Turkiga Miyay Sameysanayaan Hub Nugleerka Ka Dib Dhismaha Warshadda Tamarta Ee Akkuyu?

Turkiga waxa uu haystaa fursad uu ku noqon karo dal leh quwad nukliyeer  ka dib markii madaxweynaha wadankaas Rajab Dayib iyo dhiggiisa Russia Putin ay xarigga ka jareen qeybta sedexaad  ee dhismaha xarunta tamarta nukliyeerka ee  Akkuyu Nukleer Santrali .

Mahsuuracaan warshadda Akkuyu ayaa noqonaya maalgashigii  ugu weynaa ee Turkiga sameeyo waxaana ku baxeysa aduun dhan 20 bilyan oo  doolar  halka wadankaas uu siin doono tamar  gaareysa 4800 oo megawatt

Xaflad loo adeegsaday dhanka tiknooliyadda oo muuqaal ah ayay labada madaxweyne xarriga kaga jareen qeybta sedexaad ee dhismaha warashadaas Akkuyu ee dhanka tamarta Nukliyeerka , waxa ayna hoosta ka xariiqeen  in dhismaha warashadaas ay ku timid dadaal labada dal ay bixiyeen waliba ay shaqada bilaabeyso sanadka 2023-ka

Hadaba marka laga yimaado ujeedka ah in Turkiga uu yeesho ilo tamareed  su`aaasha waxa ay tahay Turkga sidaas miyuu lug ula galayaa dalalka leh awoodda nugleerka .

Sheekada warshadaan nugleerka ee Turkiga ayaa soo bilaabatay  April sanadkii 2018-ka isla labadaan madaxweyne ayaana dhagax dhigay  , dhismaha warshadaan ay ruushka mas`uul ka yihiin ayaa ku taal gobolka Marsiin ee koonfurta Turkiga .

Mashruucaan oo uu dib u dhac ku yimid tan iyo markii Russia la siiyay qanadaraaska sanadkii 2010-kii ayaa la haminayaa in %10 baahida tamaareed ee magaalada Istanbuul ay daboosho iyo guud ahaan Turkiga waxaana  dhismaha ka qeyb galaya 10 kun  qof halka ugu dambeyn ay shaqo ka heli doonaan dad gaaraya 3500 oo qof .

Turkuga waxa ay tilmaameen in  in warshadaas ay buuxisay dhaman sharuudaha bad qabka wakaaladda tamaarta aduunka waliba uu u saamaxayo in ay ku soo biiran dalal yar oo tamarta nugkeerka u adeegsada danaha rayidka, waxa uuna madaxweynaha Russia tilmaamay in talaabadaan warashada lagu dhisay ay ka qeyb qaadaneyso soo saarista khuburo Turkiga oo dhanka tamarta nugleerka ah waliba haatan  jaamacadaha wadankiisa ay wax ku bartaan 220 arday oo dhankaas loo tabaararayo.

Hadaba  Turkiga miyay damacsan yihiin in hubka nugleerka sameystaan , dib aan ugu laabano hadal uu yiri madaxweynaha Turkiga sanadkii hore ka dib su`aal laga weydiiyay dhankaas ” anaga mamnuuc ayay naga tahay iyagana waa loo ogol yahay , maxaysan Turkiga u haysan karin” mana aha markii ugu horeeysay ee uu Rajab Dayib arintaas  ka hadlo .

Turkiga miyay u suura galeysaa in hubka nugleerka haystaan , arintaan waxaa ka jawaabay  sarkaal sare oo ka tirsan jaamcadda Ibn Khladoon ee Turkiga , waxa uuna Burhan Aldiin Oglo ku jawaabay ” arintaas ma aha mid adag waayo Turkiga waxa ay leedahay jaamacado iyo xarumo dhanka tiknoolijiyadda, kaliya waxa ay u baahan yihiin go`aan siyaasadeed iyo istraatiijyad ay dowladda dajiso”.

Sidee ayay haatan dalalka ku jira naadiga Nugleerka u kala  haystaan hubkaan wax bur buriya : Mareykanka iyo Russia ayaa ugu badan dalalka haysta madaxyada Nugleerka , warbxinadii ugu dambeeyay  machadka cilmi baaritsa nabadda ee Stockholm waxa uu tilmaamay in Russia ay haystaan 7 kun oo madaxa nugleerka ah halka Mareykanka haystaan 6800

France waxa ay haystaan 300  oo madax , Shinaha ayaa ku xiga 270 , Ingiriiska 215 , Bakistaan 140 , Hindi 130  halka Israel ay haystaan 80 kun oo madax inkastoo wadankaas uusan qiran in ay haystaann hub nugleerka , waxaana ku xiga Kooriyadda Waqooyi oo la xusay in ay haystaan  20  balse xubin kama ah dalalka hubkaas haysta.

Qabiirkaan Oglo waxa uu ku doodayaa in  awoodda Turkiga haatan aysan ku filneyn in hub nugleer sameystaan ayna sanado qaadaneyso waase haadii gacan ay ka hesho dalalka dariska sida Bakistaan haddii aan wadankaas kale la saarin cadaadis caalami ah .

Sidaas oo ay tahay , majaladda Modern Diplomacy waxa ay qoreen maqaal ah in Turkiga haystaan fursad ay Nugleer ku sameystaan maadaama dalal ay ka mid yihiin Russia iyo shiinaha diyaar u yihiin in ay tiknooliyadda ka iibiyaan , horayna caalamka ugu fashilmay in Bakistaan iyo Kooriyada waqooyi laga  hor istaago in ay  noqdaan dalal leh quwadda nugleer inkastoo Turkiga ay saxiixday sanadki 1980-kii hishiiska ah in hubkaan bur buriyaha uusan dunida ku baahin .

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*