XOG: Maxaa lagu haystaa 4 weriye oo maanta ciidanka Somaliland xabsiga u taxaabeen.

Puntlandtimes (Boorama)-Ciidanka ammaanka ee maamulka Soomaaliland ee ka howlgalla Magaalada Boorama ayaa maanta xiray Afar Wariye oo kamid ah suxufiyiinta ka howlgala magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

Sida uu Puntlandtimes u xaqiijiyey weriye ku sugan magaalada Boorama ciidanka ammaanka ayaa xiray weriyayaasha kala ah, Axmed Diiriye Ciiltire, Xuseen Caateeye, Shucayb Maxamed Kaahin iyo Cabdillaahi Daahir Wacays, waxaana la sheegay inuu xarigooda amray duqa magaalada Boorama.

Guddoomiyaha Magaalada Boorama Saleemaan Xasan Xaadi ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey xariga weriyayaasha kadib markii ay baahiyeen warbixino ku saabsan falal musuq maasuq oo uu ka galay degmada iyo lunsashada hanti dadweynaha ka dhexaysa.

Mudane Saleebaan Xasan Xaadi, ayaa la sheegay inuu siweyn uga caro0day warbixin ku saabsan inuu u cararay dhanka dalka Jabuuti kadib markii lagu soo oogey falal musuq maasuq oo uu ku helay xafiiska hanti-dhowrka guud ee Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*