VIDEO: Banaanbaxyadii mucaaradka ee Muqdisho oo dib loo dhigay & DFS oo u sheegtay war lama filaan ah

Puntlandtimes (Muqdisho)-Midowga Musharixiinta ayaa ku dhawaaqay in uu dib u dhacay bannanbixii loo ballansanaa in maalinta berri ah uu ka dhaco Tallada daljirka Daahsoon, kaasi oo ay horay ugu dhawaaqeen in uu dhacayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo shir Jaraa’id qabtay ayaa warbaahinta u sheegay in bannaanbaxaasi uu baaqday, isagoo sababta ku sheegay in Dowladda ay goob kasta Ciidan soo dhoobtay, suurta galna aysan ahayn in bannaanbaxu dhaco, waxaana uu intaa ku daray in arrimo dhanka ammaanka ah ay jiraan oo aan u suurta galinayn bannaanbaxa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaa intaas uu ku daray in bannaanbaxu uu dhici doono, balse waqtiga ay dib kasoo sheegi doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Ciidamo aad u farabadan waxaa ay kusoo daadisay, Taallada Daljirka Daahsoon, halkaasi oo loo ballansanaa in uu ka dhaco bannaanbaxu, lamina oga sababta Ciidanka loogu daadiyay halkaasi, iyadoo wararku ay sheegayaan in ay ammaanka sugayaan.

Wasiirka amniga xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay inaysan dowladda Soomaaliya taaladda Daljirka Dahsoon ku sugi karin ammaanka banaanbaxayaasha haseyeeshee ay ku adkaysteen aysanna aqbali doonin inay hub la soo galaan.

3 Comments

  1. qabiilkan Hawiye la yiraahdo mar ayaa fursad fiican soo martay,waa markii Siyaad Barre dalka laga saaray,wayna ka faa’ideysan waayeen,waxay bilaabeen dagaal ahli,xasuuq, dhac iyo kufsi, dhibka ay shacabka u geysteen nabsigooda ayaa haayo,waxaa kale la yaab leh bal fiiri qabqablayaashii dagaalka ayaa weli hor boodaya siyaasiinta Hawiye, bal fiiri :qabqableyaal dagaal gacan ku dhiiglayaal: Cumar Filish,Muuse Suudi,CabdibQeyb-diid,Daba-geed,Indha-Cade iyo kuwo kale oo la mid ah ayaa weli soo taagan.. Farmaajo Faasiq asaguna waa qabqable dagaal soo daahay oo raba inuu xoog ku xukumo dalkaan, kuwaan sheegta midowga musharaxiinta waa kuwo xiiso u qaba kursi, kuwan kale sheegta Somaliland iyo maamul goboleedyada iyo ururo diineed sheegta meesha shisheeye ayaa keensaday,danta Soomaaliyeed ma wadaan. Somali waa loo yaabaa haddii aan laga gaarin, Allah badbaadiyo. waxaa fiicnaan laheyd kuwaan sheegta muxaafid iyo mucaarad in uu Allah ka qabto ummadan.jiil cusubna soo saaro oo nagu haga cadaalad(dowlad caadil ah).

  2. Soomaalidu waxaay tiraahdaa ninna meel u cad, ninna meel ka madoow>>>> shaqsiyaadkaan aaf ku sheegeysaan mucaarad ama Midowga Musharaxiinta waa Qaswadayaal u adeegaya Dowlado aan marnaba dooneyn iney Soomaaliya yeelato Dowladnimo Micna leh, waana Horgalayaal waalan oo Bannaanka la taagan Fool xumo, qas iyo Fowdo, waxaayna isku xiran yihiin two Biggest Spoilers ( Deni iyo Axmed Kenyatta) ,waxaana Dusha ka maamula Dowlado aan marnaba dooneyn iney Soomaaliya yeelato Dowladnimo Micna leh( Kenya iyo Emirates).
    Subxaanalax Shan Qofood oo jooga Hotel Jezeera iyo Deni, Axmed Kenyatta waqti intee le’eg bay Doorashada Soomaaliya iyo masiirka Ummadda Soomaaliyeed u xayirnaan karaan???
    Everything is clear nothing hidden, 7 Person who are Traitors, Spoilers, Stooges, Naked Morons and Looters, it must bring for justice because they are deserve and they are dangerous for Somalia stability and security. It must catch iron hand,no body above the law.
    Hadda waxaay ku andacoodeen iney dib u dhigeen waxaay ugu yeereen Bannaan bax, maxaay
    Rabaan oo maanka ku hayaan wax kale ma ahan waa isa soo hubeynayaan si la mid ah 19 February 2021 ,waana Xaqiiqada dhabta ah waa in taxadar weyn loo yeeshaa arrintaas, waayo Waxaay Wakiilo ka yihiin Dowlado aan marnaba dooneyn iney hesho xasilooni Siyaasadeed iyo mid Amni,iney Soomaaliya ka dhacdo Doorasho, waayo Qaa’miin waddaniinta, Jaajuusiinta,Qaswadayaalka, Mooryaanta Qaawan iyo Tuugada u adeega Kenya iyo Emirates Dan kama lahan Soomaaliya, Dan kama lahan Shacabka Soomaaliyeed.
    Sidaa awgeed Waa Horrors! Waa Habar Dugaag waa in Gacan Bir ah lagu qabto.
    Deni Axmed Kenyatta Kenya iyo Emirates waxaay doonayaan iney Caasimadda Soomaaliya Mogadishu Dab iyo Baasiin ku shubaan maalin cad,waana ka ka soo shaqeen waqti dheer, maalinba Albaab bay soo garaacayeen, hadda Albaabka ugu dambeeya ay garaacayaan waa Bannaan baxa ay soo wadaan islamarkaana ayba si cad u sheegeen iney iyagu isa soo hubeynayaan.
    Hadda shirkii loogu yeeray Horjoogayaasha Gobolada Dalka iyo Dowladda Dhexe waxaa diidey labada wakiil ka kala socday Kenya iyo Emirates waana Deni iyo Axmed Kenyatta, waxaayna dheheen waxaan sugeynaa Shirka Ra’iisulwasaare Rooble iyo shanta Gubatey,hadda Shanta Gubatey Fekerkoodii qaldanaa waa shaqeyn waayey, ka dibna waxaay told isugu nowdeen Kenya iyo Emirates oo isticmaalaya Horgalayaalkooda u jooga Soomaaliya, waxaana isku raaceen iney dib u dhigaan Bannaanbixii Sabtida 06/ 03/ 2021, Ujeedadooda oo ah iney hub soo qaataan si ay u abuuraan Qalqal Amni, taasna waxaay daliil u tahay iney Ujeedada Bannaan baxa uu yahay iney weeraraan Xaafiisyada Dowladda. It’s very clear that.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*