Saraakiishii ciidanka dowladda Soomaaliya oo gudaha u galay Kismaayo lana kulmay hoggaanka Jubbaland

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud oo kormeer shaqo oo afar maalmood qaatay ku tagay deegaanada Waqooyi ee magalada Kismaayo, deegaanada uu Madaxwayne ku xigeenku kormeerka ku tagay ayaa waxaa ka mida Sanguuni, Wirkooy, Buulaguduud Yoontooy iyo Goobwayn.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ayaa sidoo kale kormeeray xerooyinka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanadaas.

U jeedka kormeerkaan ayaa darnaa sidii loogu kuur gali lahaa xaaladda amni iyo nolosha dadweynaha ku nool deegaanadaas, maadama qayba ka mid ah deegaanada Jubbaland ay ka jiraan abaaro saameeyay dad iyo duunyaba.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale shirar kala duwan la qaatay Saraakiisha ciidamada  dowladda Federaalka iyo maamulada deegaanadaas oo uu kala hadlay xaaladda guud, isagoona warbixinno kala duwan ka dhagaystay Saraakiisha ciidamada iyo ururada bulshada.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale gaarsiisay gurmad raashin ah oo lagaga jawaabayo abaarihii ka dhacay deegaanada uu madaxweynahu kormeerka ku tagay.

1 Comment

  1. mawaydnaan soomaaliga aqoon maxaad isu daba marinaysaan ciwaanka iyo qoraalada ka dambeeya wax ka badala qaabkaad wax u qortaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*