VIDEO: Sheekh Maxamed Godane oo soo hadlay digniina u diray madaxda & shacabka Soomaalida.

Puntlandtimes (Garoowe)-Sanadihii ugu dambeeyey waxaa soo badanayey dalalka caalamka ee joojinaya xoolihii ay ka soo dhoofsan jireen dekedaha Soomaaliya, iyagoona u nisbeeyey caafimaad xumida xoolaha Soomaalida haba ugu badnaadeen dalalka Khaliijku.

Haddaba Sheekh Maxmamed Godane oo kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa aaminsan in sababta loo diidey xoolaha Soomaalidu ay tahay nabsi ay ka galeen xoolohooda.

Sheekh Maxamed Godane Xaashi wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay dayeceen xoolihooda kadibna nasigoodii uu haleeyey lagana dacweeyey dar’alle, isagoo tusaale u soo qaatay xoolaha la dhoofinayo oo dhibaato xoogan la kulma.

DAAWO

1 Comment

  1. Soomaaliyeeeey waxaa tihiin jaahiliin ka arradan ilbaxnimada oo wali ku dheggan casrigii awoowayaal iyo boqollaal sanoo tegey
    Laakiin: dhaqanxumida Iimaan la aanta. Dilka iyo boobka iyo in waddammo qayrkeena aan gacmaha u hoorsanno ama u qaxno baan ku fiicannahay oo aad u jecelnahay
    Caalamka waddamada hilibka iyo caaanaha iibgeeya ma dhoofiyaan xoolaha oo nool ee. Xoolaha waddankoodaa lagu qalaa markaasaa hilibkooda oo baakadaysan ama bacaysan loo dhoofiyaa waddamadii rabey
    Saasaana 100% sahlan. Qiima badan oo xoolahana u fiican intii la silcin lahaa oo la saxariirin lahaa xoolaha. Taa waxaa sii dheer waddanka gudihiisaa dadku shaqo ka helayaan
    War ilbaxa oo barta sida waddamada xoolaha lihi hilibka u dhoofiyaan mooryaanyahay yaqaannaa kaliya ku tuuroo ka rido
    War xitaa waxaa la sameeyey xoolihii soomaalidaa inta la gurtay carabtii waxay ku dhaqdaan saxaraagooda markaasanayba u baahnayn ari iyo geel nool oo looga keeno Somalia
    Maanta xoolihii soomaaliya waxad ka helaysaa Amerika iyo Australia. Reer ba aaw yaa kuleh!!! Soomaali!!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*