VIDEO: Senator Faroole oo ka jawaabey hadal ka soo yeeray M/weyne Deni & go’aamadii ay soo saareen.

Puntlandtimes (Garoowe)-Senator Cabdiraxmaan Faroole oo ah guddoomiyaha guddiga loo xil saaray waxka qabashada qiima dhaca shilling Soomaaliga ee Puntland ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe iyadoo ay hareer fadhiyeen xubnaha guddiga uu madaxda u yahay.

Madaxweynihii hore ee Puntland, waxa uu faahfaahin ka bixiyey qaabka ay u dhaqan galeen qodobadii ay dhowaan soo saareen, kaalinta shacabka looga baahan yahay, doorka dowladda iyo shaqada xilligaan hortaal guddiga uu guddoomiyaha u yahay.

Dhanka kalena, Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka hadlay hadal ku aadan shaqada ay hay’aan oo shakay ka soo yeeray madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Qardho.

 

5 Comments

  1. Xaaji Faroole miyaa nina kani?!

    Waxaa igu maqaala ah in Maxammad Siyaad Barre (AHU) uu bishii Janaayo 1991, hadda waa markii suuqyada Muqdisha & madaxtooyada hareeraheeda ay xabbadu ka wiif lahayd, uu magacaabay guddiga ka hortaga BILILIQADA. Wax kale ma ahayne, waxa uu indhaha caalamka islahaa ka leexi guul darrada hoostiisa taallay.

    Haddaba, guddigan uu magacaabay horjoogaha maamul-beeleedka Garoowe ee Deni (ee u badan rag hore hoggaanka ugu adeegay danahooda shakhsiga ah oo u lunsaday hanti farabadan oo canshuur bixiyayaashu lahaayeen iyo mid caalamka ka timid ba) waa mid la isleeyahay indhaha caalamka iyo kuwa reer Puntland-ba kaga leexiya guul darrada hoostaalla maamulka Garoowe.

    Gunaandkii, guddigan uu Faroole horboodayaa waa SAANBUUSE LAGA ADDIMAY, sidii guddigii uu ina Bare waagaas magacaabay. ee dadku ha tashadeen. Maamul danahooda ugu maqani majiro ee danahooda haka tashadeen, oo gobol waliba ha samaysto maamul iyo guddi u gooniya oo danahooda u quma. Waa aragtidayda khaaska ah; warka jura run ka sheeg!

  2. Faroole Shaqadiisa (job description) ma yaqaan….waxay hawshiisu ahayd in DFS uu kala xidhiidho hawshan Lacagta iyo Sarrifka iyo dhibteeda, Halka Uu Kursiga Kula Fadhiisanayo M/Deni….Macnaheedu Waxa Weeye Xamar Ayuu Waxba Ka Qaban Waayay , Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Ayuu Kula Tartamaya C/Qaybdiid Baana Soomaali Ka Door Bidday Oo Dooratay….Dadka Puntland Nasiibdarro Ayaa Haysata Kaga Imanaysa Ninkan Iyo Koox Uu Ku Haysto Garoowe….Inta Aysan Burbur Gaarin Dadka Reer Puntland Ha Soo Ceshadaan Sharaftooda iyo Awooddoodii Siyaasadeed Ay Ku Lahaayeen Soomaalida Dhexdeeda …

  3. Puntland.
    Shacab waliba madaxda ku haboon bay helaan.
    Deni,Faroole Aaran Jaan, ( koox mafia ah )Abwaan iyo rag kale oo ay haboonayd in aysan noqon maamulayaasga Puntland,ayaa fagaaraha siyaasda Puntland ka mooqda,waaba guul darada haysata Puntland.
    Musumaasuqa,sicir bararka,qiima dhaca shilling Soomaaliga oo uun hatan lago baraarugay,shaki kuma jiro in aysan xal u helayn dhibaatada shillinga Soomaaliga haysata,runta na rabaan in ay sheegaan.
    Xitaa dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku guuldaraystay xalinta in shillinga Soomaaliga uu noqdo mid si sax u shaqeeya.
    Marka war umadda runta u sheega,in ciddii uun Dollar helikarta uun baa wax iibsano aan gaajoonayaan,iyo in bal sidii Soomaali oo dal qura ah arintan u xalin lahayd.
    Puntland guul iyo Soomaaliya guud ahaan.

  4. Hadii madaxdiini in gabeen Ma iska habaartamaysaan??????. Puntland habaar ma qabto waayo kuwa habartamaya ayaga iyo maatatoodu puntland ayaa guudisa. Waxaa inii fiican in aad habaartaan hogaamiyaashiin ah moryaanta ee dhan walba idinka mooraduugay. Ayaga ayuu habaarkiinu qabanayaa ee habaara.

    Hilaac

    wixii juri jirey Miyaa jura kkkkkkk. Sikast ee astaan been ah u qaadatid waxaa tahay waa JURA waan jurin.

    Bilaash ayaad isu daalinaysaa ee ogoow in fiqi tolkiis ka jana tagin.

    Inta aan ogahay wali lama hayo shaqsi dhulbahante ah ee soo booqday webkaan. Kuwa badan oo adiga kaa horeeyey ayaa ku xiiqay iska yeelka dhulbahante. Saxiib ama jur ama ha jurin waa lagu jursiinayaa waxaa tahay. Ama idoor ahaw ama fiqi jini ahaw ama HG ahaw …. IT doesn’t matter to anyone here. Just feel free to be yourself. No one cares even if you are a fatherless fellow. Your opinion would still be valued to say the least.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*