Wararkii ugu dambeeyey ee Laascaanood, dad loo qabtay qaraxyadii xalay & Somaliland oo hanjabaad u dirtay shacabka.

Puntlandtimes (Laascaanood)-Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa degan kadib markii habeenimadii xalay dad aan haybtooda la garanayn ay bambaanooyin ku weerareen xarumaha diiwaangeliyayaasha cod bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ee magaaladaasi.

Ciidanka ammaanka Somaliland oo saacadihii ugu dambeeyey howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo ka sameeyey magaalada Laascaanood ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin falalka ammaan xumo ee magaalada Laascaanood oo ay xukuumadda Somaliland ka arrimisa ilaa 2007.

Mas’uul katirsan maamulka gobolka Sool ee Somaliland oo hadlay ayaa waxa uu sheegay inay yaqaaniin shaqsiyaadka doonaya inay carqaladeeyaan diiwaangelinta doorashooyinka Somaliland ee gobolkaasi ayna qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad ah oo ammaanka lagu xaqiijinayo sida uu hadalka u dhigay.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka golaha deegaanka iyo wakiilada Somaliland ay gaarsiin doonto dhammaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana digniino ka soo baxayaan maamulada Puntland ee goboladaasi iyo saraakiisha ciidamada.

3 Comments

    • Ma dan shaqsi baa muhiim ah mise sharafta iyo dadnimadada ayaa muhiim ah.
      Reer soolow meel ku cadaada. Reer waqoyi waxay ku adag yihiin ooni u goosanimo. ogow wax sidaas loo adkay waa qadiyad qabiil.
      Ma ah lugta jecli lega jecli.

  1. Ma dan shaqsi baa muhiim ah mise sharafta iyo dadnimadada ayaa muhiim ah.
    Reer soolow meel ku cadaada. Reer waqoyi waxay ku adag yihiin ooni u goosanimo. ogow wax sidaas loo adkay waa qadiyad qabiil.
    Ma ah lugta jecli lega jecli.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*