M/weyne Deni oo siweyn uga carooday weerarkii xalay safar deg deg ahna ku ah Boosaaso.

Puntlandtimes (Boosaaso)-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo diyaarad gaar ah ka raacaya garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa maanta oo Jumce ah booqasho ku tegaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland ayaa u tagaya magaalada Boosaaso sidii uu wax uga ogaan lahaa xogta weerarkii xalay ay Al-shabaab ku qaaday Xabsiga Dhexe ee Boosaaso oo ssiweyn looga hadal hayo Puntland iyo guud ahaan Soomalaiya.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari G/S Xusen Cali Maxamuud oo warbaahinta lahadlay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qaabkii uu u dhacay weerarkii xalay khasaaraha nafeed oo ka soo gaarey ciidanka dowladda.

Dad badan oo baraha bulshada kaga faalooday weerarkii xalay lagu qaaday xabsiga Boosaaso ayaa dowladda ku dhaliilay, waxaana dowladda loogu baaqay inay qaadato mas’uuliyadda weerarkaasi oo u muuqday mid dhacay xilli ciidanka ammaanku aysan heegan kujirin.

4 Comments

  1. Ninkan dani ah waxaa u
    Egyahay nin jahaweer
    Kujiro talada aan ku
    Sinaayo waxaa wayaan dadka
    Kahorleexo kuwii ku dortay
    Kuma aay mahadin runtii
    Puntland waad lagegtay
    Aad baan ogaxumaday in aay
    Puntland noqoto furin oo
    Dadkii aay isnacaan puntland
    Nabadii waad kaqaaday ee
    Raligalin bixi oo hordhaaf

  2. Puntland u dhutin mayso weerarada argagixisda. Dowlad iyo Shacbiga Puntland ayaa si wada jir ah marsiina argagixida iyo waxa la midka ah waxa ay mudanyihiin. Kaligii taliye Ismaqiiqe farmaajo iyo kuwa xanuunsan si weyn ayey uga naxeen jabkii ku dhacey kooxda shabaab iyo mujrimiintii kale ee la midka ah.

  3. Hambalyo ciidanka difaaca Puntland in argagixisada iyo kuwa taageera aad cashar u dhigteen sidii laydinku yaqaanay. Allah ha u naxariisto mujaahidiinta nagaga shihiiday shilkaa argaggixisada iyo taageerayaashooda.
    Madax weyne Deni iyo xukuumaddiisa waxaa laga rabaa inay argagixisada jeelasha ka daaayaan oo meesha lagu arko lagu toogto. Maxaad ka maxkamadaynaysaa oo bariis kasiinaysaa argagixiso.

    Midda kale, kuwa Xalay weeraray ciidamada ammaanka iyo kuwa Farmaajo taageersan ee Xarrago, Ali Daacuun iyo kuwii Boosaaso ka qaylinayay waa isku mid waana in gacan bir ah lagu qabtaa

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*