Xubno katirsan mas’uuliyiinta gobolka Gedo oo qarax lagu diley & iyo faahfaahin ka soo baxaysa.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa agagaarka Warshadda Barafka Jidka 30-ka ee degaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho lagula eegtay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degaankaas.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa Miino ay ku dhinteen Guddoomiye ku xigeenkii amniga ee maamulka Garasbaaleey Cali Macalin Maxamed ( Cali Yare) iyo guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada degaankaas Cabdirashiid Dubad iyo Darawalkii Gaariga ku waday.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay jiraan dad kale oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu qaraxa kasoo gaaray, kuwaas oo gaariga saarnaa kuwana ay wadada marayeen.

Guddoomiyihii Dhalinyarada degaanka Garasbaaleey ee qaraxa ku dhintay ee lagu Magacaabi jiray Cabdirashiid Dubad ayaa kamid ahaan jiray weriyaasha Muqdisho kuwa ugu firfircoon, waxaana uu ka Shaqeeyay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho.

9 Comments

  1. Kkkk Wariyaashii Cali Mahdi iga dheh.
    Garbaaley vs Garbaharey
    CEEB.COM
    Waa fudeydka Somalida dilooday ee dalkaan 30 sanno u dhaqaaqi la yahay.
    HILIBKA HALA ISKA YAREEYO.
    MALAYGANA FOOLXUMO AYUU KEENAA.

  2. Kkkkkk ninka webkaan wax ku qora Faarax gayllan ayaa la dhahnaa waa nin la soo habaaray oo reer puntland ah deegaankiisa ayaa laga soonacay oo xitaa shaqo looga diiday waa ninkaas aad arkaysaan waa qof aan waxbo lagu aamini Karin puntland ayuu ku kacsanyahay sababtuna waa maxaa shaqo la iisiinwaayey kkkkk oo waxa noocaan ah oo xita aan kala garanaynin gedo iyo xamar yaa wax ku aaminayo kkkkkk maanta ceebtiisa ayaa ilaahay bannaanka keenay, waa in loogaraabo ninkaan hadda ka dib waayo waa shaqsi eber ah kkkkkkkkk soomaali waa baratay ninkaan kkkkkk

  3. asc dhamaantiin soomali oo dhan usoo duceeya ninkaan qofka waxaa dila wad dhan kasta ha kuu soo maro iyo laakiin shaqsigaan qora puntlandtims waa nin wadku cuqdad u dheertahay haloo soo duceeyo garasbaaleey kkkkkkk gado wuu kala garan la yahay taadina waa CUQDADII uu qabay oo wadka ka soo horaysa kkkkkkkkk

  4. Marka aqristuhu arko warka madaxiisa wuu soo jiidanayaa asoo doonaya wuxuu kor ku arkay oo kooban, balse sida……. Masuuliyeen Gobolka Gedo oo laqarxiyey gaarigii ay saaraayeen. Kadibna Garasbaaleey ! Sidaa daraadeed Tafatiraha waxaa u wanaagsan in geographical position ka in uu garano, hadii kale aqristayaasha warkiisa wey ku wareerayaan, kadibna waxay go’aan sananyaan inay warkiisa aanay aqrisan, taasuu kuweynayo wax aqrista wararkiisa. Faarax Geylan. Adiga dad kuuma aha iney kaa wareegaan aqristayaasha bogaaga ku xiran. Dadaal samee.waan ogahay in dadaal kusoo gaaray heerkan, balse xoogaa Oo tafatir warka aad baahinaysidoo. Gedo waa Gobol aad uga fog caasmida soomaliya, meesha ay wax kadheceena waa Garasbaaleey oo katirsan ogaantey muqdisho degmada Dayniile. Masaafa ahaana wax kayar 12 km cabirka muqdisho kasoo bilowda oo degaanada soomaliya lagu cabiray inta km ay ujiraan magaala madaxdeena.

  5. Caadi iska dhiga akhyaarta. Qoraagu marar qaar xarfaha uu qor is leeyahay ayaa ka qaldami kara oo maadaa aay Garasbaaleey iyo Gedo isku xaraf ka billaawdaan, waa caadi in la isku qaldo.

    Halhan ayaan haddeer ku arkaa qaar idinka mid ah oo qoraaga dhaliilaya oo GEDO u qorayo (GADO=iibso) kkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*