VIDEO: Axmed Madoobe oo ka hadlay shirka Dhuusamareeb & natiijada kulankii James Swan .

Madaxweynaha  Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya  James Swan iyo Madax ka socotey Hay’adaha Qaramada Midoobey sida UNHCR, WFP, FAO iyo WHO.

Kulanka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka 1aad Maxamuud Sayyid Aaden iyo qaar kamid ah Golaha Xukuumada sida Wasaarada arrimaha gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Kalluumeysiga iyo Beeraha ayaa looga wada hadley Xaalada Siyaasadeed ee dalku marayo, Amniga iyo taageerada Qaramada midoobey siiso Jubbaland gaar ahaan Mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan deegaanada Jubbaland Hay’adaha Qaramada midoobey.

https://youtu.be/2kjbOPxameM

Ugu horreyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa Ergayga qaramada midoobey uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Kismaayo iyo dadaalka ay saaxiibada beesha caalamku ugu jiraan sidii xal rasmi ah loogu heli lahaa caqabadaha ku gadaaman sidii doorasho nabdoon wadar ogolna ah dalka uga dhici laheyd.

“  Jubbaland waxay diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka Madaxda qarankuna hormuudka u yihiin, Arrimaha la isku hayo oo ay ugu horreyso arrinta Gobolka Gedo waxay u baahantahay in si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii Doorasho ee aan horey u soo galney loo xalliyo si ay u qabsoonto Doorasho loo simanyahay laguna wada qanacsanyahay. Waxaana uga mahadcelinayaa Beesha caalamka doorkooda muuqda ee ay arrintan kaga jiraan iyo ka go’naanshaha in Doorasho dalka ka dhacdo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam.

Dhinaca kale Ergayga Qaramada Midoobey mudane James Swan ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyey soo dhaweynta iyo qaabilaada heerkeedu sarreeyo ee ay kala kulmeen Jubbaland asaga iyo wafdigiisa ku wehelinaya booqashada ay maanta ku tageen magaalada Kismaayo ee xarunta kmg ah ee Jubbaland.

“Waxaan bogaadinayaa markale tallaabadii wax ku oolka ahayd ee albaabka u furtey xaaladii cakirneyd ee dalku ku jirey ee ay qaadeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland taas oo ay 28dii bishan kusoo magacaabeen gudiyadii doorashada ee heer Dowlad goboleed iyo baaqoodii ahaa in ay Madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyadu shir isugu imaadaan taas oo dhashey in Madaxweynaha JFS uu shaley shir isugu yeero Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo aan ka fileyno inay kasoo bixi doonaan qodobo ka turjumaya sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhanyahay iyo isu tanaasul madaxda dhexdooda ah dalkana loogu turayo”.

6 Comments

  1. Runtii axmed iyo dani
    Somalidu way ogtahay
    Waxa aay yihiin midka
    UN ujogo somalia waa
    Nin pension ah oo
    Ubahan qoraxada somali
    Guno fiicana wuhalaa
    Mortgages wuu kadhamaday
    Because dhiiga dadka madow
    Ayuu mushari kuyahay anytime
    Waalarin karaa
    Laakin axmad Islam
    Waxaa uu ogyahay hadii uu
    Farmaajo sonoqdo inuu tagidono 8days lefty
    Xamarna maqaamkii hashay
    Dadka somaliadu maanta
    Farmaajo waa aay ogaadeen
    Inuu yahay hogaan ruuxi
    Ah wuunayahay

  2. HILAAC FAAH FAAHI…AHMED MADOOBE WAA KA DHAMAATAY. WAJIGIISAY KA MUUQATAY, JABKII BELEDXAAWO KADIB AHMED MADOOBE IYO DENI MIDNA CHOICE MA LEH. SOMALIDII IYO KENYA OO DABADHILIF U YIHIIN WAA OGAATAY INAYSAN WAXBA MEESHA KU HAYN. WAA LABA QALFOOF, PUNTLANDTIINA HADA SOUTHWEST STATE OO AYADU CAWIMI JIRTAY BAA KA HORMARTAY JUBALAND WARKEEDABA HA SHEEGIN. VIVA MAAMULADA DAAROOD

  3. @Mohamed nugaal.
    Xoooolo faanoole farikama qodna. Waxba axmed madoobe iyo deni ha ku calaacalin labadoodu waxeey noqdeen difaaca Soomalida rabta wadanka inuu ka dhaco doorasho xor oo xalaal ah markii xaqiiqda laga hadlo waa labada maamul ugu awooda badan. ARINTA GEDO farmaajo ciyaal faa-cali iyo mooryantisa haramcad iyo gorgor ma sii joogayan Gedo waayo dadka deeganka waxeey go’aansaden iney ka xoreeyan dhulkooda shuftada soo wareertey ciidanka cabdi janan waxeey fadhiyaan baladxaawo dusheeda waxeeyna ku dhawaaqeyn in dadka shacabka ka baxaan baladxaawo si aysan wax u gaarin maanta baladxaawo waa faaruq waxaa jooga ciidankii mooryanta haramcad iyo gorgor iyo maamulkisa gacan ku rimiska ahaa ee farmaajo ciyaal faa-cali. DAGAALKA GEDO haduu sifiican u bilaaban, Farmaajo ciyaal faa- cali wuu ku fashilmey siyaasada gudaha iyo dibada LAGAMA YAABO INUU SOO NOQDO waayo SOOMALIYA waxuu ka dhigey xarun dagaal colaaded. SOOMALIDA wax garadka ah iyo dowladaha daneeya soomaliya ma’rabaan inuu soo noqdo.

  4. @Mohamed Ali.
    Hhhh, Maqaamka xamar cid ka soo horjeeda ma’laha laakin iskuma darsaneyso MAQAAM SADBURSI ah iyo Magaalo madax wadanku waa FEDERAL…13 kursi waa in lagu qeybiyaa 4.5 Hhhh hadiikale SOMALIA kala tagtey waxaa mahad leh illaah oo maanta suuro galiyey iney maamul goboleedyo dhisan jiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*