VIDEO: Wasiir Dubbe,”Jabuuti waxa ay la safatay Kenya, warka guddiga xaqiiqo raadintuna waa mid hal dhinac ah”.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddigii xaqiiqo raadinta ee loo xil saaray arrimaha khilaafka Soomaaliya & Kenya iyo xaaladaha kajira xaduudka labada dal ay ka been sheegeen halka uu salka ku haayo khilaafka soomaaliya & Kenya.

Guddiga xaqiiqo raadinta oo ka kooban 7 xubnood oo ka kala socda urur goboleedka IGAD & lix Xubnood oo ka socda dowladda Jabuuti ayaa IGAD waxaa ay u xilsaartay in lagu ogaado xaaladaha kajira xaduudka Soomaaliya & Kenya ee dhinaca gobolka Gedo ee sababay khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya & Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa sheegay in guddiga ay noqdeen kuwo hal dhinac ah oo gudbiyay hadalo ay kasoo xigteen Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, kaas oo dowladda Soomaaliya ku noqday amakaag, isaga oo guddiga ku eedeeyay inay dhowr jeer ku laab laabteen Kenya, isla markaana ay diideen in la geeyo degmada Beled-Xaawo.

Wasiir Cismaan Dubbe oo shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyay qodobada ay guddiga xaqiiqo raadinta ahaa gudbiyeen, isaga oo sheegay inay ahaayeen kuwo ay kasoo xigteen hal dhinac, waxaana kamid ah.

1: In tabashooyinkii ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay Kenya ay dhamaantood yihiin kuwo aan waxba  kajirin.

2: In ku xadgudubka diyaaradaha Kenya ee hawada Soomaaliya ay Soomaaliya ku sheegeen inay qaldan tahay oo aysan u kala saarin diyaaradaha Xamuulka qaada & kuwa rakaabka caadiga ah.

3: In Ciidamada Kenya aysan kusoo xadgudbin dhulka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca xaduudka, iyada oo la ogyahay in Ciidamo Kenyan ah oo ka tirsan AMISOM inay joogaan Gudaha Soomaaliya.

4: In arrinta khilaafka keentay ee xiriirka loogu jaray Kenya  uu salka ku haayo arrin hore oo ka dhaxeeysay Soomaaliya & Kenya.

5: in Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ka bixin degaano muhiim ah, sida Faxfaxhduun, Buusaar iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Gedo dad Soomaaliyeedna lagu dhibaateeyay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Wasiirka in dowladda Soomaaliya ay aad u soo dhaweeysay markii guddiga la sameeyay balse qodobada iy natiijada ay soo saareen aysan ku qanacsaneyn, isla markaana ay ku noqotay fajac iyo amakaag.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ma shaacin Go’aanka ay dowladda Soomaaliya qaadan doonto maadama aysan ku qancin Go’aanka Guddiga, isaga oo sheegay inay rajo ka qabaan inay guddiga iyo dowladda Jabuuti raali-gelin bixin doonaan.

16 Comments

  1. Horaa loo yiri, Gari laba nin kama wada qoshasiisa!

    Kenya ciidankeedu waxaay joogaan Kismaayo oo ahayd, caasimaddii sadexaad ee Soomaaliya oo Xudduudka Kenya u jirta 240km. Marka, maxaay tahay sababta loo leeyahay Belad-Xaawo oo xadka ku taala ayaa laga difaacayaa?!

    Ka waran haddii uu nin gurigaaga idim la’aan soo galo oo uu qolkaaga jiifka dhex fariisto oo aad iridka hore Bur la fariisato oo aad tiraado, ninkan ayaan gurigeeyga ka difaacayaa?!

    Xaalka N&N soow sidaa kama dhigno?! Tan kale, farmaajo haddii uu Jabuuti oo uu Diyaarad ku kor marayey markii uu Afawarki oo aay col yihiin la nuxnux lahaa u eexadho ka sugu, soow caqli foorara ma aha?!

    War Kenya isma haaysaane wixiina caddeysta, Axmed Madoobe ayaad is haaysaan, dunidana ma qaldi kartaane!

    Yaa loo raacanayaa maanta, dadkii carruur iyo Cirroolaba lahaa ee inta aan ogahay 100ka qof gaaray ee shalay Beled-Xaawo ku dhintay? Maxaayse ku dhinteen?!!!!!

  2. Hhhhhhh, tani waa la filanayey waayo siyaad xumida farmaajo ayaa ka masuul ah. Farmaajo waxuu xulufeysi ka dhigtey Eritrea Eritrea na dhul net ka heysataa Djibouti, Djibouti French boot camp na hadey aarsatey. Farmaajo waxuu iska horkeeney dadka walaalaha ah ee dega Gedo waana wax taariikhada galaya. Xaqiiqda marka laga hadlo sababta farmaajo ciidamada u geeyay waxuu rabaa inuu Jubbaland burburiyo kuna weraro laakiin waxuusan ogeyn jubba hoose iyo jubbada dhexe ma’aha Gedo waxaa jooga ciidan kabadan 10 kun oo hubeysan iyo waliba dadka deeganka lagu darey

  3. Maantana Jabuuti miyaa?!

    Marka laga yimaaddo NIICDAN kolba loo soo dhiibayo odaygan Habar Jeclee madaxa diiran ee soo shaqo tagay, aniga aragtidayda, la yaab maleh warbixinta ay soo saartay Jabuuti! Dhinaca kale, way caddahay in warbixintu hal dhinac tahay oo ay SIYAASADAYSAN TAHAY; hadaba, su’aashu waxa weeyaan maxay sidaasi ku dhacday?

    Jabuuti ma waxay ka dibaakhtamaysaa FUDAYDKII Farmaajo u geeyey Afawerkiga Ereteriya, ee uu ku taageeray in cunaqabataynta hubka laga qaado, isaga oo og in Ereteriya ay ku duushay Jabuuti oo ay waliba dhul iyo ciidanba ka qabsatay? Maxaad marka ka filan kartaa ninkii aad shalay sidaas u gashay? Nin masuul ah FUDAYDKA iyo DUUL-DUULKA waa looga fiican yahay.

    Midda kale ee aan u arko in doodda Soomaaliya ee ku wajahan Kenya aanan wax weynba looga soo qaadayn, waa ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ee aad waddankaagii u oggolaatay in ay NABAD ILAALIYAAL kaaga noqdaan. Kenyaa igu soo duushay marka aad tiraahdo waxa markiiba dadka indhahoodu qabanayaan AMISOM. Intaa waxaa dheer, ciidamada aad leedahay waan is haynaa oo waa fallaago saw kama tirsana maamulka Jubaland ee aad adigu aqoonsatay? Waxa aan u malaynayaa in aynu ciyaarayno; wax weyn baa innaga khaldan.

    Waxa aan weli xasuustaa hadal uu mar la waraysanayey yiri, nin hore u soo noqday madaxa sirdoonka Soomaaliya, waa Sanbalooshe. Waxa uu yiri, isaga oo ka galgalanaya nin uu saaxiibadii Itoobiya u dhiibay, “Farmaajo iyo cidkale oo sharafta Soomaaliya ilaalin kadhaahi majidho inta dadka Soomaaliyeed sidan u dhaqmayaan ee ay tobanka calan taagteen.” Inkasta oo uu isagu ku qarinayey u dhiibataanka waddan CADAW ah shakhsi Soomaaliyeed iyo in uu ahaa DOUBLE AGENT, haddana waxa uu ahaa hadal xaqiiq ah.

    Gunaanadkii, Soomaalidu inta aysidan u dhaqmayso ee midiba calan taagtay, ee kaaga darane kii madaxweyne laga dhigtaa uu hawtul hamagyahay, Kenyaad sheegaysaaye cid walbaa hunguraynaysa oo dhaxal wareejinaysa.

  4. Meeshan weriyayaal ma joogaan, ninkan ku celcelinaya walaalaheen Djibouti, maxay u weydiin waayeen in iyagu Ereteria Ereteria walaal ka dhigteen oo Abiya/Farmaajo/ Afewerqi access samaysteen. He left Djibouti in the dark alone.

    • Kkkkkkkk, Djibouti xaartoy ama Djibouti French boot camp awalba soomaliya qalalaso ayey ka wadey…laakiin WAXAA KA daran farmaajo xaare intuu u dacwoodey IGAD hadana ogolaadey iney Djibouti French boot camp noqdaan hogaalka barista arinkan waana caqli xumida guracan iyo siyaasada foosha xun ee uu farmaajo wato.

  5. Hadii beentaadii la soo Afjaray ma xanaaqeeysaa Farmaajo waxa dagaal ku qaaday maamulka jubiland isgoo si sharci daro iyo foowdo ah gobolka Gedo uga goosey jubiland dagaalkuna wuxuu u dhexeeyaa waa ciidamada dowlada Somalia Kenya wax shuqul ah kuma laha

  6. Farmaajo waakan weli Aamusan eenan jixinjixeyn ee soo fadhiya uune tollow muxuu isku haleynayaa?

    Meeshan iney khiyaamo ku duugan tahay oo wakhti korodhsi jiro ayaa tuhun weyni iga hayaa.

    Marmarbey wax ii yara muuqdaane, tollow yaa ka heshiisay?

  7. Zoomalia sidii Neef Gawracan marka Gidaar haysku Qaadeen Xaalkoodu wuxuu marayaa YAQYAQSI ceeb Aduun iyo Faashil dhibac walba ayay dhex Maquuratay Tii Zoomalia,
    War ileyn Ceeb looma dhinto.
    Jabuuti waa kii shalay Neef Armaajo ka hiiliyey.
    Kenya waa cadow kala badh koonfuur way haysataa bal labadaa halays qabadsiiyo kkkkk.
    Jaadka kenya waa mabnuuc laakiiin ka AMXAARKA waa caadi kkkk
    Waxaasaa caamadu dowlad ku sheegayaa oo u guulwadaynayaan.
    Jaadka jen

  8. Ina cumar geele nin sameeyay
    4.5 marka waan ognahay
    Ninkaas nacaska oo
    Aan aqoon walaalnimo
    Shirarkii laguqabtay
    Jabuuti waxa miro dhal
    Ah malahay lacagno wuu
    Kuqaatay waxaa uu ogyahay
    Ina ismaciil gale in
    Somalidu taqaano ninka
    Uu yahay…
    GAbAY UU TIRIYAY
    Nin somali ah ayaa ahaa
    Sidatan

    Tixda gabay ina cabiyow
    Tulucba waameele turanturo
    Mahuro ruur hadaan tubo
    Laqaadsiine talaalayda iyo
    Qalaylada aad tabatay
    Waayaabe nin tiiranyadii
    Hore qabay ood turuqday
    Boogtiiye oday talada
    Lamadhaafiyee igatawiil
    Qaato durbo lamatiladsado
    Hadaad toogo ladahaye
    ………………….
    Ina geele anagoo og waxa
    Uu yahay wali waan
    Sugaynaa inuu apologies
    Dhiibo
    Somalia guul guul guul

  9. Kkkk Maalintii ay tageen ayaan idiin sheegay in aanay tegin meelihii tuugadu degenaayeen.
    Waxaa la dejiyay hotel Mandera ku yaal.Kenyana waxay u sheegtay in aanay amaankooda qaadi karayn diyaarad bayna kusoo noqdeen.
    Su’aashu waxay tahay ciidanka Somaliya meelna kama joogaan ma cirkay ka yimaadeen?
    Hadda waa laga adkaaday xagay aadeen?
    Maxaxmed Cabdi Kaliil Mandera hospital ayuu yaal isaga 49 kale halkaas ma Somaliyaa?

  10. Bal masiibada Soomaalida ka haysata dhinaca damiirka Soomaalinimada waxaad eegtaa ama fiirisaa inta badan ee Comments sameeyey arrintaan ma Soomaali baa mase waa Kenyaati???
    Dowladda Soomaaliya uu Madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay difaacayso waa dantiina,danta Ummadda Soomaaliyeed, mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed, Maxbanaanida,Qarannimada, Midninada, Karaamada iyo Sharafta Ummadda Soomaaliyeed.
    Mar haddii aad intaas garan weydeen waxaa hubaal ah oo aan shaki ku jirin >>>> Soomaaliya Dhul baa jira, Laakiin Dad Ma jiro. Hadda ka hor baa shaqdiyaad Mareykan ah baa mar ay ka hadlayeen dhibaatada Soomaaliya haysata waxaay tiraahdeen ” Somalia There’s no Good Guys”
    Bulshadana haddii inta xun ay bataan,waddanku wuxuu noqonayaa mid Rajo beel ah,islamarkaana Ummado kale oo cadow ah islamarkaana aan dooneyn in Soomaaliya yeelato Dowladnimo Micna leh inuu u gacan galo.
    Jebouti iney sidass u dhaqanto waxaa saameyn weyn ku lrh Dad sheeganaya iney Soomaali yihiin, waana kuwa had iyo jeer difaaca u ah Kenya,taas wax shaki ah kuma jiro.
    Laakiin waxaan Aaminsanahay iney Soomaaliya ku guuleysan doonto dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliya,inta xun looma joojinayo.

  11. @@@@@ Hanuuniye.

    Haddii aay Kenya Weftigii IGAD marin habaabisey, aayna ku qanceen marin habaabinteedii oo aay wax u sheegeen sidii aay iyadu rabtey, Adeerkaa ismaqiiqe soow siyaasad tiisa ka sarreeysa la lama cayaarin?!

    Ciidanka aad leedahay Soomaaliya ma joogaane xagee bay ku noolyihiin. Waa ciidan uu leeyahay maamulka Jubaland, waxaayna joogaan. Laga billaabo Ceelwaaq oo Gedo ah, illaa iyo Kismaayo iyo Raadkaamboni.

    Haddiise aan su’aal ku weeydiiyo. Beled-Xaawo dhib ka weyn Kaliilka aad dhaawaciisu u dabbaal dageeyso ayaa ka dhacay oo 100 qof oo Mareexaan ah oo aay ku jiraan carruurta aad isku jifada tihiin ayaa ku dhintaye, maxaad guul gaarteen adiga iyo ina adeerkaaga aay 10 cisho u hartey?!

    Aan runta kuu sheegee, Beled-Xaawo hal Askeri oo Kenyan ahna Xagtin kuma gaarin, Soomaalida kale ee ku dhimatayna waxaay ka yihiin 20% 100 qofka ee meesha ku dhimatay, oo 80% dadkaasi waa Mareexaan!

    Marka, maxaad faa’iideen adiyo Famaajo?!
    Kismaayo maydaan qabsan! Mareexaan Dekano ayaad dhex dhigteen! Kenya Xeebta Kismaayo ayaay Askarteedu ku damaashaadaan oo inta aay AMISOM joogto meelna uma socoto! Nacaybkan aad Kenya u muujiseen Soomaali idin kuma raacsana oo waa idinku kali! Waqtigii Farmaajo waa dhammaad! Abi Axmed tiisi baa haaysata oo talo ma hayo!

    Ilaahow Jiir iga dhig xaalkiinu soow ma aha?! Kkkk

  12. @A.A.Xade waxaad tahay nin meel hoose ka hadlaya meeshiina waan kula fahmay.
    Anigu waqti kuma bixiyo Hindi Somali sheegatay(Warsangali)
    qaarkiis.Intaba badan wax aadan war u hayn ayaad qortaa.
    Been waad ku sheegtay 100 ma dhiman,balse waad ku farxaysaa.
    Dhulka I Aadan kala aqoon ayay cadayn u tahay ciidan Ceelwaaq weerer kasoo qaadi karaa ma jiro aad bay u kala fog yihiin.
    Cadaawadda aad sheegaysaa ma dahmin,dabadhilifnimo ayaa kaa muuqata kuwii kaa IIMAAN laaweysnaa ayaa ka hari raba.
    Oo Kismaayo sow hadda ma joogno war dhaqan rag yeelo.
    Reer in baad ka hadashaa.Haddii ankee beentaadii la qabtay maba xishoonaysid.
    BELO KUGU DHACDAY.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*