Ra’iisul Wasaare Rooble oo shaaciyey inuu fashilmay shirkii uu la qaatay musharixiinta & qodobada laysku mari waayey.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Ra’iisul wasaaraha Xil gaarsiinta Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay sababtii keentay in uu fashilmo shirkii kala dhaxeeyay Midowga Musharaxiinta ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho.

Rooble waxaa uu tilmaamay in dhammaan qodobadii laga wadahadlay qaarkood la isku fahmay marka laga reebo qodobka ku saabsan in Midowga Musharaxiinta qeyb ka noqdaan hanaanka doorashooyinka dalka.

Waxaa kaloo uu tilmaamay in uu diyaar u yahay in uu sii waddo wadahalada si loo gaaro heshiis midhodhal ah.

Qoraal uu soo saaray ayaa sidaan u qornaa:

Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa.

Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda.

5 Comments

  1. Kuwani dadka wax uma soo wadaane waa in laga tashadaa, yaase ka tashan dadka iyo dalkuba waa la haystee.

  2. Nasiibdarro, murashixiintu amase reer Muqdisho arrinku maalinkii uu xalka lahaa ayeysan ku baraarugin oo wax ka qaban. Reer Muqdisho waxaa talada laga marooqsaday markii Farmaajo geystay saddex qawsaar Xamar, Hirshabelle, iyo Galmudug. Waxaa soo raaca Rooble oo ah middi saawir ah. Waa qawsaarro ka fakera jeebkooda iyo dantooda shakhsi keliya. farmaajo dadka wuxuu u tusaa in afartaas qawsaar matalaan beesha Hawiye isla markaana murashixiintu yihiin shakhsiyaad aan cidna matalin.

    Midowga Murashixiintu haddii ay haystaan taageerada shacabweynaha Hawiye waa inay xoogga saaran sidii qawsaarradaas meesha uga bixi lahaayeen amase u qaadan lahaayeen mowqif ka tarjumaya doonitaanka shacabka Hawiye. Waxayse u egtahay in xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

    Sida shacabka Muqdisho ugu soo baxaan mudaharaadka Sabtida ayaa muujin doonta Midowga Murashixiinta amase qawsaarrada — labadaa kan haysta taageerada shacabka.

  3. 3 qodob ayaan kahadli
    Farmajo waxaan dhihi
    Lahaa u. Sheeg in tuugtan
    Aay dalka xasiloni xumo
    Larabaan waad shaqaysay
    Somalia dadka way kuraban
    Laakiin hadalkii ayaa
    Kaxiran sanadkii atlest 5
    Mar lahadal shacabka usheeg
    Wixii jiro kolay waan og
    Nahay inaad dacad aad tahay
    2 xasan iyo shariif lafihiina
    Hakuqamaarina xasanow askartii aad shalay lahayed
    Ninkii aan 100$ dolar rabin
    Haiskatago ayaa ka soo
    Horeeyo walaahi hadii amar
    Lasiiyo in adan mahadin
    Doonin ficilkooda waliba
    Ciidanka waa abgaal dhulka
    Lugaha dhiga
    3 shacabka waxaan layahay
    Dowlada karabsiiyay oo
    Cayayanka dhibaayo ladirira
    ……………..,……

    ASC

  4. Aniga oo ah MADAXWEYNAHA kalidii is magacaabay ee mandaqadda Sool, Sanaag & Buuhoodle, waxa aan bogaadinayaa dedaalada uu wado ra’iisal wasaaraha jamhuuriyadda Soomaaliya, ee teedsan min LAWYACADDO illaa Liboye-Somaaliya; ra’iisal wasaare waad MAHADSANTAHAY.

    Marka ay halkaa giraantu botorinaydo, waxa ay shacabka Soomaaliyeed (ee teedsan min LAWYACADDO illaa Liboye) u hanqal taagayaan in QALINKA LAGU DUUGO soojeedimihii guddiyadii farsamada ee heshiiskii 17 September. Shacabka Soomaaliyeed marnaba ma aqbalayaan in masiirkooda ay kolba koox cusub, oo magacyo la baxday, ay ISBAARO u dhigato oo XAGAL DAACISO.

    Dhinaca kale, heshiiskii gebagebada marayey dib halloo furo si danteenna gaarka ah ay uga dhex muuqato, waxa aannu u aragnaa isku day lagu minjaxaabinayo qorshayaashii uu ra’iisal wasaaruhu ka hor sheegay baarlamaanka hortiisa. In heshiiskaas dib loo furo waxa ay noqonayDaa in dib haddana baarlamaanka loogu celiyo, taasina kuma jirto DANTA QARANKA. Sidaa daraadeed, waa in madaxda qaranku qaadataa go’aan geesinimo leh oo lagu bedbaadinayo qaranka Soomaaliyeed, iyada oo lala tashanayo C6+, oo dhaqaale badan ku bixisa waddanka.

    Aniga oo, haddaba, fursaddan ka faa’iidaysanaya waxa aniga iyo maamulkayguba CANBAARAYNAYAAN weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday xabsiga weyn ee degmada Boosaaso. Waxa aan ujeedin lahaa in culimada, aqoonyahanka, dhalinyarada, isimada & hooyooyinka gobolka Bari, gaar ahaan degmada Boosaaso, ay tashadaan; wax maamul ah oo danahooga ugu maqani ma muuqdo. Waa in ay ku talagalaan in ay uyaku doortaan golahooda deegaanka, duqa magaalada & kan gobolkaba. Waa in aysan dib u aqbalin in maamul koox gaar ah u adeegaya lagaga keeno dusha.

    Sidaas si le’eg, waxa aan fariin taas la mid ah u dirayaa waxgaradka degmada Gaalkacyo guud ahaan, gaar ahaan qaybta Puntland. Waar maamul danihiina si toos ah xil isaga saara meesha iigama muuqdo ee tashada oo maamulkiinna doorta. Kooxda AARANJAAN waxa ay ku mashquulsanyihiin hantida dadweynaha oo ay lunsadaan si ay danahooda gaarka ah ugu fushadaan; HURDADA HAKA TOOSINA IYADA OO AY WAKHTI DANBE TAHAY.

    Gunaanadkii, mar labaad ra’iisal wasaaraha qaranku waa ku mahadsanyahay isku dayadiisa uu waddanka xal ugu raadinayo waana in si DEGDEG ah loo dhammaystiraa soojeedimihii guddiyadii farsamada ee heshiiskii 17 September, si waddanku uu doorasho u aado horayna ugu socdo.

    Intaa waxaa dheer, waa in feejignaan iyo taxaddar dheeri ah loo yeeshaa waxa bannaanbaxa loogu yeeray ee ay MALEEGAYAAN Garoowe & nimanka aad xalay la kulantay. Waddankan waa lagu soo duulay waa in tallaabada la qaadayo laga taxaddaraa.

  5. @@@ Mohamed Ali
    Waano — abuuris baa ka horreysay. Nin Alle ku abuuray afgaroocnimo, muxuu ku hadlaa. Tan kale, waxaad tiri sannadkii 5 jeer hadal — labo bilood iyo bar mar hadal! Madaxweynaha Maraykanka asbuucii mar ayuu dadkiisa u jeediyaa khudbada la yiraahdo State Of The Union.

    Afartii sano ee uu xilka hayey Farmaajo hal hadal oo lagu xusuusto ma jeedin. Bal calaamada la arkay nin xukun iyo kursi-jecayl lagu ibtileeyey oo haddana aan dadka la hadli karin; si furan aan weriye su’aal u weyddiin karin; baarlamaanka intuu warqad qoran ka akhriyo cararaya!

    Sidee ku rumaysanaynaa in dalka isagu ka talin jirey ee aan maafiya qarsoon majaraha u hayn dalkan? Ninka xilligii xasaasiga ahaa ee xilkiisu sii dhammaanayey awoodiwaayey inuu dadka la hadlo ma rajo kale ayaa laga sugayaa?

    @@@HILLAAC
    Waxba illinta yaxaaska ha u qubin. Wax naxariis iyo caadifad ah uma haysid reer Puntland. Reer Bari iyo reer Gaalkacyo talada aad siinayso waxaa kaaga baahan halka aad kasoo jeeddo.

    Tan kale, haddii aad rumaysan tahay in Rooble yahay ‘ra’iisalwasaaraha min Lowyocaddo ilaa Raas Kiyaambooni’ maxaad marna uga hadliweyday qaddiyadda Somaliland?

    Waxba Dhulbahante ha isku sidkin. Dhulbahante kooda ugu neceb Puntland, waa la yaqaan waxa uu ku hadlo amase halka colaaddiisu gaarsiisan tahay; adiga colaaddaadu waa mid aad uurka hooyadaa kala soo baxday oo DNA kaaga jirta. Layaab malihid.

    Matalan, HANUUNIYE oo in badan reer Puntland caaya, haddana, waa la fahmi karaa inuusan colaad hurguntay u qabin Puntland iyo Majeerteen sida aniguba aanan ugu qabin colaad Reer Diini. Waa wax caadi ah in labo isku hooyo ah xitaa ku murmaan dhaxalka aabbahood. Marka, adiga iyo kuwa midka ah ee ciil-kama-baxeyaasha ah موتوا بغيظكم

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*