Xafiiska Rooble oo war ka soo saaray xilliga uu la kulmayo midowga musharixiinta & cadaadis la saaray.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha muddo haynta ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyey goorta uu dhacayo wajiga sedaxaad ee shirarkii u socda xukuumadda xil-gaarsiinta iyo golaha midowga musharaxiinta, kaas oo loo balansanaa Khamiista maanta ah.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxuu ku sheegay in caawa fiidka hore uu shirkaas ka furmayo Hotelka Decale oo ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo labadii shir ee kan ka horeeysay ay ka dhaceen.

“Shirkii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la ballansanaa Midowga Musharaxiinta waxa uu Inshallah Decale ka dhacayaa fiidkan, Wixii ku soo kordha waan idinla wadaagi doonaa,” ayaa Macalimuu ku yiri qoraalkiisa.

Xog hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu cadaadinayo inuu ka baaqdo shirka Midowga Musharixiinta, waxuuna cadaadiskaas uga imaanayaa dhanka madaxweyne Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*