Cabsidii ugu cuslayd oo ka taagan gudaha Somaliland iyo dhimashada oo 64 ruux maraysa.

Deegaanada Somaliland waxaa weli fara kulul ku hayo cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, kaas oo mar labaad ku laba kacleeyey maamulkaasi, kadib markii xukuumadddu faahfaahin ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyey ee la diiwaan-geliyey iyo xaaladaha soo kordhay ee la xiriira cudurka Covid-19.

Sheekh Khaliil Cabdillahi oo ah wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland ayaa sheegay in bishan lagu jiro April ay xanuunka u dhinteen 64 qof oo ku sugan degaanada maamulkaasi, isagoona bulshada ugu baaqay inay qaataan talooyinka caafimaadka ee lagu xakameynayo faafintaanka cudurka Coronavirus.

“Waxaa u geeriyooday kow iyo tobanka maalmood ilaa haatan 64 qof, waxaana soo jeedinaya in bulshada guryahooda ku tukadan sallaadda Taraawiixda bisha barakeysan ee Ramadaan,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta maamulka Somaliland.

Dhinacyada mucaaradka Somaliland ayaa kororka kiisaska Corona ee Somaliland u sababeeyey in maamulka ka gaabiyey xayiraadihii hore ee soo rogay ee looga hortagey faafitaanka cudurka oo mar labaad ku soo laba kacleeyey dalal badan oo ku yaalla caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*