Dagaal ka dhacay duleedka Laascaanood oo sababay khasaare isugu jira dhimasho & dhaawac.

Puntlandtimes (LAASCAANOOD)-Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ugu yaraan hal ruux uu ku geeriyoodey in  ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Dadka goobta ku geeriyoodey ayaa waxaa ku jirey nin kamid ah odayaasha magaalada Laascaanood, waxaana sidoo kale goobtaasi ku dhaawacmay wiil uu dhalay, kadib markii uu dagaal dhexmaray laba malayshiyo oo dhul ku muran san duleedka magaaladaasi.

Ciidanka ammaanka maamulka Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa gaarey goobtii uu dagaalku ka dhacay waxaana la xaqiijiyey inay gacanta ku soo dhigeen qaar kamid ah malayshiyaadkii goobta ay dirirtu ku dhex martay.

Mid kamid ah saraakiisha ciidanka magaalada Laascaanood ayaa noo xaqiijiyey in muranka dhulku uu muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo badanayey magaalada isla markaana aysan aqbali doonin malayshiyaad dambe oo dhul ku dagaalama.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*