Ciidanka Puntland iyo Alshababkii weerar xabsiga Boosaaso oo ku dagaalamay togga Laag & Deni oo gaarey Boosaaso.

Puntlandtimes (Boosaaso)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidanka Puntland iyo malayshiyaad katirsan ururka Alshabaab ku dhexmaray Togga Gaaca iyo deegaamo kale oo dhaca Koonfurta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa PSF ayaa waxa ay dagaal saaka kula galeen buuraleeyda ku hareeraysan Boosaaso malayshiyaad la rumaysan yahay inay ahaayeen kuwii xalay weerarka ku soo qaaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Saraakiil katirsan ciidank ayaaa sheegay inay dileen malayshiyaad katirsan raggii dagaalamayey iyo rag kale oo la rumaysan yahay inay qayb ka ahaayeen maxaabiis habeenimadii xalay lagala baxay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland oo siweyn uga carooday mas’uuliyad xumadii xalay ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa waxa uu gaarey magaalada Boosaaso, waxaana lafilayaa inuu la hadlo ciidanka Puntland ee ku sugan duleedka Boosaaso.

4 Comments

  1. Hadad Cadaw Ledahay oo markasta aad wada jogtan ama xudud ledihin mararka qarkod shilal & iska hor’imad wa dhacaya wana dhci jiray mar kasta guul lama helo mar wad guleysan marna wa laga guleysan sir & saq mid kasta ha ku timade,arinta ka dhacday xabsiga Boosaso waxay ka mit ahay dhacdoyinka iska cadiga ah.

  2. Puntland way ka adagtahay cadowgeeda waa hubaal in argagixisada ay dharbaaxo kulul ku dhici doonto.

  3. inta argagixiso fadhiyaan calmsikaad/calmadow ee xoolihii lagula dagaalamilahaana lala daba ordayo damaljadiid dadka waa la laynayaa
    dadka dalka xukuma bimacnaa kalima ehel uma aha dadka waxaad u maleysaa ina ay ajnamiyihiin side dugaag gurigaaga dayerkiisa jiifa u dhowran kartaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*