DAAWO-Doorashooyinka 2021 ka kala dhacaya Somaliland & Soomaaliya inteeda kale & midowgii 1960.

Soomaliya, mar ayay ahayd wadanka ugu dimuquraadiyada wanaagsan ee Afrika, xilina waxay ahayd dal ay xukunkiisa la waregeen Askar hubeysan, Dimuquraadiyad curdan ahayd iyo Dastuurkana la laalay, Haddana 30 sanno ku dhawaad malehyn dawlad sharci ah, Sanooyin badan wxay soo martay KMG xukuumad ah, 8dii sano ee na weydaartayna waxay ahayd Dawladd aan wali Hay’adaheedu laheyn awooda u dambeysa, xili kastana waxaa bilowda 4tii sanaba mar is qabqabsi xagga Xukunka iyo doorashooyinka ah oo halis weyn galiya daganaanshaha iskaba yar marar badan.

Hadda kama hadlayno taariikhaha aan soo sheegnay, waxaanse is dhex tagaynaa labo xaqiiqo oo ka kala jirta gudaha Soomaaliya-dii Midowday 1960-kii, Dhinac waa Doorashooyin ugu yaraan cadaalad, sinaan, tartan xor ah kamuuqato iyo Doorashooyin 4tii sanaba muran iyo qeylo halis badan leh ku jira, waana Is barbardhiga Dorashooyinka hadda loo madlan yahay ee Koonfurta Soomaaliya & Waqooyiga (Somaliland).

Koonfurta dalka, waxay gaartay xaraarada ama kulka ka dhashay Doorashooyinka 2021-ka, arrintooda meel halis badan, Siyaasiinta qaarkood waxay ku celiyeen halkii burburka kasoo bilowday ee 1991-dii, Hadaladooda ayaa lahaa ficilo waa weyn oo abuuri karay kala qeybin bulsho iyo Dhawaaqaha Reeraha oo aan Soomaaliya waqtigan dan ugu jirin.

Koonfurta Soomaaliya, 4tii Sanna-ba marka ay dhamaan rabto mudo xileedka Xukuumadda xiligaasna, waxaa la gala Dabeylo siyaasadeed, hardankuna wuxuu u dhaxeeyaa cida kursiga fadhida xiligaas iyo kooxda banaan jooga ah, ma jirto siyaasad iyo ajende dadweyne loogu adeegayo, balse waxaa jira Shabakado iyo Isbaheysiyo yoolkoodu yahay oo kaliya Kursiga & Ka sameynta dhaqaale.

Soomaaliland, jamhuuriyada aan aqoonsiga caalamiga ahi haysan, gooni istaagana uga dhaqaaqday soomalia sanadkii 1991, ayaa doorasho u dareeraysa sanadkan.

 

Farah Abdikadir Mohamed

Farah@puntlandtimes.ca

Official Facebook Page

 

7 Comments

  1. The election in Somaliland is election dominated by one tribe Ishaq had already liberated its land and it is easy for ISHAQ TRIBES TO HELD ELECTION they are some part of Somaliland not under the Ishaq administration Dhulabhante and Warsangle never will be part of ISHAQ administration although Lascanood is now under the Ishaq administration it will never be part of Ishaq administration we do not mined if Ishaq does not want to be part Somalia that are there choose not they can not force DHULABHANTE AND WARSANGLE TO BE PART OF ISHAQ DOMINATION AND OPPRESSION TIME WILL TALE THEREFORE THE ELECTION HELD IS SOMALILAND IS ELECTION FOR ISHAQ TRIBES THEREFORE DO NOT COMPARE WITH SOMALIA Similiar the election will be healed in PUTLAND willbe tribe election it will be DAAROD election

    • Isaaq hadi ka mid noqdaan Somalia nidaamka hal cod iyo hal qof dalka qaato anaga Puntland ahaan ma ino wanaagsano maxa yeelay Hawiye,Isaaq, Raxanweyn ayaa qeybsanahaya awooda dalka hadi tirada dadka la fiirsho. Somaliland goosashadeeda aanaga faydo ayaa inookub jirta maxa yeelay codka Puntland/Jubbaland waa la tartami kara Hawiye.

  2. Farax faaruq DUF KU BAX maxaa tiri? [Soomaaliland, jamhuuriyada aan aqoonsiga caalamiga ahi haysan, gooni istaagana uga dhaqaaqday soomalia sanadkii 1991,] hhhhhh xagee eyduur dabo cayuun jamhuuriyad ku noqdeen hhhhhh. Ayagana ma weey kugu shubteen sida farmaajo? Wax jamhuriyad somaliland la dhoho ma jirto riyada ka toos mr faaruq.

    • Boowe cayda ma wanaagana, xaasidnimadana ma wanaagana.

      Somaliland Jamhuuriyad jirto waaye maanta, sanadkan ayaa la aqoonsanahaya saa filahayo.

  3. Faarah, the Editor Thank you si yar oo kooban ayaad uga hadashey xaqiiqda ay kala joogaan labadii dal ee midoobay 1960 iminkana kala tegey mudo 30 sano kahor laba dalna kala noqday halkii 1960 ayay ku noqotay Oo ah Somalia iyo somaliland.
    Ogob xitaa magacii lagu midoobay ma ahayn Somalia ee wuxuu ahaa SOMALI Republic.
    Tafatiruhu wuu ka koray reero iyo qabiil bogiisa waxa ku xidhan Cidwalba aduunka dacalasiisa kala jooga waana nin si fiican u wata hawshiisa thank you mr Editor Farah.
    Kuwa xigdiga iyo taariikhda isleh been ka sheega naftooda ayay been ku maaweliyaan xaqiiqduse hortooda ayay taal.
    Kuwa cayramaya ama is leh cidbaad wax yeeli kartaan waxan kula talin lahaa inay si wanaagsan oo cilmiyeysan oo xaqiiq ku salaysan u doodaan.
    Somaliland waa dal madax banaan si xor ahna u doorta madaxweyne one man one vote mudo dheerna sidaa kusoo socotay inshalah doorashadan soo socotaa wadankoo dhan ayay ka dhacaysaa min looyacado ilaa Sanaag.
    Ninkii isagu isleh ka deji calanka ka babanaya min looyacado ilaa Sanaag banaanka hays keeno waxna yaanu la hadhin waxba yaan lakala gurin Reer somaliland waa mid will be for ever.

  4. Burco:- Maxaad ka ogtahay Warqaddii “SIR” Ee Uu Qoray taliyihii Qaybta 26-aad Ee Ciidanka Soomaaliya Gacan ku dhiigle Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan.
    markay taariikhdu ahayd 23-01-1987. Gen. Moorgan Warqaddan wuxuu u direy Madaxweynihii dalka Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre. Waa Warqaddii asalka ahayd. Waxaan idiin soo gudbinaynaa Warqaddan oo af Soomaali iyo af Ingiriisi ku qoran. Warqaddan qaybta Ingiriisiga ku qoran waxaa lagu turjumay magaalada London 27-04-1987.

    (1) WARQADII “SIR CULUS” EE GEN MOORGAN
    (2) THE “LETTER OF DEATH” BY GENERAL MORGAN

    “WARQADU HALKAN HOOSE AYEY KA BILAABMAYSAA”

    Jumhuriyadda Dim Soomaaliya Wasaaradda Gaashaandhiga Xarunta Taliyaha Qaybta 26aad

    TQB26/XKT/28-5/6/87 Taariikh: 23/01/87 S I R C U L U S

    WARBIXIN:

    Ku: Madaxweynaha J.D. Soomaaliya Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JDS. Ku: Wasiirka Wasaaraddd Arrimaha Gudaha JDS.

    Tixraac warbixintii aan soo gudbiney ee ku taariikheysneyd 17.01.87. ee ku saabsaneyd xaaladda Difaaca iyo Nabadgelyada ea Aagga Masuuliyadda Qaybta 26’aad.

    Xaaladda Gobollada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer Nabadgelyadoodu waa soo xumaatay, xabashidiina waxay ku tallaabsatay in Ciidamo ku soo kordhiso Aagga, iyada oo ujeedadu tahay in dagaal soo qaadaan qabsadaana dhul muhiim ah, sidii BALAN-BALLE iyo GALDOGOB, sidii horay aad uga dhadhamisay warbixintii hore Dagaalladii ay soo wada qaadeen waa ay ku guulaysan waayeen, waxaan ka dambaysay in aad sameynay falal Aargoosi ah oo saldhigyada Qurmista iyo xabashidu wada degan yihiin ah, looguna geeystay khasaare wadajir ah iyo baabi’ in Tuulooyin , waxaana ka mid ah

    Saldhigyada Qurmista oo kala ah: DIBIILE, RABSASO, RAMAALE,- iyo GARANUUGLE, falalkaaso oo dhamaantood fuIay habeenimo , Ciidunkuna Nabadqab ku soo laabtay, marka laga reebo dhaawacyo fudud. Dagaalladii ay Qurmistu soo qaadeen iyo khasaarihii loo geystay ayay hadda waxay bilaabeen “YAA REER ISAAQ AHEY”, iyaga oo doonaya inay Baandooga u tusaan Ciriirin iyo baabiin dadkooda, sidoo kale waxay dacaayad ku soo afuufeen dadweynaha ayagoo ka dhaadhicinaya dhawaan ayaan qabsanaynaa W/Galbeed iyo Togdheer, arrintaas waxaa sabab u ah oo Iaga qaran karaa hadallada lagu qloray darbiyada iyo Waraaqo lagu daadiyay Degmada Gabileey, Degmada Lughaya, Beesha Allaybaday, arrimahaasoo dhammi waxay astaan u yihiin laab la soo kac, xiisad salka ku haysa, Qabyaalad iyo Qurmisnimo. Waxay Reer-Reer isugu baaqeen in la soo ururiyo 2000/qof oo Qurmista ka qaybgasha laguna Tababaro AWAARE, ilaa hadda waxaa ku biiray 400/qof, sidoo kale Jabhadii FARAWEYNE oo ah SACAD-MUUSE, ka dib markii la qabtay Qarandumisyadii, waxay isu dhiibeen Xabashida iyo Qurmista, tirada isu dhiibtay waxay noqdeen 60/qof iyo Xiddiglahii Taliyaha ka ahaa, intii kalena waxay baqdin u galeen duurka; waxayna soo bilaabeen in ay dib ugu soo noqdaan Tuuladii. Jaalle Madaxweyne, Jaallayaal,

    waxaa noo muuqata haddii aan maanta xamlad lagu qaadin Jiritaanka Qurmis iyo Taageerayaashooda in ay waqti kale madaxa la soo kacayaan, maanta waxaan u haynaa daawadii ku habooneyd JERMIGA Qaranka Soomaliyeed ku jira , waxayna tahay: lyada oo laysu dheelitiro dadka maalqabeenka ah oo aan hadda, lsudheelitireyn. Guddiga Deegaanka oo noqday dad soocan oo laysu dheelitiro. Ardeyda Dugsiyada oo loo oggolaado in lagu barxo Ardeyda Qaxootiga ee degan Agagaarka Hargeysa. In lama degaan laga dhigo jiidda u dhaxeysa Ciidanka iyo Cadowga, taasoo ku imaanaysa baabin Baraagaha iyo Tuulooyinka ku teedsan jiidaas oo ay ku soo dhuuntaan. In laga xaaqo dadka C.Q. sida iyo Shaqaalaha ku jire ee yeelan kara tuhumo u adeegid Cadow, (arrintaas oo aan ku jirro Baaritaan iyo helid xog dhab ah, siiba kuwa haya meelaha xasaasiga ah.) Waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa Tilaabooyinkii qorsheysnaa wixii ka hirgalay, si aad ula socotaan: Gaadiidkii Dadweynaha ee nooca Basaska ah oo Tiradii hore uga socon jirtay oo dhameyd 337 Bus, kuwaas oo 2/3 lahaayeen dadka u dhashay reer qura (Sacad-Muuse) oo dibuhabayn lagu sameeyay, markil ay baaritaan ka dib cadaatay in ineyn badankoodu waafaqsaneyn hanaanka nabadgalyada, maadaama aaney sugneyn Dokumantiga mulkiyadda iyo kuwa loogu talagalay dhaqdhaqaaqa, isla markaana xogogaal loo noqday in marar qaarkood loo isticmaalo ku qaadista Muqaadaraadka ama ay rakaab ahaan u raacaan dad tuhmo leh, haseyeeshee la qariyo loona soo tebin Hay’adaha Nabadgelyada, iyadoo tirada Basaskaasi ay Si xad-dhaaf ah uga badneyd baahida magaalada waxaa la go’aamiyay laguna dhaqaaqay: In tirada Basaskaa ayna ka badnaan 80. In bas waliba loo sameeyo lambar sumad u ah (NUMERO SERIE) oo lagu aqoonsado. 1. Basaska si tiro miisaan ah loogu qaybiyo waaxaha magaalada, iyadoo mid waliba loo xaddadayo tubta socodka iyo barxadaha bilowga iyo dhamaadka socodka. Si cadaalad ah leysugu dheeli tiro mulkiyaasha Basaska, iyadoo mudnaanta la siinayo dadka ehelka u ah Kacaanka, lagana qaadayo fursadda inta siyaasiyan ka soo horjeedda. 2. Waxaa Dekedda Berbera lagala soo wareegay 6 Baabuur nooca 4-WD (RIDOOTO LEH)

    sidaas oo kale waxaa socota ururinta kuwa Magaalada, kuwaas oo dhawaan wixi wax ku ool noqda la saari doono hub, kuwa kalana loo isticmaali doono Gaadiidka Sahamada iyo Taliyayaasha Colalka jiidaha hore, waxaa inoo socda kala soocsoocidda Gaadiidka. 3. Waxaa tuhun taageero Qurmis lagu xiray 45/qof ee dadka Hargeysa deggan iyo 30 dadka Burco degan iyo 7 sarkaal, dadkaaa oo u badan ganacsato lyo maalqabeen iyo qaar ka mid ah nabadoonada waxay ku xiran yihiin Xabsiga Mandheera, waxaase la codsanayaa in deg-deg loogu wareejiyo xabsiyada Laanta Buur ama Xabsiyada Bari IWM, si loo xaqiijiyo xarigooda muddadan lagu Jiro dib u habeynta Xabsiyada oo dhaliilo badan ka jira amnigooda. 4. Waxaa dib loo abaabulay Jabhadda G.S. Galbeed, waxaana lagu xareeyey meel u dhow GEED-DEEBLE 300/qof, kuwaas oo dibuhabeyn ka dib lagu talo Jiro in la dejiyo dextaalada Guutooyinka iyo Ururada oo loo arko iney wax ka qaban karaan

    la dagaalanka Qurmista, isla markaana ay ka fulin karayaan falal dagaal ah marka loo baahdo. 5. Marba haddii ay sugnaatay in ISAAQU ay si ficil iyo niyadba ay ula jiraan SNM’ta, ayna noo muuqan iney ka tanaasulaan khadkoodii in muddo ahba ku male’awaali jireen si looga hortago waxaa kullamo isdabajoog ah iyo abaabul kicin iyo wacyigelin ku sameynay dadka kale ee kula nool Waqooyi, si loo adkeeyo midnimadooda uguna maro-xeetaan difaaca midnimada Soomaaliyeed, dadkaas waxa ka mid ah Reer Awdul, Soomali Galbeed Wajiyaddooda kala duwan, Reer Laas Qoray R e e r Daami IWM. Waxaa hubaal ah in isku duubnida dadkaasi ay dheeli tiridoonto miisaanka hadda u liicay dadka isaaqa ah, haddii ay si firfircooni lehna u howlgalaan waxaa hubaal ah in ay kibir jebin doonto dadka u haysta in ay Waqooyi leeyihiin, iyadoo xaqiiqdu ay si ka duwan tahay. khaladaadkii horay u dhacay oo la xariira kobcinta dhaqaale ee dadkii ka soo horjeeday Qaranka, fursadna loo siiyo kuwa ehelka u ah.

    Waxaan soo jeedineynaa in Ciidamada aan dhaliilsanahay ay soo diraan waftiyo ka socda . oo si deg deg ah wax uga qabta, sababto oo ah tallaabooyin aan qaadnay iyo kuwa aan qaadi doono (REACTION) u baahan in laga hortago mar haddii Hayadihii xogta ururineyey shaki ku Jiro, kuwana lagu hayo danbiyo cad, waxaa haboon in laga tabaabulsheysto inta ay goori goor tahay, ilaa hadda waxaan ku dulsoconnaa Quraarado jajab ah oo dhulka lagu daadiyay, si ay u xannibaan xawliga waxqabadka howsha, kuwaas oo u baahan xaaqid aan waxba kaga tegin dhulka, maahmaah baa oraneysa (WARAABOW SAANJIID IYO SANQARTIRO KALA REEB). Wixii tilmaan iyo tusaale ah ayaan kaa dhowreynaa.

    SAREEYE GUUTO TALIYARA QAYBTA 26’AAD EE WG Maxamad Saciid Xirsi (morgan) X/YARE/.

    DHAMAAD

    JAMHUURIYADDII WARQADDAAS REER SIYAAD ISKU DIREEN AYEY KU DHAMMAEY, EE WAX KALE MA HAYSAAN, MODH – NA SOO NOQON MAAYO EE SOOMAALAY KALA DANEUYSO.

  5. aniga oo daba socda nin afka ingiriiska halkan wax ku soo qoray somaliland ma aha isaaq dad kala duwan bay ka koobantahay laascaanood waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu bilicda iyo muuqaalka wanaagsan somaliland markii puntland ka talinaysay haliskuul oo secendry ma lahayn maantana dhowr jaamicadood bay leedahay waxay leedahay dhakhaatiirta uga tayada wanaagsan somaliland waxaa looga yimaadda puntland wxa mashaariic ka soctan malayn maysid ama qiyaas ma laha ammaan baa ka jirta kala danbayn baa ka jirta waa maagalo camiran maalin dhawyd oo aan socod ku tegay waan yaabay is beddelka balaadhan ee laga sameeyay 10 ka hor mar aan tegay waxay ayayd tuulo markaa wa wax illahay loogu mahad naqo horumarka ka socda laascaanood mid kale somaliland abiil ma laha waa dal la wada leeyahay cudada iyo xiqdiga ha la iska saaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*