Puntland oo ciidamo u dirtay magaalada Dhuusamareeb iyo madaxweyne Deni oo ku wajahan.

Puntlandtimes (Garoowe)-Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug waxaa gaarey cutubyo katirsan ciidanka difaaca ee Puntland, kana kicitimay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ciidamadaan oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay hordhac u yihiin wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qaybgeli doona shir looga arrinsanayo doorashada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo ay weheliyaan mas’uuliyiin katirsan Puntland ayaa ka qaybgeli doona shirka madaxda federalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir oo looga arrinsan doono hirgelinta doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalbaday shirkaan xilli muddo xileedkiisa dastuuriga ah ay ka dhimman tahay 8 cisho oo kaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*