e.

    Beesha Caalamku maanta meel ay Soomaaliya kaga hadhi karto ma jirto. Hadey sidii 90skii iskaga huleelaan Soomaaliya qalolaase iyo isqabqabsi ka bixi meyso oo wey is wada cuni. Hadey la joogaana wey is rifayaan oo hortooda ayaa kolba labo labo ama raxan raxan iskugu boodboodayaan.

    Soomaaliya inta isku heysataa waxba ka duwana raxan AY ah oo hooyadii, aabihii iyo caruurtii oo dhami isku xagxaganeyso sidii ay kolba Saancadaaleyaasha Beesha Caalamka ka socdaa madaxa iyo xabadka ugu salaaxi lahaayeen ay iyaguna gacmaha uga leefleefi lahaayeen. Waaba tabtaas, midwalbaa ka kale ayuu garbinayaa, waa markeygii, kolkaasuu isagoo hadhhadhyoonaya oo seynta ruxaya lugahooda ku meereysan, gacmadoodahana leefleefi, kolkey madaxa u salaaxaana dhataq wey isku hortuuri oo dhabarkey u seexan sidii xabadka iyo caloosha loogu salaaxi lahaa. Kolka ka kalee ka danbeeya loosii dhaafana, safka ayuu xaga danbe kasoo cidhiidhyan. Kkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*