Muuse Biixi,”Shacabka Muqdisho waxay kujiraan Afduub”.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta oo Isniin ah hortegay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas, isagoona u jeediyay khudbad sanadeedka dastuuriga ah oo uu uga hadlay arrimo kala duwan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sigaar ah diirada u saaray arrimo isugu jiray amniga, xaaladda siyaasadda Maamulkiisa, Doorashooyinka 2021, Miisaaniyada, musuq maasuqa iyo arrimo ku aadan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inay u diyaar garoobayan qabashada doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxtinimada Somaliland, isla markaana xusay in doorashada ay ka qeyb geli doonaan in ka badan 990 Musharax, ayna socdaan howlaha doorashada.

Muuse Biixi ayaa sheegay inay jiraan ilaa iyo 31 Mas’uul oo ka tirsan Somaliland oo lagu soo eedeeyay arrimo la xiriira musqu-maasuq, wuxuuna tilmaamay inay  si adeg ula dagaalami doonaan musuq-maasuqa.

Waxaa kaloo uu Carabka ku dhuftay Muuse Biixi in amniga Somaliland uu yahay mid wanaagsan, isla markaana hay’addaha amniga ay heegan buuxa u yihiin sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadgalyada, maadaama ay kusoo food leedahay doorashada.

Dhinaca kale  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbadiisa sii watay ayaa shacabka magaalada Muqdishao ku tilmaamay in ay afduuban yihiin, isla markaana dadka talada u haaya ay qaatan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya.

“Shacbiga Muqdisho iyagaaba afduuban, dadka talada u hayaana waxay qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya. Maanta Muqdisho dawladdii hore wakhtigeedii wuu dhammaaday dawlad cusubna lama dooran sharciguna uma kordhin haddana wuu fadhiyaa waana maamulayaa” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

14 Comments

  1. MW Muuse Biixi runta ayuu asiibey. Waloo uu la soo daahey haddana in Ismaqiiqe farmaajo AFDUUB uu ku heysto Shacbiga Somaliyeed ee Koonfur, khaasatan kuwa XAMAR degan. Su’aasho sidee ay iskaga eryi karaan DiCTATOR kursi jeceylku uu waaley? ماأخذ بالقوة لايسترد الابالقوة، oo ah wixii xoog lagu qaato, waxaan xoog aheyn laguma soo celiyey. Reer Xamar oo isku dhuuban waa u kacaan iska cayrinta Ismaqiiqe farmaajo iyo cayayaanka uu wato. Ogaada in Dhulgub Afweyne uusan waligii tsgeyn haddii aan laad Afkii weyna looga dhufan. Eryaa Eryaa Daalimka.

  2. Taliyaha JEELKA magaalada Hargaysa, kornayl Muuse-Shaani!

    Duriyaddii Sheekha (khaasatan Gadh-xejis) naftii baa isugu timi; waa neefsan la’yihiin, isna afduub buu ka hadlayaa.

    • HABAAR BAA KASOO HADHAY NINKA HILLAAC LA BAXAY OO AAN U AQAAN HABEEN. AABBIHII WUXUU AHAA NSS JEELKA MAXAABIISTA XINIINYAHA KA TUMA, MUSE WAA KA KU XUKUMA MAANTA ISKU XISHOOD, DHULKAAD U DHALATAY MA TEGI KARTID, WALLAAHI INAAN FARMAAJO WELIGII KU KEENI KARIN HADDAAD MICIIN BIDDEY, TAARIIKHDII HORE CASHAR KAMAAD BARA. WALLEE INTAAD INAN GUMEED KABO QAAD TAHAY MEEL MA GAADHID

  3. BWB
    Adiga oo Afweyne ku haya ayaa suurka la afuufayaa!!!

    Muuse dad Xamar joogo kalgaceyl kama hayee isku dir bay ka tahay oo is leeyahay inta aay Koofur qadantahay Aqoonsi raadso. Laakiin taariikhda laguma hayo meel uu Xaasid ku aflaxay! Oo dhulkoodii Oromo, Amxaaro iyo Carab ayaa kala wareegtay, Aqoonsina ma jiro!

    Farmaajo meesha Soomaali baa u dhiibtay ee Xoog kuma qabsan, kuwa in aay la tartamaan ka baqaya ayaana rabo in aay qaaylo meesha kaga tuuraan, isna middidii buu Daabka haaystaa oo nin cago jugleyn ku baxaya uma eko. Kkk
    Marka, xaalku soow habartii hadashababin aay Siyaad Barre ku caro baaba’do ma dhaafi waayin?! Kkk

    War ninkani buuq iyo Afweyne oo la caayo nin ku caraya maahane, Kelyo yeesha oo la tartama waaba intaas ood ka badisaane! Kkk

    • Xade
      Haddii aad adigu sidaada aad Isaaq u maagssid, anigu ma ahi isaaq. Lkn waxaan qabaa in Isaaq uu yahey reer sharaf leh. Waxaanse aan fahmi karin inaad isaaq oo qabiil Somali ah ahna Muslim iyo Somaliba waa u baxsanasas oo waad u buuxdaa, Dhulgub Afweyne oo individual oo la ogyahey waxa uu Somali oo dhan u geystey waad difaacin !!! اي منطق هذا ياسيد الكريم؟
      Ma waxaad qabta in Dhulgub Afweyne oo Isaaq kaliye wax u dhimey? Waad khaldan tahey… Waa yar yahey nin cidla ka maagaya qof kale.

  4. Dadka Somaliland maaha kuwa Ku farxaya dhib Xamar soo gaadha,waxayna ugu baaqayaan inay nabadooda Ku dadaalaan,si tartiib ah,caqli Ku dhisanna isu dhaafiyaan Farmaajo.

    Waa la yaqaan cidda Ku farxaysa,hadalkii Deni ee uu Hawiye ka dhigay dugaag Ku qamaamaya Villada uunku wada maqal,dadbaa u fahmay inu u digayo,mase ahayn ee wuu caayay marku leeyahay waar raggii miyaanay gidaarada kaaga soo daadan.

    Midda kale Daarood ayaa wada carqalada,heshiis la’aanta arimaha doorashada Somalia,xafiltan dhexdooda ahna ay u xayiran tahay xal ka gaadhida arimaha murugsan ee jiraa,rabana in HAWIYE dulqaadku ka dhamaado,tallaabo khaldana qaadaan,iskana dumiyaan waxa u dhismay iyana ka qoslaan Garowe iyo Kismaanyo.

    Xaasha Somaliland iyo dadkewduba waa ka caafimaad qabaan munaafaqad,isku dir,laba wajiilanimo.

    Hawiye ha ogaadaan in Farmaajo iyo kuwa iska dhigay inay diidan yihiin ee Ku dul shaxaya ay ka tashadaan,ogaadaana inaanay dantooda wadin,midna kursiga isku dhejinayo,kuwano u sahlayaan iyagoo shuruudo iyo maaweelo wakhtiga Ku dhamaynaya,aakhirkana hadafkoodu mid yahay.

    Aaway doorkiinii hogaamineed intaad daawanaysaan sadex nin oo Ilmaadeer ah oo idinku dul shaxaya?????

  5. Ini fargaajo in uu xamar la joogo fidno Iyo fadqalalo waa xaqiiq, waxaanse ognahay inuu ceeb iyo ciqaab adag kala kulmi doono shacabka soomaliyeed. Somali horay u diiday dictator xun oo dabadhilif ah ini fargaajana kuwaas ayuu raaci doonaa isagoo foolxun oo faasid ah. Daarood yar yare waxaan oranlahaa dhulka cagaha dhiga intaydinaan cadaabta gelin

  6. Siyaad bare . AKA ( Affweyne) waxa uu ku jiraa cadaabta waa kii idin soo qaxiyay gubay dhulkiina ..

  7. Daarood waa qabiil wanaagsan ma wadaan dhibaato iyagaa ah dulmane. dhibaatadu waa nidaamka dawlaga ah ee ka jira Zoomalia.

  8. Muse Bixi iyo Datsal Cali waraabe, war maamulka hargeysa ee ( runtii gacanta ugo jira deegaanada dhexe gobolada waqooyi ee Soomaaliya,ayaa u baahan in la saxo.
    Runtii Mubarik,BMW iyo Kuwe kalo aan si caqli ku dhisan figradoida u cabiri karin.Kuwa si sharciga ka baxsan iyo musumaasuqa ku caan ah,waa Muuse oo dhul boob lago eedeeyey, iyo Deni uu musumaasuqa iyo ju tumasho sharciga Puntland ku caanbaxay ayaad indha ka qarsanaysaan.
    Xamar waa meesha keliya ee maantay Soomaalinimo iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed laga dareemo,meel ka mid sh ma jirto ,waa sababta dulaaliinta shisheeye ay u doonayaan in aysan degin.
    Guul qaranimada iyo midnimada Soomaaliyeed.

  9. Wayahan reerland waxa laga sari layaha ruufyaan nimo. Kuwaad guwantanamo ku gurtay orod xarriga kajar

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*