Joe Biden oo ku dhawaaqay go’aamo walaac xoogan ku abuuray saraakiisha Soomaalida

Soomaaliya ayaa si sii kordheysa uga walaacsan jiheyn cusub oo ka timid maamulka madaxweyne Biden ee Mareykanka, taasi oo ku aadan isticmaalka diyaaradaha drone-ka iyo duqeymaha ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa isbeddeladan u arka kuwa kooxda Al-Qacida ku xiran ee markii horeba dhiiri-gelinta haysata siin kara fursado badan oo ay ku holw-gasho, tan iyo markii Joe Biden noqday madaxweynaha Mareykanka 20-kii Janaayo, dowladda Mareykanka ayaan wax duqeymo ah la beegsan Al-Shabaab, kadib toddoba duqeyn oo ay fulisay 1-dii illaa 19-kii Janaayo ee sanadka 2021.

Saraakiil sare oo ka tirsan militiraga Soomaaliya ayaa ka walaacsan in jiheynta cusub, oo xakameyn xooggan kusoo rogtay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, una baahan in Aqalka Cad uu ansixiyo howlgallada, ay ka dhigan tahay in Al-Shabaab ay dib isu urursan doonto.

“Duqeyn la’aanta waxay ka dhigan tahay in hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ay kasoo bixi doonaan dhuumashada,” waxaa sidaas VOA u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

“Waxay dib usoo saari doonaan hubkooda dagaalka, qoryo waa weyn ay ku rakiban doonaan baabuur, waxayna billaabi doonaan inay tiro badan isku urursadaan,” ayuu yiri.

“Waxay waxyeelo badan u gaysan doontaa Soomaaliya kaliya maahee gobolka oo dhan, haddii Al-Shabaab la siiyo xorriyad ay ku dhaq-dhaqaaqaan.”

2 Comments

  1. Dalkiina, Soomaaliyeey idinkaa feel kuridey, idinka meceyshadii daruuriga ahey isku qaaliyeeyey inaad dhexdiina iska baayac mushtartaan. Idinkaa dalkiinii siiyeeyey shishweye o waxaad buunbuynisaan aduynyada kale iney wax idiom yeeryaan. Kama shaqeysaan mustaqbalkiina waxaad isaga dayataan xumaanta. Waxaad isku sheegtaan wariyayaal wax aad qorysaan waa copy.

  2. Hadii ciidankii loogu tala galay, in ay la diriraan argagixiso, xamar dariiqyadeeda la taagey , iyo madaxtooyada, yaa la diriraya argagixiso ? waa cidna, waxaa farmaajio isagaa la shaqeeya ragaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*