Maxaa ka soo baxay kulankii Puntland iyo ganacsatada Boosaaso ee qaadashada Shilling Soomaaliga.

Puntlandtimes (Boosaaso)-Guddiga xasilinta suuqyada Puntland iyo waxka qabashada qiima-dhaca shilling Soomaaliga ee deegaamada Puntland ayaa soo gaba-gabeeyey kulamo ay la lahaayeen ganacsatada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana ka qaybgalay wasiirada maaliyadda, ganacsiga, taliyaha ciidanka booliska Puntland, guddoomiyaha gobolka Bari, duqa degmada Boosaaso, xubnaha guddiga iyo ganacsatada gobolka.

Wasiirkii hore ee maaliyadda dolwadda Puntland ahna xubin katirsan guddiga Faarax Cali Shire ayaa tilmaamay in iyaga iyo ganacsatada Boosaaso ay isla afgarteen socodsiinta Shilling Soomaaliga guud ahaan deegaamada Puntland.

Wasiirka ganacsiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi ayaa ku ammaanay guddiga shaqada ay bulshada u ahayan, wuxuuna sheegay in Shilling Soomaaligu na hurran yahay loona baahan yahay in cidkasta ka qayb qaadato socodsiintiisa.

Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa ugu dambayntii ganacsatada ku booriyey fulinta qodobadii ay ku heshiiyeen guddiga iyo qaadashada Shilling Soomaaliga, isagoona caddeeyey in dowladdu qaadi doonto tallaabo walba oo lagu soo noolaynayo kalsoonidii lagu qabey qaadashada Shilling Soomaaliga.

Dhanka kalena, wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in sariflayaasha deegaamada Puntland ay durba bilaabeen isdiiwaangelintii guddigu soo jeediyeen iyo qaadashada ruqsadaha muujinaya ganacsiga si looga fogaado khalkhal suuqyada ku yimaada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*