Puntland oo si kulul uga hadashay imaanshaha wasiir Saleebaan Cali Koore ee duleedka Qardho.

Puntlandtimes (Qardho)-Maamulka degmada Shaxda ee gobolka Karkaar ayaa beeniyey war ka soo yeeray xukuumadda Somaliland oo ku aaddanaa inay diiwaangelin ka samaysay degmada Shaxda oo maamulkaasi ugu xisaabsan gobolka buuraleeyda ah ee Xaysimo.

Mid kamid ah mas’uuliyiinta degmada Shaxda ayaa sheegay inaysan waxba kajirin sheegashada Somaliland isla markaana uusan wasiir Saleebaan Cali Koore imaan deegaanka aysanna suurtagal ahayn in la keeno olole ka socda Somaliland.

Waxa uu sheegay in wasiirku uu yimid deegaamo miyi ah oo kuyaal dhulka oogada ah ee gobolka Sool isla markaana muuqaalka ku sheegay inuu joogo Shaxda oo 15 KM ujirta magaalada Qardho taasi oo muujinaysa inuusan xitaa ka fiirsan masaafada dhabta ah ee u dhexaysa Shaxda iyo Qardho.

VIDEO: Saleebaan Cali Koore oo gaarey duleedka Qardho kana bilaabay diiwan gelinta codbixinta doorashada Somaliland.

4 Comments

  1. waxas waxa bunbuninaya wa wariyeyasha somalida oo lagu ibtileyey been aan xad lahan,waxad moda saxafada somalida dad aan muslin iyo masexi midna ahan,waxad kalo moda in aay yihiin dad shiyeye ah,Qabka aay wax iskaga hor kenan.

  2. Suelaban cali kore wa nin Qowsar ah oo Xaqijinaya Qawsarnimadisa warkisu wa war Qawasar mandaqadana wa laga yaqana,cidi warkisa qad qada waxay xojinayan qawasarnimadisa,Saxafada somalida in war Qawsar ama war mididin herakas lagarsiyo aya waxay u’ekanayasa saxafada in laftigeda aay kushaqaysto arimahas kuwo shabaha oo Tuugsi & dhadhamo radin aan ka fogeen,sababto ah war been ah oo Qawsar shegay in saxafadu bunbuniso waxay isharadu natuseysa saxafadu in shaqadedu tahay mid lidadata,sababto ah,suxufigu wa xog ogal wax aan wax macno kenan in uu Dido ayuu wajib uleyahay oo usan fafin,wa hadu yahay suxufi xalal ah,haduse shinbiti dhusta laso rooro mala oran kara wa suxuf hufan?.

  3. Eri Boowe dhabayaco ma Argagaxdeen hadeee yaa is gaadhayba.
    Waa somaliland Tukaraq oo duleedka Gadhoowe ayay last 4years ku jaalabuteyneysey taas iidin ma muuqato maxaa cabaadka keenaya ninka dalkiisii iyo gobolkiisii XAYAYSIMO ayuu diiwaangelintii ka bilaabay waa intaas keliya.
    Buuqa yareeya cidina idin qixin mayso tuuladiina xun Ee sharka ah Gadhoowe.
    Bootada iyo dhuusads iyo munaafaqad joojiya.

  4. Xaniinyo ayuu sheegtay yaa wax ku samayn kara military ahaan iyo ragganimo ahaanba waa superior marka la garabdhigo dhabayaco halashley maxaa lagu samayn karaa in la naxo mooyee, shalay waxay wada hadlayeen faroole oo qawsar isaaq ah

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*