Wasiir katirsanaa Puntland oo xaalad caafimaad loogu qaaday Hargaysa ayaa ku geeriyoodey Burco.

Puntlandtimes (Burco)-Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee wasaaradda beeraha iyo waraabka Puntland Cabdi Ismaaciil Boos ayaa saakay oo Arbaco ku geeriyooday Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland.

Warar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Marxuum Cabdi Ismaaciil uu maalmihii dambe xanuun haayay, waxaana xalay xaalad Caafimaad darteed looga qaaday Magaalada Garoowe iyadoona loo wadey dhanka magaalada Hargaysa.

Qaar kamid ah eheladiisa ayaa Wasiirkii hore Beeraha iyo Waraabka Puntland u qaaday Magaalada Hargeysa, hayeeshee intii dhex lasii waday ayuu ku geeriyooday Magaalada Burco, sida ay xaqiijiyeen dad ka agdhaw marxuumka.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdi Ismaaciil Boos ayaa Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka dowlad Goboleedka Puntland uu ahaa 2014-2015, isla markaana waxaa xusid mudan inuu soo mar soo noqday Guddoomiyihii hore ee Bangiga Puntland.

5 Comments

  1. Allah haw naxariisto wasiirka geeriyooday isagoo dhakhtar Hargeisa loo qaadaay….Lkn wxn layaabay Budhlayn oo inta Somaliland jirtay waxba ka yarayn, in nin wasiir soo maray xaalaad caafimaad loogu qaadaay Hargeisa.

    Bidhlayn miyabaay dhakhtaro lahayn…faaan & faatabaakh inaaa meeelna lagu gaadhaayn waa horaan ogaa!

    Guul Somaliland!

  2. Warqabe iyo Ibrahim

    Saaxibyaal geeri dusheeda laguma dhaanteeyo. Waxaas u dhaafa Ina Illey iyo Cawaantuu xukumi jirey.

    Puntland si kale iyo meelo kale ku karbaasha. Laakiinse kolka ay geeriyi taalo, meytida iyo qaraabada murugesanba waa laga xishoodaa.

  3. WALAALKEEN CABDI ISMAACIIL BOOS ALLAHA U NAXARIISTO WUXUU AHAA NIN AAD U WANAAGSAN,U NAXARIISTA SHAQAALAHA LA SHAQEEYA IYO DADKA UU SHAQO DHEXMARTA DHAMMAANTOOD.
    انا لله و انا اليه راجعون. اللهم ارحمه ووسع منزله وجعل الجنة مثواه. أمين

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*