VIDEO: Senator Faroole oo ka hadlay waxyaabaha sababay diidmada Sh Somaliga & xalka.

Puntlandtimes (Garoowe)-Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo dhowaan lagu daray guddiga ka soo tala bixinta qiima dhaca Shilling Soomaaliga ee deegaamada Puntland ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha keenay qiimaha dhaca shillingka.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in daabacaadda lacaga badan ee wata saxiixa dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo lacagta baabuurta looga soo sararayo deegaamo katirsan Koonfurta Soomaaliya ay qayb weyn ka qaateen qiima dhaca kuyimid lacagta Shilling Soomaaliga guud ahaa deegaamada Puntland.

Waxa uu sheegay in xalku uu yahay laba midkood in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay daabacdo lacag cusub ama ay shacabka kala wareegto lacagaha faraha badan ee suuqa yaal si loo yareeyo Shilling Soomaaliga baahidiisuna ay u badato.

DAAWO

8 Comments

  1. @@@General Galaal/ka daroo dibi dhal

    Soomaalidu waxay tiraahdaa intii la eryado, been baa ugu gaabisa. Qofkii masuul ah amase aad loo yaqaan, waxaa habboon in waxa uu ku hadlo ka fiirsado sababtoo ah waxaa dhici karta inay ku noqoto mahadho.

    Sida qaarkiin daawadeen, nin dhallinyaro ah oo weriye ah ayaa weyddiiyey Gen. Galaal halka uu kasoo xigtay natiijada tirakoobkii qabaa’ilka ee uu dhowaan sheegay. Wuxuu weyddiiyey halka uu tirakoobkaas ka keenay, wuxuu sheegay in ay sameeyeen xukuumaddii Jaalle Siyaad iyo dowladda Talyaaniga! Waxaa la weyddiiyey waqtiga la qaaday tirokoobkaas; wuxuu sheegay intii u dhexeeysay 1988 – 1990!

    Wuxuu kaloo sheegay in Jaalle Siyaad qariyey natiijada tirakoobkaas laakiin uu ay kashiftay dowladda Talyaanigu, gaar ahaan danjirihii ugu dambeeyey ee Talyaaniga u fadhiyey Somalia. Wuxuu sheegay inuu isaga ishiisu qabatay warqadda tirakoobka: Hawiye, Daarood, iyo Isaaq laakiin uusan arag tirakoobka Soomaali inteeda kale!

    Soomaaliyey, inteennii garaadka lahayd ee xillligaas ku sugnayd Somalia, ayaa garanaya xilligaas qallafsanaa ee Somalia hulaaqaysay — tirakoob la sameeyey? Haddii la sameeyeyba maxaa Talyaani looga baahnaa? Kumannaanka shaqaalaha carbisan ee shaqadaas qabtay xaggee ka hawlgaleen? Cid aragtay oo xusuusan majirtaa? Dadka marka tirakoobayo ma qabiil la weyddiiyey – – gaar ahaan Xamar oo Soomaalida ugu badan ku noolayd? Gobollada waqooyi oo xilligaas dagaal ka socday, dadkiina qaxay xaggee lagu tirakoobay?

    Generalku afkiisa ayuu isku buriyey. Haddii xitaa uu oran lahaa waxaa la sameeyey horraantii 1980s, dadka qaar baa iska rumeysan lahaa.

    Inuu Talyaani markhaati ka dhigto layaab maleh sababtoo ah weligiis ayuu Daroodka ka hiillin jirey lana safan jirey Hawiyeha. Qayb ayaa Talyaanigu ka qaatay dhiirrigalintii USC iyo burburkii Somalia. Markii USC qabsatay Xamarna wuxuu isku dayey inuu ku caawiyo sidii ay dowlad u dhisi lahaayeen laakiin iyagii baa gaabis noqday.

    General Galaal ulakac iyo isku-soofeyn qabaa’ilka Soomaaliyeed ayuu shirka uga sheegay tirakoobka bugta ah ee uu jeebka kala soo baxay. Waxaa kale oo uu uga dan lahaa xoojinta Irirnimada uu cabsan yahay. Weli wuxuu wadaa wax-ka-sheegga iyo ku-been-abuurashada Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

  2. Sheekadii tirakoobka miyaa weli socota?

    Anigu waan daa waday waraysigaa wiilka dhalinyarada ahi uu ka qaaday Galaal, runtii aad baan odayga ula yaabay. Wax kale maahane, nin weyn beenta iyo kicinta qabiilka waa looga habboon yahay. Anigu waxa aan islahaa waxa uu soo xigan doonaa waxyaabaha ayaamahan baraha bulshada lagu baahiyo, laakiin markii uu Siyaad xilligiisii galay baan yaabay.

    Baaritaan baan sameeyey, aniga oo baaritaankii ku jira baan daawaday dood ay Xaliima-yareey qayb ka ahayd. Saa isla Galaal bay la yaabanayd, waxa ay tiri tirakoob sidiisaba Soomaaliya wuxuu ka dhacay laba jeer, kii ugu danbeeyeyna waxa uu ahaa 1986. Waxa ay tiri garan maayo Galaal waxan meesha uu ka keenay.

    Si kastaba, Soomaaliya maanta uma baahna cid u abtirisa oo kala irdhaysa sida Galaal & Faroole, ee waxa ay u baahantahay cid tabantaabisa oo godka ay ku dhacday si taxaddar leh uga soo saarta.

    Haddaan mawduuca u soo noqdo, ina Faroole baa waxa la leeyahay xal ka keen sixir bararka!!! Faroole & ninkasta oo maamulkaa soo qabtay qayb bay ka yihiin sixir bararka hadda soo karaar qaatay. Labada shakhsi ee ugu damiirka xumaa ee maamulka Garoowe soo mara waxa ay ahaayeen Faroole & Deni.

    Sixir bararka & horumar la’aantu waxa ay ka dhashaan MAAMUL XUMO. Maamul xumada waxaa laamo u ah caddaalad la’aan, daah-furnaan la’aan, musuqmaasuq & isla xisaabtan la’aan. Intaasi marka ay isbiirsadaan sixir barar iyo caga barar iyo aafooyin oo dhan baa ka dhalanaya. Waxaa ka dhalanaya nimanka buuraha saaran oo dhulka u soo dega oo qabsada. Waxa maanta Puntland ka socda guryahaa la isugu soo galayaa; Deni waa dameer aan damiir lahayn, mana istaahilo in uu dad hogaamiyo. Waa sida dadbadani ay ku sifeeyaan

  3. @@@HILLAAC
    Muxuu ahaa ‘sixir’ barar?
    Waan la yaabaa marka dad waxbartay erayga ‘sicir’ — سعر — ugu dhawaaqaan ‘sixir’! Taasi waxay muujinaysaa Soomaali iyo Luqada Carabigu halka ay kalajoogaan.

    Anigu ma xusuusto tirakoob dhacay 1986 oo loo sameeyey sida loo sameeyo tirakoobyada adduunka. Waa dhici kartaa in wasaaraddii Qorshaynta Qaranku sameeysay qiyaas (estimation), taasna weligeed waa la sameyn jirey laakiin ma dhicin tirakoob (census).

    Waa kugu caddaaladdarro inaad inaad isku si u eedayso Galaal iyo Faroole. Waxaad uga sii gudubtay Deni. Allah! Naceyb kugu jiraa weynaa!

    Anigu waa kaa aqbalay codsigaaga ahaa inaan Soomaali kuu aqoosado oo aanan qolana kugu riixin laakiin weligay ma arag nin Dhulbahante ah oo uu ku jiro naceybka aad Majeerteen u qabto mid la mid ah; mid Xamar ku dhashay 1986, sida aad sheegatay, isaga warkiisba daa!

  4. A. Arar- waad ku mahadsanatahay sixitaankaaga, laakiin ogaan baan sidaa u lahaa, Soomaalidaa sidaa u badan. Aan kuugu dara e, anigu tiiba Carabi baan ahaa.

    Midda aad igu eedaysay ee ah MJ nacayb; xaasha, anigu MJ ma necbi, laakiin shakhsiyaad danaystayaal ah oo siyaasiyiin isku sheegaan dhaliilaa. Deni & Faroole marka ay Dhulbahante ARGAGIXISADA ku sheegayeen miyay noo mashxaradayeen? Weliba Faroole, dagaalkii Kalshaale ka bilawday ayuu argagixiso nagu sheegay oo weliba na aflagaadeeyey; waa wax duuban oo aan la dafiri karin.

    Intaa waxa dheer, markuu Faroole sidaa lahaa ee Isaaqa nagu soo duulay hiilka u muujiyey, waxa uu ku magacawnaa hoggaamiyaha Puntland, MJ kama hadal. Deni, oo ah hoggaamiyaha maanta ee Garoowe, shalay bay ahayd markii uu Dhulbahante ku sheegayey argagixiso, isaga oo iska dhisayey Hargaysa; iyaduna way duuban tahay.

    Marka, anigu waxa aan aalaaba dhaliilaa habdhaqanka siyaasiyiinta Soomaalida maanta horboodaysa, ee maamul-beeleedka Hargaysa illaa Kismaanyo, aniga oon ukala abtirin. Markii loo baahdana madaxweynaha Soomaaliya waan dhaliilaa. Mid baanse kuu sheegayaa, weligaa hoggaamiyaha xun qabyaalad haku taageerin. Marka, sidaa ii faham; ma ihi shakhsi qabiil gooniya neceb.

  5. @@Hiinraac/Rake,

    Waan kukhasbanaaday inaan beeta iyo barabagaanka kugu raddiyo oo xaqiiqada bayaan ucaddeeyo.

    Horta waxaa hubaal ah inaad Dhulbahante iyo wax udhow toona ahayn. Daliisha ugu weyn ee aan usooxiganayaa ayaa ah inaanu jirin ruux haybtiisa markasta dadka ugu digriya sidaada. Dadka sheegadka ah ayaa si joogto ah iskugu shaabbadeeya cid aanay ahayn, wax kulaazimayba.

    Halyey Cabdiraxmaan Faroole beesha Dhulbahante maay ahayn cidda uu argaggixisada kutilmaamayee wuxuu kuwaday kooxdii maalaayacniga ahaydee “khaatumo” iskusheegi jirtay, taasna xaq buuxa ayuu ulahaa sababo badanoo markii dambeba soo shaacbaxay aawadooda.

    Kooxdaasi fidno iyo xasarad ayay u’allifteen Cali Bile iyo qowsaarradii kula xulufnaysnaa, waxayna ujeeddadu ahayd in:

    (i) sha’niga midnimada iyo wadakirka beelaha Puntland iskubaheystay lagu burburiyo oo Puntland dhibaato lagu curyaaminayo lagadhex abuuro.

    (ii) shimbirka tolnimada Hartiga iyo tolweynaha Puntland lagujabiyo oo colaad sokeeye Dhulbahantaha iyo tolkooda kale lagadhex huriyo.

    Xushmadle Faroole xil iyo waajib dastuuri ah ayaa kasaarnaa inuu degelkiisa uu madaxweynaha u’ahaa toos ugabirdhigo khatar kasta oo kusoowaajahnayd iyo nacab kasta oo duullaan ku’ahaa – mid sokeeye iyo mid shisheeyeba.

    Waana khaatumo wixii sababta unoqday ee sida dabdan ugu gacanhaatiyay jeegaantii degaannada Dhulbahante kusooduushay oo qabsatay. Cali iyo SNM hoostaas ayay iskalasocdeen oo ahayd sababtuu jabhaddan yaree beenbeenta ahayd xisaabta geyiga ugusoodaray. Faroole waa oday laftii uu xiskiisu taam yahay ee aanay innaba kasuuroobin inuu tolkiisa sida aad ugu been’abuuratay ugu aflagaadheeyo.

    Kaadhkani waa horuu gubtayee mid kale sooxoqo maandhe.

    • *Waxaan akhyaarta sharafta leh karaalligalinayaa khaladaadka aalaaba igagala qoraallada, maadaama aan qalab shaqeed oo yar wax kuqoro.

      *Gaar ahaan, khaladaadka igagala kuwa aan Englishka kusootabiyo ee uu qalabkan waalan erayada maalinkaa kuxarooday kubeddelo kuwa aan anigu qorayo.

  6. General Galaal… wax khalad ah oo lal yaabo kuma uu hadal waxa uu yiro kali ah Daarood dayuus waa laangaab.waana wax iska cad qofka taa ka xanaaqaya ka is qarxinaya , ka dhuusaya isaga ayay taal waa xaqiiq jirta…

  7. Oday Faroole waa runtii oo lacagta aay maanta isticmaalaan dadka Soomaaliyeed waa, lacag been abuur ah oo u baahan, inta la soo aruuriya in la gubo.

    Waxaan mar ku noolaa Zimbabwe oo lahayd, lacag adag oo 100 US dollar = 500 Zimbabwean dollar.
    Dalkii isaga ahaa maanta wuxuu isyicmaalaa, lacagaha dalalka deriska la ah. Sida, Douth African Rand, Zambian Kwacha, Botswana Bulle iwm.

    Sidoo kale ayaan Soomaalida kula talin lahaa in aay isticmaalaan, lacagaha dalalka deriska ah.

    @@@ A. Arar.

    Galaal waa nin xanuunsan oo ah, Gacan ku dhiigle weyn oo aay ahayd in uu ugu yaraan Xabsi ku dhex dhinto!

    Wuxuu ii sheegey nin kamid ahaa Saraakiishii hoose ee ka qeyb galay dagaalkii 77, in uu isku nixi jiray Sargaalkii la yiraahdo Galaal baa kuu yeeraya, khaasatan kuwa Daaroodka ah!
    Sabatoo ah wuxuu caado u lahaa in uu Saraakiisha bilaa sabab uu isaga gacantiisa ku toogto!
    Wuxuu yiri, waxaa inoo caado ahayd in Sargaalkii uu Galaal Xafiiskiisa ugu yeero, uu Bistooladdiisa Cabbeysto oo uu amaanka u furto, kadibna uu aado, isagoo u diyaarsan in uu kala hor maro haddii uu Galaal Bistooladiisa aado!

    Waxaan is weeydiiyaa, sababta uu Kacaankii dadka arrimo aanan micno laheyn dadka ku dili jiray uu ninkan dilaaga ah intaa u fiirsanayey!!!

    Hadalkiisii maalin dhaweeyto waxaa kamid ahaa. Halgankeenii ka maanan gaarin dantii aan ka lahayn!!!

    Oo maxaay ahayd dantaa? Malaha in Daarood la cirib tiro!!
    Waxaa oo dhami waxaa noo keenay, Naagaha Dhillooyinka ah ee Daarood oo inta belo Guursado, hadana dhalo kuwa Daarood baabi’inaya.

    FG. Haddii aad aragto nin Irir ah oo dadkiisa ka dhex muuqda oo Daarood ka lalmado, waa mid aay dhashay naag Daarood ah oo waddo qaldan martay!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*